Kulmiye galay Kulmiye (WQ: Muniir Axmed Cigaal)

Amarka Illaahay Xisbigii Waddani intii Isbahaysiga Kulmiye ku biireen, horta marka dhinaceena dhulka la dhigaayo aynu u tudhno Xisbigii Waddani ruux hor leh iyo nashaad ayaa gashay, waxaanu kasbaday tageerayaal ku kala nool degaano kala duwan oo aanu hore Xisbigu u haysan.

Waxaase xusid mudan Wasiiro kooban oo Xukuumadda ka tirsan oo yara foorjaysan ayaa hurdo la’aan awgeed aanay waa halkii Islaamaheene bar-dhiig ahi ku duulin tan iyo mudadaas. Waxa kaaga sii daran Xubno kamid ah Wasiiradaas shacbigii deegaanadooda ayaaba Xisbiga Waddani u waydaartay.

Arrinta xiiisaha gaarka leh ayaa haddaba ah, mid kamid ah Wasiiradaas, ayaa deegaankiisi ku biireen Xisbiga Waddani, kadibna xubno ay Golaha Wasiirada ku wada jiraan ayaa waydiiyay su’aal weedheedu noqonaysay:

“Waar hebel rerkii maxaa ku dhacay ma Isbahaysigii KULMIYE ayay raceen?.”

Wuxuu ugu jawaabay sida igu maqaalo ah:

“Dhib maleh qolyaha Hargaysa jooga ee wali Xisbiga Kulmiye ka tirsan ayaan xaflad u qaban doona oo warkaas aan ku masixi doona.”

Waaba Cajabay Cajiibay Kulmiye galay Kulmiye,  si war kale loogu masaxo. KKKKkK.

Muniir Axmed Cigaal.

Hargaysa, Somaliland.