Xikmado wax ku ool ah

waa qormo gaaban oo aynu akhristayaasheenna ugu soo aruurinay erayo murti iyo xikmad balaadhan xambaarsan.

Ka faa’idaysi wacan:

– Marka qofka laga xaarrimo nolosha uu doonayo, jidka keliya ee u furani waa in uu sharciga iyo kala dambaynta la dagaalamo.

– Qofka oo naftiisa ka hela, qabkiisana ku qancaa waa tilmaamta liidashada lagu garto.

– Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.

– Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin.

– Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa xaqqiisa qaladka ka gala.

– Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, abidkaa nolosha ku xasili maysid.

– Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.