Xaglo-toosiye oo si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. saleebaan Ciise Axmed ( Xagla-toosiye) ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey Hargeysa, ka dib markii ka soo laabtay safar baryahanba ugu maqnaa Buuhoodle.

Dadweyne iyo masuuuliyiin aad u tiro badan ayaa ku soo dhaweeyey Wasiir Xaglo-toosiye duleedka bari ee Hargeysa oo ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, xildhibaano ka tirsan Gollaha Wakiilada iyo Guurtida, Salaadiin, dhallinyaro, aqoonyahano, bahda saxaafada, iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Soo dhaweynta Wasiirka Caafimadka waxa dadweynaha laga dareemaayey inay ku ladhnayd xamaasad xoog leh, iyada oo Wasiirka Caafimaadku uu ka soo kicitimay Buuhoodle , halkaasi oo uu ka caydhiyey nabadiidkii Cali Khaliif Galaydh iyo xulafadiisii.

Waxaan madashaasi soo dhaweynta ahayd hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin tirro badan, iyado oo ay dhamaantood ku amaaneey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka in uu yahay nin ka soo baxay hawshii qaranku u igmaday, isla markaana ay ka go’antahay nabadaynta Gobolada Beriga qaarkood.

Sidoo kale waxay masuuliyiintaasi aad ugu amaaneen Wasiir Xaglatoosiye talaabadii uu ka qaaday Cali Khaliif Galaydh, oo rabay in uu Gobolkaasi qas iyo nabad-galyo darro ka abuuro.

Xaglo-toosiye ayaa ka mid siyaasiyiin saameynta weyn ku leh Somaliland ee ka soo jeed Gobolka Buuhoodle oo aan wali Somaliland ka talin.

image159 KK image160

bandhige@gmail.com