Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad (W.Q. Xasan Ciise)

Hordhac.

Tan iyo markii ay dunida Carabta isaga huleeleen gumaystayaashii reer Yurub badhtamihii iyo dabayaaqadaii qarnigii 20aad waxaa xukunka wadama Carabta la wareegey qoysas marka horeba ay gacan wadaag lahaayeen gumaystayaasha iyo saraakiil ka mid ah ciidanka dawladahaas oo wadamo badan af ganbi ku qabsadey.

Shucuubta Carabta ee badankeedu ku dhaqan woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe waxa ay mudo dheer halkan iyo loolan adag kula jireen sidii isbadal siyaasadeed uun uga dhici lahaa wadamadooda oo in yar ugu yaraan ay dadku u nafis lahaayeen,laakiin taasi waxa ay nqotey hal Bacaad lagu lisay waxaany dadka mucaaradka ah ee wadamadaas u kala qaybsanaayeen qolyo Cilmaaniyiin ah iyo Islaamiyiin, labadan kooxoodna badanaa ma jiro mabda’a ama wax ay isku aragti ka yihiin oo ku saabsan qaabka isbadalku noqonayo..

Waxa uu isbadalku marba Jaranjaro soo maraba waxa ay ahayd dabayaaqadii sanadkii 2010kii markii kacdoon shacbi oo gadoodsan ka bilaabmay wadanka Tuunisiya, halkaas oo diktaytarkii Bin Cali ka Huleeley bilowgii bishii Janaayo sandki kaa xigey 2011kii sanadkaas oo lgau suntay sanadkii Kacdoonka Shucuubta Carabta.waxaa ku xigay sida ay reer Masar u siibeen  Mubaarakii Rabey inankiisa in u dhaxalsiiyo waxaanay ahayd isla bishaas 25keedii, kadib waxa ay noqotey Carabi Tusbax furtey Liibiya, Yeman iyo Suuriya

Halkaa markuu xaal marayo oo kacdoon wadayaashii isa siiyeen guusha inkasata oo meelo badan dhiig fara badan lau daadiyey hadana aad ugama aanay fikirin in kacdoonka kacdoon kale laga hor keeni karo kaas oo la rabo in lagu dhiciseeyo.

Kacdoon dhicisaynto waxa ay ka bilaabantey Liibiya iyo Suuriya oo labadaba kacdoonkii shacabka ee qaylada iyo heeryada Tuura kaliya adeegsanayey lagu badaley Xabad iyo Rasaas aan kala go’ lahayn taasi oo xasuuqdey kumaayaal dadka labada dal ah.

Bal hada aan wadan wadan isku dul taagno maxaa sababey in uu dhicisoobo kacdoonkoodu? Waxaanan sheekada ka bilaabi doonaa Tuunis oo ah  meesha ugu sahlan ee la odhan karo badh ama Haaf ayuu kacdoonkeedu guuleystey.

la soco qaybaha danbe…….

W.Q. Xasan Ciise

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu Xasan Ciise Qoray:

Gabadh quruxdeeda darteed ku seegtay in ay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Dahraan!

Islaan caqli badan