Shir-deegaameedkii Qorilugud oo la soo gabagabeeyey go’aano nabadeedna laga soo saaray

Shir tobankii maalmood ee u dambeeyey u socday beesha deegaanka Qorilugud oo loogu magac-daray “Danjir” ayaa Salaasadii la soo gunaanaday.

Shirkani wuxu daba socday shir hore oo dhawaan lagu qabtay Coodanle kaas oo ay ka soo baxeen go’aano nabad lagaga dhalinayo beelaha wada dega gobolka Buuhoodle, isla markaana weli la sugayo fulinta qodobadii ka soo baxay.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji, Wasiirka Duulista Maxamuud Caashi Cabdi, Wasiirka Dib-u-Dejinta Cali Siciid Rayal Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo madax kale oo ka soo jeedda beesha Bariga Burco ayaa ka qayb-galay munaasibaddii lagu soo xidhayey shirka, waxayna halkaas ka jeediyeen weedho guubaabin nabadeed u badan.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji wuxu ergadii shirka u sheegay in xukuumaddu ay deegaanka qorilugud ka fulisay todoba mashruuc oo horumarineed, kuwaas oo isugu jira caafimaad, waxbarasho iyo kaabeyaal dhaqaale ama maamul.

Go’aamada shirka waxa madasha ka jeediyey waxa akhriyey Yuusuf Ibraahim Warsame isagoo sheegay in shirkani ayiday go’aannadii nabadda ee ka soo baxay shirkii Coodanle isla markaana uu nabad buuxda ugu baaqayo shacabka ku wada dhaqan gobolka Buuhoodle. Sidoo kale wuxu sheegay in shirweynuhu go’aamiyey in ay furan tahay waddada isku xidha Buuhoodle iyo Qorilugud oo aan la marin muddo sannado ah. Yuusuf wuxu sheegay in waddadaas masuuliyaddeeda ay beesha deegaanku qaadday si nabadgalyo ahna loo mari karo mar kasta.

Shirweynuhu sidoo kale wuxu go’aamiyey in la dhawro dhul-daaqsimeedka deegaanka la dhawro oo aan laga samayn karin deegaamayn cusub, la goyn karin dhirta qoyan isla markaana dhuxul laga shidi karin.

Dhanka kale shirweynuhu wuxu go’aamiyey in dhakhso loo bilaabo dariiqa isku xidha Buuhoodle iyo Waadaamo-goo, xukuumaddana wuxu ugu baaqay in ay hawshaas gacan ka gaysatay.

Ugu dambayn wuxu shirku xukuumadda ugu baaqay fududaynta meel-marinta heshiiskii nabadeed ee Coodanle.

Hoos ka daawo muuqaalka gunaanadkii shirka:

Bandhige@gmail.com