Maalinta Jacaylka (WQ: Mustafe M. Khayre)

 

14-ka February waxay meelo badan oo dunida ah ugu suntan tahay Maalinta Jacaylka Adduunka ama “Maalinta Valentine.” Sannad kasta maalintan oo kale malaayiin dad ah oo kala deggan ama wada deggan ayaa isweydaarsada tiro lagu qiyaasay 192 milyan oo ah kaadhadhka ay ku xardhan yihiin “Valentine.” Waxa intaas dheer ubaxyo aan waxba ka tiro yarayn iyo buqshaqo xambaarsan hadiyado si gaar ah loo soo xulay. Boqolkiiba lixdan waxyaabahaas la iswaydaarsanayo waxa la sheegay in la sii iibsado ugu yaraan lix maalmood ka hor inta aanay maalintani soo gelin. Shariikadaha ubaxa iibiya, kuwa gaadiidka, isgaadhsiinta, dalxiiska, kuwa sameeya shakoolaha iyo waxyaabaha macaan ayaa hela faa’iido malaayiin Doollar ah.

Lammaaneyaasha is jecel ayaa soo bandhiga qaabab kala duwan oo ay ku muujinayaan heerka uu gaadhsiisan yahay kalgacalkoodu. Qaarkood waxay quusaan badaha waaweyn hoostooda oo ay isku dhunkadaan. Qaar kale waxay jeclaystaan in iyaga oo hawada sare duulaya ay jacaylkooda u dabaaldegaan. Qaarna waxabay isku dhunkadaan meelo fagaare ah oo kumannaan qof isugu yimaadeen.

Waa su’aale maalintani xaggee ayay ka timid?

Ma aha maalin ay Qaramada Midoobay astaysay in la xuso sida Maalinta AIDS-ka ama Maalinta Haweenka. Mana aha maalin ku salaysan xus diineed, mid dhaqan iyo dhacdo waddaniyadeed. Ma jirto cid haysa taariikhdeeda dhabta ah. Waxase jira sheekooyin aan tixraac lahayn oo jiilba jiil ka soo dhaxlayey oo la mid ah sheekooyinka Soomaalida ee Cigaal Shiilaad iyo Araweelo, kuwaas oo ka warramaya maalintani sidii ay ku timid iyo cidda uu ahaa Valentine. Sheekadan soo socota ayaa ugu caansan dadka badankiisuna ay aaminsan yihiin in ay tahay ta dhabta ah:

Valentine wuxu ahaa baaderi magaalada Rooma dadka isugu meherin jiray qarnigii saddexaad. Wakhtigaas oo dagaalo ba’ani socdeen waxa Rooma u talinayey boqor arxan daran oo la odhan jiray Claduis II. Wuxu boqorku dareemay in raggii xaasaska lahaa ay aad uga cago-jiidayaan in ay ka qayb-galaan dagaalka oo ay ka jeclaysanayaan in ay xaasaskooda iskala joogaan. Sidoo kale wuxu Boqor Claduis is tusay in askarta aan xaasaska lahayn ay ka karti iyo firfircooni badan yihiin kuwa xaasaska leh. Sidaas daraadeed wuxu soo saaray go’aan mamnuucaya in la is guursado ilaa inta xaaladda adag ee dagaalka laga baxayo si loo bedbaadiyo dhulka iyo dadka Boqortooyada Rooma.

Valentine ayaa sida la weriyey go’aankaasi u cuntami waayey oo u arkay mid caddaalad-darro ah isla markaana ka soo hor jeeda dabeecadda asalka ah ee aadamaha. Sidaas awgeed dheg uma uu dhigin amarkii Boqorka ee hawshiisii ayuu si qarsoodi ah u sii watay isaga oo dadka isugu meherin jiray qol madow oo shamac yari ka iftiimayo oo ay joogaan labada is guursanaya oo kali ah. Markii uu Boqorkii maqlay in uu Valentine weli sii wado isku-meherintii dadka wuu gadooday waxanu amar ku bixiyey in la xidho kadibna loo dhammeeyo.

Valentine oo ahaa nin kalgacal badan ayaa intii uu jeelka ku jiray jeclaaday gabadh uu dhalay boqorkii isaga xabsiga dhigay oo intii uu xidhnaa dhawr jeer xabsiga ku soo booqatay. Waxa la sheegay in maalintii Valentine qudha laga jarayey oo ahayd 14-kii February 269 A.D. uu gabadhaas u soo diray warqad uu ugu muujinayey ilaa xadka uu gaadhsiisan yahay jacaylka uu u qabaa. Waxanu warqaddaas ku soo gabogabeeyey “Waa gacaliyehaagii Valentine oo ku leh nabadgelyo!”

Warqaddaasi waxay ahayd tii bilawday malaayiinta waraaqaha ah ee maalintan la isku diro. Dadkii Roomaaniyiinta ahaa oo ka xumaaday dilka baaderiguna waxay maalintan u aqoonsadeen in ay noqoto Maalinta Jacaylka Adduunka.

Innaga dhinaceena Cilmi Boodhari ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyey uguna dambeeyey ee jacayl u god-galay. Haddii ay jirto cid garanaysa maalintii uu geeriyooday malaha way ku fiicnayd in loo aqoosnado Maalinta Jacaylka Soomaalida.

Maqaalkan waxan Wargeyska Jamhuuriya ku daabacay toban sanno ka hor maanta oo kale. Markii aan dib u akhriyey waxan jeclaystay in aan mar kale idinla wadaago.

Mustafe M. Khayre

mustafekhaire@gmail.com