Luggooyada Jamaal, lurta Cabdiraxmaan Iyo lulashada Muuse (W.Q. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi)

Abuuridda fursadaha siyaasiga ahi marba waxay leeyihiin heerar kala duwan, kuwaas oo meertadu jaangoyn u tahay. Gaadhida hanka siyaasaddeed waa mid u baahan ka baaraan-dag badan iyo feejignaan dheeraada oo ay ku lamaan tahay taxadar iyo heelanaan leh hamuun sare.

Dabcan markaynu ka hadlayno fursad iyo gaadhideeda waxaan meesha marnaba ka madhnayn caqabadaha iyo ciriqyada siyaasiga ah, kuwaas oo ku sar go’an hilanka dheer uu siyaasigu haweysanayo. Waxaase lagu kala baxaa waa shaxda iyo hilanka loo maro.

Jamaal Cali Xuseen sida aynu ognahay waa musharaxa xisbiga UCID tan iyo dib u jidiidintii lagu sameeyay xisbiyada siyaasadda Somaliland, haddaba siyaasadda ka hor waxaynu ognahay in Jamaal uu ka soo shaqeeyay bangi ah kuwa dunida ugu tunka weyn ah, sidoo kale intii aanu masrax siyaasadda iman wuxuu waddanka ku soo galay dardar culus oo uu is baray bulshada siiba dhallinyarta isagoo inta badan ku caano maalay in loogu yeedho aqoonyahan, sidaa darteed waxay naanaystaasi iyo magacaa uu kasbaday in wax badan laga fisho in uu qaranka ku soo kordhin karo, waxaanay bulshadu aad u soo dhaweysay markii uu lugta la soo galay siyaasadda, sababta ugu weyn ee loo soo dhaweynayey may ahayn karti iyo hufnaan ay ku bartay bulshadu oo uu ugu adeegay balse waxay ahayd in uu dhallinyar yahay isla markaan uu dhiig cusub oo damqanaya leeyahay.

Balse farxadii iyo filashadii waxay meel madhan noqotay markii Jamaal Cali Xuseen lagu hungoobay, hiigsigiisii iyo himiladiisiina ay noqotay musharax Madaxwayne ayaan ahay?.

Waxaanay bulshadu is waydiinaysaa waxa uu saaxada ku soo kordhiyey? Marka laga reebo in uu musharax yahay? Taas oo ah lugooyo siyaasadeed iyo hungo ku dhacday filashadii!

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) sidaad ogtihiin waa asaasaha iyo Guddoomiyaha xisbiga ugu da’da yar waddanka maaha se nin ku cusub bulshada iyo masraxa, wuxuu nasiib u helay in uu xisbigiisu badalo xisbigii balaysimay xisbiyada, inta badan doorashadii uu ku soo baxay wuxuu helay codad tiro badan inkastoo dadka qaar dhaliilaan codadkaas, yeelkoode. Guddoomiye ay bulshadu u haysay hoos u dhacday markii uu Cirro noqday nin laba shinbirood Cirro wuxuu horseeday taariikh aan hore u soo marin qarankan koraya, wuxuuna xalaalaystay in xilka xisbiga iyo xilka saddexaad ee qaranka ugu tunka weyn isku hayo, iyadoo ay sidaasi jirto Cabdiraxmaan wuxuu xisbigiisu hana-qaaday wakhti bulshadu mucaarid tahay waxaanay is lahaayeen maadaama xisbi cusub ku soo biiray masraxa waxa uu badali doona jawigii iyo jihadii siyaasadeed inkasta oo aanu Cirro ku cusbayn dhaayahooga.

waxaase danigii iyo dhugmadii dhagax ku wada dilaaya, shimbir laba geed wada gurata taas

waxaanay bulshadu qaybaheeda maatida ihi, ee codka ugu badan siyaasiyiinta siisaa walaac iyo wal bahaar ka hayaa sababta uu dareenkooga ugu turjumi waayay Cabdiraxmaan Cirro? Ee uu sito heeryada guddoomiyenimada golaha ee tobanka sanno iyo gusuurka uu gadh-wadeenka ka ahaa?

