Waxay saddexda Xisbi qaran Ku heshiiyeen in Xisbi walba Ka sharaxo 18 haween ah taas oo wadarta murashixiinta haweenka ah Ka dhigsysa 54 murashax. Guud ahaan waxaa tartanka Golaha wakiiladda u tartamaya 246 murashax oo laga rabo iney soo baxaan 82 Xildhibaan. Haweenka waxay Ka noqonayaan 22% tartamayaasha.
Beelaha Gabooye ayaa iyaguna yeelanaya tartanka 9 murashax. Xisbi walba ugu yaraan 3 murashax ayuu balan Ku qaaday inuu beeshaa siiyo. Tan macnaheedu waxa weeyi in beesha Gabooye ay 3.5% Ku yeelanayso murashixiinta. Dabcan, hore axsaabtu uguma xidhnayn haweenka iyo Gabooyaha haddan waligood kagama siin tiro murashixiin ah oo intaa le’eeg.
Walow aanay tani ahayn yoolkii kooto-doonka ahaa ee haweenka & beelaha Gabooye u ololaynayeen oo ay tartan isku-furan u galayaan kuraasta [wax hel iyo wax waabba], haddana waa xal Siyaasadeed oo kooto musharaxnimo oo axsaabtu Isla garatay. Waxaa la odhan karaa waa talaabo hore loogu qaaday dhanka Kootad kuraas Golaha Wakiilada ay ugu dambaynta Ku yeeshaan qaybahani.
Fursadda ay qof dumar ah ama qof beesha Gabooye ahi Ku soo bixi Karaan ayaa kor loo qaaday doorashaddan. Waxaa dadka u ololeeya ka-qaybgalka siyaasada ee haweenka iyo Gabooyaha laga rabaa iney u guntadaan siddii looga faaiidayn lahaa fursadan.