Wefti ka socda ururka Jaamacadda Carabta oo soo gaadhay Somaliland, kulamana la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo masuuliyin ka tirsan Xukuumadda

Wefti ka socda Ururka Jaamacadda Carabta oo shalay ka soo degay gadagada diyaaradaha ee Cigaal. Weftigan oo  uu hoggaaminayo Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan iyo seddex masuul oo ku weheliya weftigiisa ayuu qolka nasashada (VIP Lounge) ee Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyeen Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Aden Ismail “Axmed Kayse”, Danjiraha Somaliland  qaabilsan Yemen, Danjiraha Wareegga ee Somaliland iyo qaarka mid ah madaxda waaxaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Hadallo kooban oo Wasiir-ku-xigeenka iyo weftigu ku yidhaaheen Warbaahinta, waxa loo galbiyay weftiga Hudheelka Maansoor oo casuumad qado sharaf loogu sii daairyay.  Weftigan ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaamay inay u yimaadeen sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda guud ee dalka, baahiyaha aas’aasiga ah iyo qorshayaasha uga yaalla Somaliland sannadkan 2016.

Soo dhawaynta kadib, waxa ugu horayn la kulmay weftiga Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire oo kulan saacado qaatay ay ku yeesheen xafiiskiisa. Wasiirku wuxu ugu horayn uga waramay weftiga taariikhda dheer ee dadka iyo dalka Somaliland, midawgii labada soomaaliyeed iyo siduu  guul darraystay, marxaladaha ay soo martay Somaliland illaa iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbaanida, waxa  u qabsoomay Somaliland, qadiyadda madaxbanaanida, baahiyaaha aas’aasiga ee bulshada dhinacyada biyaha, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaale, waddooyinka, adeegga bangiyada iwm.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulankaas iyo Khudbadiisa Garnaqsiga ah kadib; weftiga gacanta ka geliyay dhukmentiyo iyo macluumaad tiro badan oo ku saabsan baahiyaha, qorshayaasha iyo istaraatiijiyadaha  ku salaysan ee Somaliland iyo qodobo kale. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa sheegay in abaar khatar ahi ka taagantahay dalka oo gurmad degdegga ah u baahan, isla markaana ay jirto adeeg la’aan xagga weelka iyo qalabka waxsoosaarka biyahaba guud ahaan, waxanu u gudbiyay weftiga qoraal uu ku codsanayo kaalmo degdegga ah iyo qalabka adeegga biyaha.

Kulankaas kadib, waxay weftigu kula kulmeen hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha  Wasiiro, Agaasimayal Guud iyo madax kale oo ka socday Wasaaradaha Arrimaha Guddaha, Qorshaynta, Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Ganacsiga, Dib-u-dejinta iyo sidoo kale hay’ado madaxbannaan iyo aqoonyahanno metelayay waaxda gaarka ah (Private sector) iyo bulshada rayidka ah.

Ka dib markii uu furay shirka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, waxa halka ka hadlay halkaas masuuliyiin kala duwan oo metelayay dhinacyada kor ku sheegan kuwaasoo si faahfaahsan uga waramay baahiyaha mudnaanta leh waaxahana kala gedisan ee arrimaha bulshada u badan, waxaanay hay’ad waliba u gudbisay weftiga dhambaal codsi ah oo ku aadan baahidooda.

Dhammaan masuuliyiinta xukuumadda ee weftiga la hadlay ayaa ku garnaqsaday sida uu doorka Ururka Jaamacaddu uga maqanyahay Somaliland iyo in loo baahanyahay inay ka gacan siiyaan dawladda Somaliland horumarinta danaha caamka ah ee bulshada.

Waxa soo gebagabeeyay kulanka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo hadallo kooban halkaas uga jeediyay warbaahinta.

Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan oo gebagebadii kulankaas u hadlay weftigiisa ayaa sheegay inay dhagaysteen xukuumadda Somaliland iyo baaqyada loo jeediyay ee dhinacyada arrimaha bulshada, caafimaadka, biyaha, waxbarashada, deegaanka, abaaraha iwm, isla markaana ay tixgelinayaan oo u gudbinayaan Golaha Wasiirada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta. Weftiga ayaa guud ahaan aad iyo aad uga mahadceliyay xukuumadda Somaliland sida ballaadhan ee loogu soo dhaweeyay dalka.

Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan waxa ku weheliyay weftigan Danjire  Cabdul-muncim Cabdul-cadiim, Agaasimaha Waxbarashada & Cilmibaadhista, Danjire Maxamed Cabdlla Idiris, Ergayga Khaaska ah ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Somaliya/Somaliland iyo Amed Xaaji Bakaal oo ah masuul ka tirsan Xafiiska Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

bandhige@gmal.com