Waxaanay u arkaan inta badan in aanu Cabdiraxmaan hawl iyo hiirtaanyo in uu u maro hanashada kursiga ugu sareeya qaranka aanu doonayn, ee uu lurayo uun bulshada, iyagoo taas daliil uga dhigaya aamusnaantiisa faraha badan iyo jeclaysiga uu jeclaysanayo sii fadhiga kursiga uu hayo. Inkasta oo uu isagu is ogyahay waxa uu u door bidayo arrintaasi .

Muuse Biixi Cabdi marka laga yimaado muddadii uu ka midka ahaa jilayaasha siyaasadda, wuxuu guddoonka Kulmiye si rasmi ah ula wareegay 5/8/2010, xiligaas oo dalku ka soo doogayay daalkii iyo dihaalkii dheeraa ee loo soo maray doorashadii uu guusha ku hantiyay Madaxweyne Siilaanyo.

Inkasta oo aan waagaas la garanayn cida iska sharixi doonta xisbiga talada hantay ee Kulmiye, haddana waxay dad badani dareensanayeen in Muuse damac kaga jiro waxa kale oo aan dadka daah iyo dabool ka saarnayn in musharaxiin kalena ka soo bixi doonto.

Haddaba muddo markii la joogay waxa soo baxay in xisbiga iyo xukuumaddii uu dhalay ay kala kooxo noqdeen taaso oo yeelatay wajiyo iyo jihooyin badan, waxaanay bulshadu inta badan qadiyadaas u sibir saartaa dhawr arrimood oo ay kaw ka tahay dabciga iyo dabeecada Muuse oo inta badan dhaqan iyo caado ay u tahay adayg/kakanaan iyo tallo maroorsi aanu waxba xeerin taas oo ay u dheerayd in uu isa siiyay xisbigii iyo musharxnimadiisii oo aanu iskuba dayin in uu isu soo dhaweeyo wixii ka qabyo ahaa xaalkana markii dambe uu ka soo qaaday odhaahdii ahayd:

“Maanaa burka bahal ka fishay.”

Ta labaad Muuse oo xisbiga uu gadh-wadeenka ka noqday dhexdiisa ku leh godobo siyaasadeed oo ka dhexeeya isla qolyaha uu hoggaanka u yahay waxaanay taasi cadaatay markii uu Muuse dibedda dhigay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo dacalka iyo dhabarkaba saaraya Siilaanyo balse aan qaadan door guddoomiyenimo, waxaanay arrintaasi dhayda ka cadaatay markii uu khilaafka xisbigu isku shareeray cirka in uu ku tiraabay mid ka mid ah hogaanada xisbigu sidan:

“Siyaasadu waa salaan haddaba Muuse wuxuu isku dayay isagoon salaankii siyaasada wada fuulin in uu anagiina naga laabto salaankaanu wada saarnayn.”

Dhacdooyinkaa is biirsaday ee aynaan wada xusin iyo kuwa la filan karaaba waxay Muuse ku noqdeen in uu yahay hoggaamiye lusha oo taagan maahmaahdii ahayd:

“Gacantaadu haday solo gasho laguma soo dhuftee waa laga dhiraan dhiriyaa.”

Waxa isna xusid mudan in xisbigii Kulmiye yahay khatarta ugu badan indhaha bulshada iyo xisbiyaduba eegayaan.

Haddaba markii hor-boodayaasha siyaasada xaajadoodu sidaa noqotay waxa soo baxday in xaaladii waddanku noqoto jaantaa rogan, aan lahayn halbeeg iyo miisaan laga qiyaas qaato, waxa dilaacay taariikhda markii ugu horaysay xukuumad kala socota gudaheedii, xisbi iyo xukuumad kala rakaaba. Iyagoo intaas ka wabinaya oo walbahaar la dhaygagsan bulshadu ayaa waxa ugu biiray mucaarid ay miisaami kari waayeen invay awoodooda iyo siday wax u rabaanba?

Waxaanay taasi keentay in daawadayaal indho iyo dhago xidhan loo noqdo riwaayada kaadhadhka badan ee Kulmiyaha kala jaadka ahi jilayo, taas oo aanay xisbiyada mucaaridka ahina ka madhnayn daawadayashaas, balse iyagu waa mucaaridkee ay u dheer tahay inay hawlahoogii oo dhan ku xidheen wixii Kulmiye ka soo baxa. Taasina waxay fursad siiysay xukuumada dabarka waydaaratay.

W.Q: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com