Kulmiye mucaarid kamuu dambayn (W.Q. Cali Xasan)

Mucaaradnimadii KULMIYE sidaan filaayo waxay ahayd mid ku dhisan siyaasad dhalliilaysa  hawlo laga gaabiyey, waxaanay sababtay in Xisbiga  KULMIYE noqdo mucaarad xooggan wakhtigii olalihii doraashada.

Dawladii UDUB ee fashilantay waxa nacay shacabkii iyo xitaa askartii  iyo shaqaalihii u shaqaynaayey, ilaahayna ka baryi jiray inuu maruun dhaafiyo dawladan wada hungurigaa.

Xisbiga KULMIYE  wakhtigaasi wuxuu ka guulaystay jaanisyo badan oo dawladdii UDUB uu ka helay. Mucaaradka Somaliland ee maanta ma hayaan dhabbihii muraacidnimada oo ahayd sheegista dhalliilaha Dawlada, tusidda shacabka meelaha godalooyiinku ka jiraan, toosinta dawladda, keenista iyo ka iibinta shacabka barnaamij siyaasadeed oo ku tacaluqa mustaqbalka.

Haseyeeshee mucaaradkan maantu dhabbahaas wuu ka habaabay wuxuuna qaaday waddo qaloocan oo qodxaan leh.  Waxay soo kordhiyeen camal iyo cibaaro aan hore loo aqoon ceeb ku cusub shacabka iyo siyaasadaba. Waxay dhalliil ka dhigaan cay iyo aflagaado si toosa ugu socota Madaxweynaha, qoyskiisa iyo sidoo kale xubnaha ugu kartida badan xukuumadda .

Haddii aynu nahay  ummad islaam ah oo dhaqan suuban leh caado umaynaan lahaan jirin nin siyaasiya oo han hoggaamineed leh in intuu saxaafad soo hor fadhiisto halkii laga sugaayey  hadal miisaan leh uu dal dalo cay iyo aflegaado, markuu dhammeeyana kuwa yar yaree saxaafadda uu ku yidhaah “Adeer sii daaya intaa qabaxdana aniga isoo waydiida.”  Runtii waa ayaan daro waana nasiib daro haysata siyaasiyiinta mucaaridka , waxaynu odhan karnaa waa cawaaqib xumo samankan ku habsatay mucaaradkii.

Kuwa xisbiyada sheeganaya mucaaridka isku sheegayaa sidaa mucaarid ku ahaan maayaan siyaasaduna cay maaha ee waa farsamo iyo shax loo ciyaaro si habboon, waxaan qabaa inaan KULMIYE mucaarid ka danyn.

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com