Sida caadiga ah marka xeer la samaynayo illaa inta laga ansixinayo ee M/eynuhu saxiixayo waxay qaadataa waqti; waqtigaasi wuu kala duwan yahay isku celcelis marka aad eegto dunida dimuqraadiga ah waxa laga yaabaa in ay qaadato illaa 6 bilood; qaar baa jira qaata sannado, kuwo kale oo laba bilood ku dhammaadaana way jiraan.
Sida caadiga laba jeer baa dadwaynuhu ka qaybgalaan; midi waa marka hore ee wasaaradda ay khusayso ay sharcigaa diyaarinayso inta aan loo soo gudbin Golaha Wasiirada; marka kalena waa marka loo soo gudbiyo Golaha Wakiilada,halkaasoo guddiga u qaabilsan Barlamaanka arrinkaasi ay casuunto muwaadiniinta jecel in ay ra’yi ka dhiibtaan xeerkan cusub ama aan cusbayn ba ee kaabidda iyo wax ka beddelka lagu samaynayo.
Haddaba waxa jirta in maalmahan uu hor yaallo Golaha Wakiilada xeerkii doorashooyinka, kaasoo ah mid muwaadiniintu aad u danaynayaan in ay ra’yi ka dhiibtaan; waxan is waydiiyay xeerarka hay’aduhu wataan ba waa ta loo qabto shirar ay dadwaynuhu ra’yigooda kaga dhiibtaane, maxaa xeerkan muhiimka ah looga qayb galin waayay dadweynaha ciddii danaynaysa; illeyn guddoonka kolayba waxa leh Baarlamaanka iyo Madaxweynaha e; macnaha talada u danbaysa iyo go’aanka iyagaa leh, ee maxay uga faa’iidaysan waayeen dadka danaynaya xeerkan!!