Maqaal Ardayda Ay Askartu dhaleen ,waa in mudnaan gaar ah la siiyaan W/Q : (xil barkhad jaamac baruun)

Jaamacadaha dalka oo dhan sannadkan deeqaha waxbarasho ee ay bixinayaan waa in mudnaan gaar ah siiyaan ardeyda ay Askartu dhaleen ee soo dhammaystay waxbarashadda dugsiga Sare.

Askariga millicda u taagan adeega ummaddiisa, Askariga roobku ugu da’aayo adkeynta iyo illaalinta amaanka ummaddiisa, Askariga u hurdo beelay heeganna u ah ka hortaga mushiladaha umaddiisa, Askaragi mushaharkiisu yahay mid aan ku filneyn nolosha qoyskiisa qarankiisana ku qanacsan, Askariga laydhka gurriga lacagtiisa laga rabo, Askariga kiradaa gurrigiisa laga rabo, Askariga biyaha laga rabo wuxu inaga mudan yahay in mudnaan gaar ah iyo maamus weyn aynu dhammaanteen u muujinno.

Jaamacadda maanta ku dhiirrata in 30 ardey oo Askarta dalku dhashay deeq waxbarasho siisa taariikh ayey galeysa, abaalna ummadda u hayn, Ajarna xagga Alle ayay ka heli.