Safaaraddii Ingiriiska ee Iiraan oo dib loo furay

Safaaradda uu Ingiriisku ku leeyahay Iiraan yaa dib lo furay kadib markii ay ku dhawaad afar sanno albaabadu u jiidnaayeen.

Waxa sidoo kale la furayaa safaaraddii ay Iiraan ku lahayd London. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska Philip Hammond ayaa ka qayb-galay xafladdii maanta dib loogu furayey safaaradda Ingiriiska ee Tahraan.

Iiraan iyo Ingiriiska ayaa xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed soo ceshaday kadib markii bishii ina dhaaftay ay 6 quwadood oo dunida ah iyo Iiraan heshiis ku wada galeen in la baabiiyo heshiiskii Nukliyeerka ahaa ee Iiraan horumarka ku wadday. Taas beddelkeedana Iiraan waxay heshay xidhiidhaddii diblomaasiyadeed oo loo soo celiyey iyo cumaqabatayntii dhinaca dhaqaalaha oo laga qaaday.

“Waa maalin taariikh weyn u ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Iiraan iyo Maraykanka. Aniguna waxan noqday Wasiirkii koowaad ee Ingiriis ah oo Iiraan cagaha soo dhiga muddo 12 sanno ah” ayuu yidhi Philip Hammond

Waxa iyaguna munaasibaddan ka soo qaybgalay madax iyo diblomaasiyiin ka tirsan xukuumadda Iiraan, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Bandhige@gmail.com