Marti Sharfan (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sannadkii ba hal mar ayay ina soo booqataa. Markaas ay ina soo martido, dad badani kuma baraarugsana qiimaha ay leedahay. Dadka qaar, camalkoogu gaabis ba ha iska ahaadee, intii Rabbi uga qadaro, waa kala hadhaan. Qolyo kalena, waxa ay tamar hayaan oo dhan ayay dul dhigaan si ay uga faa’iidaystaan. Sida suubanuhu NNKHA inoo sheegay, bilawga bishaba mid dhawaaqa ayaa farriin dira. Wuxuu ku dhawaaqaa:

“Qof kii khayr ku foognaayow, dardar gali, kii xumaan ku jirawna, gaabso”

Naxariista Eebe, si Muslimiintu uga badbaadaan dabinka shaydaanka, waxa la inoo sheegay in shayaadiinta kuwooda madaxa adag la xidho. Bishaarada ka sii wayni waa in albaabada Jannada oo dhan la balaqo, kuwa Naarta na la xidho.

Maalmaheegu waa wada fursado iyo barako. Bilawgeedu waa naxariis; badhtankeedu waa danbi dhaaf; dhamaadkeeduna waa cadaabta oo la iska xoreeyo. Intaas waxa sii dheer, habeenka tobanka danbe lagu dhex qariyey. Habeenka camal aadamuhu qabto oo la aqbalaa, ka ajar badan yahay, shaqo kun bilood la qabto. Waa habeenka wayn ee Laylatul Qadriga. Waa habeenka qofka Alle waafajiyo cibaadadiisu u dhigmayso mid joogto loo soo qabanayay muddo 83 sanno ah. Ku darsoo soonka bishani waa camalka kaliya ee aadamuhu qabto, balse abaalmarintiisa, Ilaaha wayn ee waaxidka ahi isku kali yeelay. Waxa sidaa gaar loogu yeelay waa nooca cibaadada oo ah sir addoomaha iyo Allahood u dhexaysa.

Dadka aakhiradooda u meel dayaa, Quraan akhris iyo cibaadada oo la xoojiyo ayay jadwalkooda meel sare kaga asteeyaan. Haa jadwalkooga maalinlaha ah ayay ka dhigaan mid u diyaarsan ka faa’iidaysiga bishan barakada badan. Waxay og yihiin in waqtigu ka mid yahay haynta ugu weyn ee aadamuhu hayo, gaar ahaan marka uu nabdoon yahay, caafimaad na hayo.

Masaakiinta ayay si gaar ah uga war hayaan, saa waxay fahmeen in gaajada soonka ku lammaani darsi ugu filan tahay diifta dadka danyarta ahi si joogto ah daris ula yihiin. Agoonta, socotada iyo qaraabada baahan ayay xil gaar ah iska saaraan.

Waxay fahmeen in bishu tahay bishii la is daryeelayay ee waxa la hayo- si walba oo uu u kooban yahay- wuxuun laga bixinayay. Waxay garteen in bishu tahay ta la rabo in la isa saamaxo oo aan uurka wax ba la iskugu qaban. Sow maaha bisha si ku celcelis ah loogu ducaysto, “Allow adigu ka wax cafiya ayaad tahay, jecel saamaxaadda ee na cafi”

In kaliya quudka la iska dhaafo, misana xumaanta la iska dhex dabbaasho inaan lagu kasban raali ahaanshaha Eebe ayay og yihiin. Hadalka xun, ka dani aanay ugu jirin iyo ficilka aan anfac lahayn ayay ka hadhaan. Xitaa marka kuwa dhacdhaca badani ku xadgudbaan, nafta way dabraan, waana kuwa ku gaabsada “Waan soomanahay”.

Ugu danbayn, mar horeba garatay baan filayaaye, bisha aan ka hadlaynaa waa bisha barakaysan ee Soonqaad. Inta bisha si dhab ah uga faa’iidaysata Allah ha inaga yeelo. Rabbi ha inaga dhigo, kuwa tobanka habeen ee u danbeeya guntiga dhiisha iskaga dhiga ee cibaadada ku mitida; kuwa qoysaskooda khayrka ku dhiirrigaliya ee ku dadaala tacab-wadareed liibaan raadis ah; kuwa u heellan la kulanka habeenka weyn ee aan kor kaga soo hadalnay, iyaga oo ku rajo weyn in soonkooda la aqbo, laguna daro liiska inta caddaabta laga xoreeyo.

Guul ka weyn miyaa jirta in nolosha danbe ee abadiga ah caddaabta lagaa fogeeyo. Allow nagu dar liiska addoomahaaga naarta laga badbaadiyey. Aamiin