Kacdoonkii Dhicisoobey, Q.3aad (W.Q. Xasan Ciise Raage)

 

Tuuniisiya kacdoonkii kadib

Tuuniisiya markii kacdoonkii hir galey ee la eryey Bin Cali iyo qawlaysatadiisii waxaa markiiba la is waydiiyey qaabkii maamul dimoqraadi ah oo lagu nasto loo dhisi lahaa. Waxaa isku yimid wixii nidaamkaa hore mucaaradka ku ahaa, ha ahaadaan kuwo jeelasha ku jiray oo laga sii daayey una badnaa ururka Al Nahda, kuwo dibadaha u cararey oo ay ku  jiraan xubno Al Nahda ah iyo kuwo cilmaamyiin ah intaba. Waxaa sidoo kale iyaguna soo nolaadey axsaabtii hantiwadaagga ahaa.

Reer Tuunis aad iskuma dhibin waxaana la amaamuday maamul ku-meel-gaadh ah waxaana madax looga dhigay Maxamed Qanooshi oo horey nimaamka dhacay uga mid ahaa laakiin muddo hore ka tagay ama uu isaga laftiisu tuurey. Waxaa kale oo la isla calaamadiyey in dalka loo sameeyo dastuur laakiin darstuurka ka hor waxaa la isku raacay in la sameeyo xeer ku-meel-gaadh ah (charter) kaasi oo aad u sifaynaayey qaabka doorshada loo qabanyo iyo axsaabta tartamaysaa nooca ay noqonayaan.

Doorshadii lagu galay xeerkaas ku-meel-gaadhka ah waxaa ku guuleystey xisbiga Al Nahda oo ah kan axsaabta waddanka ka hana qaadey ugu abaabulaa uguna nidaam fiicnaa. Waxaa la odhan karaa Islaamiyiinta Tuunisiya waa nimanka ugu ilabaxsan ururrada Islaamiga ah ee jira maanta iskuma aanay koobin xukunkii ay ku guulaysteen waxa ay qaateen ra’iisal-wasaare iyo dhawr wasiir waxaanay siiyeen guddoonkii baarlamaanka mid ka mid ah axsaabtii cilmaaniga ahayd halka ay madaxii dawladana u daayeen in la soo doorto qof dhexdhexaad ah waxaana noqdey madaxweynihii ugu horeeyey ee Bin Cali beddela Munsif Al Marsuuqi oo ahaa nin xuquuqda aadanaha u dooda isla markaan aan ka tirsanayn waxa xisbi ah ama madax banaan.

Sidaas ayaa xukunkii loo kala qaybsadey oo qolaba meel lagu ogaaday waxaana la isku dhaarsadey in Tuunisiya tusaale u noqoto Carab oo dhan sida ay bilow ugu ahayd kacdoonkaas barakaysnaa.

Laakiin nasiib-darro ma seexan qolyihii agoonta ahaa ee ka hadhay nidaamkii dumay waxaanay adeegsadeen in ay abuuraan falal amni-darro iyaga oo ka bilaabay ciidanka, ilaalada xuduudaha iyo siyaasiyiinta qaarkood ii dilal qorshaysan lagula kaco waxaana lagu eedeeyey xukuumadii Nahda mid aan amniga waxba ka qabanayn, waxayse ku guulasteen in ay fashiliyaan cidda kharbudaada ka abuuraysa dalka bannaankana soo dhigaan.

Ciidanka milatariga Tuunisiya muxuu intaas sheedda uun uga eegaayey oo uu u fara galin waayey?  Waxa ay isku waafaqsan yihiin dhammaan dadka arrimaha Carabta falanqeeyaa in ciidanka Tuunisya yahay kan ugu nadiifsan waligiiga taariikh uma laha in uu fara galiyo siyaasadda arrimaha gudaha dalka.

Markii Bin Cali xaajadu ku dhanaanatey oo Booliskii waxba ka tari waayey dadkii mudaharaadayey ayuu u yeedhay taliyihii ciidamada oo la odhan jiray Janaraal Rashiid Camaar waxaanu ku amrey in uu wax ka qabto rabashadaha dhacaya. Inta uu ciidankii oo taangiyo iyo  qalab kale oo waaweyn ku gaashaaman suuqa u soo dhadhicyey ayuu dadkii sidii nin la safan oo kale dhex galay iskana gacan qaady qaar badan oo ka mid ah.

Janaraal Rashiid wuxu Bin Cali ugu tagay qasrigii lagu ilaalinaayey waxaanu u sheegay in la nacay ciidankuna aanay difaacayn uuna isagu fudud yahay wadankana ka carraabo ama meeshii uu ku badbaadi lahaa sameysto. Sidaas ayaanu ciidanka Tuunisiya difaac guud ee dalka oo dhan mooyee aanu nidaam gaar ah u ilaalin aadna uga fiican yihiin ciidamad ka jira wadama Carabta guud ahaan.

Doorshadii taas xigatey Nahda waxa ay hoos ugu dhaacadey xisbiga labaad waxana tartankii ku guulaystey xisbiga Nidaa Al Tuunis oo uu abuurtey ninka duqa ah ee la yidhaah Al- Qaa’id Baaje Sabsa.  Waxaany ururkan iyo ninkii ay xulafada ahaayeen madaxweynihii hore Munsif Al Marsuuqi ku kaaftoomeen in ay mucaard iska noqdaan, sidaas ayaa la odhan karaa kacdoonka Tuunisiya waa ka kaliya ee ugu dhiig yar isla markaan qayb ahaan guulaystey.

Waxaana la yidhaahdaa haddii aanay jirin xikmadda Raashid Al Qanooshi kacdoonkaasi waa khasaari lahaa oo Bin Cali niddaamkiisuna waa soo laaban lahaa.

la soco qaybaha danbe…….

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu Xasan Ciise Qoray:

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad

Gabadh quruxdeeda darteed ku seegtay in ay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Dahraan!

Islaan caqli badan

W.Q. Xasan Ciise