Midowga Yurub oo ku dhawaaqay in ay dib u celinayaa tahriibayaasha dhaqaale doonka

Madaxa arrimaha socdaalka Midowga Yurub Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah tahriibayaasha, waxaanu balan ku qaaday in ay dib u celin doono tahriibayaasha dhaqaale doonka ah ee ku soo qulqulaaya Yurub.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka tirada badan ee ka soo cararaaya dalalka iyo meelaha ay colaadu ka jirto ay xaq u leeyiin inay ku sii nagaadaan Yurub, hase yeeshee waddamo badan oo ka mid ah qaarada Yurub ayaa walaac ka qaba dhibaatada iyo cadaadiska ka dhalatay dadka muhaajiriinta ee magan-gelyada ka raadsanaya Qaaradda Yurub.

Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu ka masuul tahay in ay caawiyaan muhaajiriinta, taas oo haatan ay waddamo badan samaynayaan caawin ka badan inta awoodoodu tahay.

Sidoo kale waxa uu xusay in aanay isku mid ahayn dadka magangelyo doonka ah ee ka soo qaxaya waddamada ay dagaaladu ka socdaan, sida Suuriya, Liibiya, iyo Eriteriya, iyo kuwa wadamadoodu ay nabada yihiin ee yurub u soo doontay arrimo dhaqaale oo kaliya, waxaanu xusay muhaajiriinta doonaya nolol ka wanaagsan ta ay waddankooda ku haystaan dib loogu celin doono waddankooda.

Madaxa arrimaha socadaalka Midawga Yurub waxa uu balan qaaday inuu dagaal la gali doono dadka wax tahriibiya ee abuula dadka, si wax looga qabto muhaajiriinta Yurub ku sii qulqulaaya, waxaanu sheegay in dhibaatada ka dhalatay dadkan tahriibayaasha ah, haddii muddo sadnad ah ay sidaa sii ahaato inay ay saamayn ku yeelan doonto guud ahaan Qaaradda Yurub.

Sannadka ayaa waxa Yurub gaadhay tahriibayaashii abid ugu badnaa ee ka soo hayaama waddamadooda.

bandhige@gmail.com