Mas’uuliyaddu maaha intan kuu muuqata oo keli ah (W.Q. Maxamex Cali Bile)

Ka warran haddii berri subax maddaarka laga soo dejiyo, meydka 600 oo dhallinyaro ah oo laga soo ururiyey saxaraaga u dhexeeya dalalka Suudaan, Jaad, Liibiya iyo badda Midhatereeniyanka?

Waxa laga yaabaa in marka aad qoraalkan halkaa marineyso, in aad tidhaahdo:

“Ilaahey kama yeelo” ama “habaar waa dibad”

iyo hadalo la mida. Ka warran haddii hadalkeygu dhab yahay. Ka waran haddii dhallinyaro intaa ka badani ay dhinteen 3 sanadood ee ugu danbeeyey, iminkana dhimanayaan?.

Waxaan kuu hubaa in tirada dadka badaha iyo saxaraaga ku naf waayey, haddii madaarka laga soo dejiyo in aan sidan la ahaadeen, ummaddu iska aamusnaateen, dawladnimadu sidan iskaga jirteen, baarlamaanku sidan u shireen. Dareen kale ayaa iman lahaa. Waxa iminka loo dareemi laayahay meydkooda iyo lafahooda ayaa inaga fog.

Kuwa meydkooda la keenaa waxaabey nasiib ku lahaan lahaayeen, in lagu tukado, ayaa sharaf lagu aasi lahaa oo waalidkii dhalayna ku samri lahaa. Ka waran tirada badan ee sida isdaba jooga ku dhimata ama ku dhibaatooda saxaraha ee aan meydkoodaba la helin, ee ka nasiibka leh ee meydkiisa la heleyna inta ciid yar loo faagfaagey lagu aasey saxaraha. Ka warran iyaga kuwa badan ee ay baddu liqdey ee yaxaasku cuney ee lafahoodii laga heley xeebaha Liibiya. Tirada meydadka laga soo saarey xabaalo wadareedyada Hargeysa iyo agagaarkeeda, ee ah dadkii gacanta ka xaqa darani dishey 1988-1990-gii, waxa aad uga badan dhallinyarada ku jirta xabaalo wadareedka badda midhatareeniyanka ah, ee aan weli lagu tukan lana aasin, ee an weli sida cad loo tilmaamin cidda ay mas’uuliyaddaasi saaran tahay.

Hadalkeygan waxa dareemi kara uun waalid iyo walaalo inankoodii ama inantoodii sidaas oo kale ku waayey. Waxa iyana dareemi kara waalidka ilmahoodii jidka ku sii jiro ee wadnaha farta ku haya ee tilifoonkii soo dhacaba is leh tolow ma geeri ayaa la soo sheegi. Waxa dareemi kara waalid wiil ama gabadh uu dhalay ay la joogaan, oo maalin kasta is leh, tolow goorma ayey dhaqaajin oo Magafe kula soo hadli iyada oo ilmahaagii saxaraha Liibiya lagu heysto. Waxa dareemi kara waalid ilmihiisii baxay oo isna ka daba baxay si uu u soo celiyo ee ay qaar Aw barre ku gaadheen, qaar jigjiga ku gaadheen, qaar markii ay gaadheen xuduudda Itoobiya iyo Suudaan la yidhi, inankaagii xalay ayuu gudbey.

Labadii boqol ee sanadood ee aynu soo dhaafneyba, tahriibku wuu jirey. Soomaalidu waxa ay u tahriibi jireen, Afrikada Bari iyo Ardu Sawaaxil. Qaar maraakiibta ayay siimaan (sea man) ka ahaayeen oo ay marka danbena kaga hadhi jireen dekedaha Yurub. Gaar waxa ay ku sii dhuuman jireen khanka maraakiibta, markaasey soo bixi jireen marka markabku ku xidho deked kale. Qaar inta ay cimrada tagaan Sucuudiga, ayay marka danbena dalkaa ku dhex dhuuman jireen. Qaar inta ay Yemen tagaan ayay lug ku geli jireen Sucuudiga. Tahriibku wuxu ahaa arrin soo jirey, oo dadku ay ku raadsanayeen nolol ka fiican tey ku jiraan.

