Kuma ayuu ahaa Malcolm X? (W.Q. Saddaam Xuseen Carab)

 “Haddii aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.

Midabkiisii madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid caddaan ah.

“Aniga oo uurka kugu sida bay koox ka tirsan Klan oo madaxa duubani albaabka innagu soo garaaceen. Waxay ay doonayeen  oo ku hanjabayeen in uu aabbahaa soo baxo oo ay dilaan” ayey Malcom hooyadii isaga oo yar u sheegtay.  Mar kale ayey Klanku burburiyeen daaqadaha iyo qayb ka mid ah gurigooda taas oo ku kelliftay Earl Little (Malcom Aabbihii) in uu ka guuro Omaha una raro reerka East Lansing.

Mararka qaar dhibka iyo tacaddiga waxa aad kaga guurtaa magaalo ama xaafad ay ka jirto. In uu Earl Little reerkiisa u soo raray Omaha dhibkii waxba kama ay dhimin. Kolkii ay yimaaddeen Lansing ba gurigoodii baa dab la qabadsiiyey. Dabdammiskii magaaladuna ma uu u gurman, daaye waa ay diideen in ay wax qabtaan.  “Askartii caddaanka ahayd iyo dabdamiskii waa ay yimaaddeen, hareeraha ka istaageen oo daawadeen ilaa gurigu basbeelay” buu yidhi Malcom oo ka sheekeeyay.

1931kii , lix sano ka dib dhalashadiisii Malcom waa uu agoomoobay. Maydka aabbihii oo madaxu garab yaal baa la helay, oo la aamminsanyahay in Klanku qudhgooyeen. Waayo jeerar hore ayey ugu hanjabeen in khaarajin doonaan.

Dugsigiisii sareMalcomx waxa uu ka galay  ‘West Junior High School’ oo gaar u ahaa dadka madow. “Noloshu waxyaalaha ay innooga baahantahay waxa ka mid ah in aynu noqonno run la noolayaal…..wax aad noqon karto dooro… Maxaad u qorsheysanwayd in aad noqoto Nijaar?” buu macallin caddaan ahi ku yidhi mar uu waydiiyey waxa uu rabo in uu noqdo, oo uu “Garyaqaannimo” doortay Malcom. Hadalka macallinkaas baa loo aaneeyaa sababtii uu uga tegay Malcom waxbarashada. Mid kale oo dhibaatooyinkii midabtakoorka cunsuriyaddu noloshiisa ku waxyeellaysay bay ahayd.

Ka dib ka bixiddii dugsiga, Malcom waxa uu la degay walaashii oo ku noolayd Boston. Shaqooyin door ah buu ka qabtay Boston oo ay ka mid ahayd kabacaseyntu. Kolkii dambe na dadka mukhaadaraadka ka shaqeeyay buu ka mid noqday oo aakhirkii lagu xidhay laguna xukumay toban sanno oo xadhig ah.

Lix sanno oo uu xabsiga ku jiray ka dib, waxa la sheegaa in isgeddi maskaxeed iyo mid ruuxeed ku dhacay Malcom. Sababta oo ahayd akhrinta buugaag door ah oo uu isku dhaafin jirin waqtigii uu maxbuuska ahaa iyo dad muslim ah oo uu kula kulmay xabsiga. Sii dayntiisii ka dib na, waxa uu xidhiidh la sameeyay hoggaamiyihii ummadda muslimiinta ee madowga ee Maraykan oo loo yaqaannay Al Xaaj Maxamed.  Halkaas uu Malcom diinta Islaamka ku qaatay.

Urur diimeedka Ummadda Islaamka ayuu aqoon badan ka korodhsaday. Ururku waxa uu ahaa mid u jira helidda maamul madax bannaan oo ay helaan dadka madowga ahi, si ay uga baxaan gumaysiga caddaanka. Malcom si buuxda ayuu ugu go’ay la shaqaynta hoggaamey Al Xaaj Maxamed ilaa kolkii dambe 1952kii uu u magacaabay wasiir iyo afhayeenka ummadda muslinka ah.

Tirada xubnaha Muslimiinta ee ururka ummadda muslimiinta kolkii xilka loo dhiibay Malcom(1952) waxa ay ahaayeen 400 oo kali ah. 1960kii waxa ay gaadheen 30,000 oo xubnood iyada oo loo sababta tiriyo dedaallada uu Malcom X u galay faafinta iyo xoojinta Islaamka.

Dedaalkiisa joogtada ahaa iyo taageerada xooggan ee u helayey awgeed, kolkii uu iska casilay xilka wasiirnimo haya’dda sirdoonka ee FBI waxa ay  bilawday dabagal iyo ka warhayn dheeraad ah oo lagu xakameeyo MalcomX.

