Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad (W.Q. Xasan Ciise)

 

Tuuniisiya

Tuuniisiya waa dal ku yaal woqoogiga qaarada Afrika waxaanu kulaalaa oo dhinaca koonfureed ka xigaa bada dhexe (Mediterranean Sea) taasi oo xadka dabiiciga u ah labada qaaradood ee guunka ah Afrika iyo Yurub.

Tuuniisiya ma ah dhul aad u weyn laakiin waxa ay leedahay dad fara badan ooย  degan kuwaas ooย  lagu qiyaaso ilaa 11 milyan oo qof waxaany u badan yihiin dadka hada ku dhaqan Carab iyo Berber kuwan danbe oo iyagu asal ahaan deganaan jirey dhulkaas.

Tuuniisiya waxaa soo maray dawlado iyo xukuno kala duwan waayadii hore waxaa ka soo taliyey ama haysatey Finiiqiyiin waxaa kuwaas ku xigay ama ka riixadey Roomaankii waxaa sidoo kale kal wareegay qoladan dawladii islaamka gaar ahaan xiligii ay xukunka hayeen dawladii Umawiyiinta waxaanay qiyaastii ku beeganayd dabayaaqadii qarnigii koowaad ee hijriga ama dhamaadkii qarnigii 7aad ee miilaadiga waxaana la odhan jirey hogaamihii muslimiinta ee Rooamaanka iyo Berberka kal wareegay Cuqba binu Naafic.

Waxaa ay hadana soo martey gacanta dawlado kala duwan oo muslimiin ah ugu danbeyntiina waxaa bilowgii qarnigii 16 aad isku hirdiyey labadii dawladoodย  ee waqtiga gobolkaas ugu xooga badnaa kuwaas oo kala ahaa dawladii Cusmaanyiinta iyo Isbaaniska, waxaanay ilaa 1881kii ahayd maamul hoosta taga dawlada Cusmaaniyiinta markaas oo Faransiisku si rasmi ula wareegay waxaanu xukumaayey ilaa dagaalkii 2aad ee adduunka markaas oo Jarmalku la wareegay waaxany 1943kii hadana dib u qabsadey xulafadii USA iyo Biritayn ay ka mid ahaayeen ugu dabeyn waxa ay Tuunisiya xoriyadeeda ka qaatatey Faransiiska 1957kii waxaana waqtigaas xukunkeeda la wareegay Xabiib Burqiiba oo ilaa 1987kii xisbigiisa kaliya ka jirey.

Waqtigaa uu Burqiiba talinaayey oo aad u dheeraa waxaa jirey xisbigiisa oo qudha lamana oholayn axsaab kale waxaana sanadkii 1975kii Baarlamaankiisu isku raacay inta uu nool yahay in uu xukunka hayo, ugu danbeyntii waxa ay dhakhaatiirtiisii cadeeyeen in sanadkii 1987kii uu xanuunka asaasaqa la yidhaahdo in u ku dhacey oo aanu odaygu waxba kala garanayn, waxaana afganbai aanu dhiig ku daadan kula wareegay xukunkii dalka Saynal Caabidiin bin Cali oo markaa ahaa wasiirkiisa arimaha gudaha iyo xoghayaha xisbigiisa.

Bin Cali waxa uu wadankii Tuunisiya u badalay kali talisnimo aan la arag oon la maqal waxaa sanadkii 1989kii lagu eedeeyey ururka Alnahda oo ahaa mucaaradka ugu weyn inkasta oo aan sharci ahaan la ogoleyn in ay isku dayayaan in ay xukunka kula wareegaan af ganbi sida uu isba yeeley waxaana xubinii ururkaas laga dhigay waxa la dili waxa la xidho iyo waxa wadanka ka carara.

Sheekh Cabdifataax Mooro oo ka mid aha aas-aasayaasha ururka Nahda waxa uu yidhi sirdoonka Bin Calai waxa ay dadkaย  ay ku tuhmayaan in ay ka soo horjeedaan ula dhaqmeen si aan dadka loola dhaqmin, wuxuu intaas ku darey tusaale ahaan aniga qolka aan seexdo ayaa kaameerad la igu daaado lagu rakibtey waxaaan arinkaas ogaadey markii kacdoonkii dhacdey ka dib in dadka sidaas cawrdooda loola socdaana waxa aduunka ka dhacey am ah.

Bin Cali waxa u ku darsadey diktaatoornimada hanti lunsi iyo ku takri falka xoolaha ummada waxaana arinkaas u xaytey isaga Islaantiisa Layla Al Taraabulisi iyo seedigii Bil Xasan Al tarabulisi kuwaas oo balaayiin doolar hanti lagu qadarey dibada dalka ugala baxey, waqtiga isaga iyo qoyskiisu ay sidaas hantida ummad ugu tamashleynayaan waxaa wadankii halakeeyey oo dhinac walba is gaadhay shaqo laโ€™aan iyo dhaqaale burbrur taasi oo horseeday kacdoonkii ka bilaabmay magaalada Sidi Buusidi ee ku taala koonfurta dalka, halakaas oo wlii digriiga labaad dadkii jaamacada ka qaatey ahaa oo shaqa veel ahaa markii uu liin iyo wax la mid ah oo uu miis ku ururusadey ay dawlada hoose ka kala tuurtey ayuu isku hor gubay xaruntii dawlada hoose ee magalaadaas, waxaanu Maxamed Bu Casiis noqdey shahiidkii kacdoonka Carabta.

la soco qaybaha danbeโ€ฆโ€ฆ.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu Xasan Ciise Qoray:

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad

Gabadh quruxdeeda darteed ku seegtay in ay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Dahraan!

Islaan caqli badan

W.Q. Xasan Ciise