In badan buu u halgamay xaq u dirirka dadka madowga ah  iyo in uu sheego in dadka oo dhami simanyihiin, isku xuquuqna yihiin. Hadallo yaab leh buu u jeedin jiray dadka madow, ugu caddayn jiray in ay la midyihiin qofka caddaanka. Ku dhiirrigelin jiray in aan midabkooda, samayska sankooda iyo afkooda aanay nici karin.  Khudbadihiisa waxa ka mid ahaa: “Ujeeddadeennu waa xornimo buuxda, caddaalad iyo sinnaan lagu helo si kasta oo suurto gal ah”, “Waan caddaynay xuquuqdeenna nolosha..in aan noqonno bini aadam, in la noo ixtiraamo sida bini aadamka, in aan bulshada ka helno xuquuqda bini aadamka, dhulkan, maanta waxa aynu maskaxda ku haynaa jiritaan, si wal oo suuro gal ah”.

Malcom sannaddii 1964kii waxa uu socdaal ku tegay dalal ka mid ah woqooyiga afrika iyo bariga dhexe. Safarkaasi waxa uu ku dhiirriyey una caddeeyay hoggaamiyenimadiisa ruuxiga ah iyo u jeedsiga xagga siyaasadda. Sidoo kale in xuquuq u raadinta dadka madowga la gaadhsiiyo heer caalami buu soo korodhsaday isla safarkaas.

Isla 1964kii buu sidoo kale aaday Maka, kuna soo gutay waajibkii Xajka, kaas oo ahaa midkii ugu horreeyay uguna dambeeyay. Xaajigu waxa uu halkaas kula kulmay dad tiro badan oo kala duwan. Waxa uu sheegay in dad ay kal amidabyihiin oo ay walaalo yihiin uu sooo arkay. Dalal dhowr ah buu sidoo kale soo maray. Markii uu ka soo laabtay xajkana waxa uu la soo noqday magac cusub oo ahaa “Al Xaaj Al Malik Al Shabbaas”.

Khudbadihii Xaajiga waxa aad u xoojin jirtay codkarnimada iyo aftahamada uu ku astaysnaa. Waxa ka mid ahaa erayadiisii caan baxay “Ma ihi caaddifi mana riyoonayo, waxa aan ahay nin madow oo jecel nabadda iyo caddaaladda, waan jecelahay dadkayga”.  “Waxa aan aaminsanahay in diinta islaamku tahay diinta ugu fiican”.  “Maraykanku waa in uu fahmaa Islaamka, waayo waa diinta kali ah ee tirtiraysa midab takoorka”. Dadka madowga ahi aad bay u jeclaayeen khudbadihiisa, dhiirrigelintiisa iyo weedhihiisa dantooda iyo noloshooda joogtada ah ka hadla.

Falaadh xanuun kulul oo lagu dhex tuuray meel dad caddaannimada derejo u haysta buu ahaa Malcom. Kol bana lama rabin in qof sidan caddaalad uga hadla lagu arko dunida midabtakoorka iyo istakoorka. Hadalladiisa cadcadi halis badan in ay noloshiisa galinayaan dad badani waa y tuhunsanaayeen. Nin u joojiya in uu xaqa ka aammuso ma uu ahayn. Waa kii lahaa “Haddii aanad daraaddeed u dhimanayn, erayga xornimo ka saar qaamuuskaaga”

Caweyskii 21kii Feebarwari sannaddii 1965kii waxa uu Malcomx ka jeedinayey hadal  Audubon Ballroom oo ku taalla  Manhatan. Saddex nin oo qoryo ku hubaysan baa isaga oo fagaaraha taagan xabbad ku furay, shan iyo toban xabbadood oo ay kula soo dhawaadeen bay ku shaandheeyeen halkaas oo aanu dhaawiciisu dhakhtarba gaadhin ee  ku geeriyooday.  Sagaal iyo soddon jir isaga oo ah buu nolosha sidaas kaga hulleelay Alla ha u naxariistee Al Xaaj Al Malik Al shabbaas oo loo garan ogyahay Malcom X.

In kasta oo uu nolosha ka tagay, hab nololeedkiisii iyo casharradiisii waa kuwo dunida guud yaal. Buugaag door ah, aflaam iyo dokumentiriyo laga sameeyay noloshii Malcomx baa dunida nool oo aan la dhiman.

Taariikhda uu dunida muslimka iyo ta dadka madow u dhigay muddadii uu noolaa, muuqaallada hadalladiisii yaabkaa lahaa ee uu jeedin jiray iyo Alle ha u naxariistii hal-adaygnimadiisii waa tu dad badan baraysa ujeeddada nolosha, awoodaha qofka iyo siraha guusha.

 

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

gobonnimo.blogspot.com