Tahriibka maantu wuu ka duwan yahay kii hore loo yaqaaneyn. Tirada dadka tahriibayaa wey ka badan yihiin kuwii hore, oo kumanaan ayaa tahriibaya. Dadka tahriibayaa waa wada dhallinyaro badankoodu ciyaala iskuul ah iyo qaar Jaamacaddo dhameeyey. Tahriibka maanta waxa uu leeyahay khatar aad u badan oo bad iyo saxaraa la marayaa. Waxa sii dheer, tahriibka maanta waa qaali oo reerihii ayaa la weydiinayaa oo lagu dirqiyayaa xoolo aaney heyn oo la odhanayaa inankiinii ama inantiinii halkaasaa lagu heystaa ee soo furta. Intan oo dhan waxa sii dheer, tahriibka maanta dhimashadiisa ayaa badan, oo ma jirto magaalo dalkeena laga ooyeyni. Warbaahintii oo fududaateyna, naxdintii ayay sii badisey oo qofka meel ku dhinta ama lagu heysto, isla saadacaddaa ayaa bari iyo galbeed laga maqlayaa oo naxdintu sii badaneysaa.

Dadka xabaalo wadareedka laga heley waddankeena waa la garanayaa ciddii dishey, iyo sababta loo diley, waana arrin ama laga gungaadhi karo ama lagu samri karo. Balse dhallinyarta baddu liqdo maalin kasta, yaa ka mas’uul ah? Waa su’aal waajib ah in la isweydiiyo. Midi waa dhab oo qof qaangaadh ah wixii uu goosto ee uu ku dhaqaaqaa, waa mas’uuliyadiisa. Balse, masuuliyadaasi halkaa ku eekaan meyso. Arrinku ma taagna qof iyo laba ama toban. Arrinku waa Aafo Qaran. Waxa ay la mid tahay, masiibooyinka ummaddaha ku dhaca sida abaaraha, duufaanada iyo dhulgariirka. Aafo qaranna, waxa masuuliyadeeda leh qaranka. Maaha arrin lagu daawado hooyada iyo aabaha goblamey ama goblan sugaha ah oo keliya.

Waa arrin u baahan in si baaldhan looga tashado. Waxaanan masuuliyada dusha uga saarayaa qaranka, dadkan dhimanayaa waa muwaadiniintii ay mas’uulka ka ahaayeen. Carruurtan waxa dhalay waalid qarankan iyo dawladnimadan wax ka soo dhisay oo u codeeyey. Markuu waalidkaasi codeynayey ama uu qaranka wax ka dhisayey, waxyaabaha uu ka fakirayay waxa ugu weyn in carruurtiisu mustaqbal wanaagsan hesho. Sidaa darteed qaranku gaar ahaan dawladda waxa saaran mas’uuliyad toos ah iyo mas’uuliyad damiir ah (moral responsibility).

Sida tahriibka wax looga qabtaa ma sahlana, dawladuna keligeed ma joojin karto, balse, waxa loo baahan yahay in laga tashado, oo la qorsheeyo mustaqbalka dhow iyo ka fog wixii laga yeeli lahaa. Qorsheynta noocaas ah ayay dawladdu hoggaanka u qaban kartaa. Midi iyadu wey caddahay oo tahriibku waa calaamad ka mida dhibaatooyinka hoose ee dhallinyarada heysta ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Dhibaatadaas oo ay ugu weyn tahay shaqo la’aan, dhiirgelin la’aan, wacyi gelin la’aan iyo inaan dhallinyaradii la mashquulin oo ay inta badan iska taagtaagan yihiin. Waxa iyana ka mas’uul ah, dawladnimadeenii waxay noqotey dad kooban oo mashquuley oo aad ka shakiyeyso in dhallinyartu ay uguba jirto ajandaha. qorshe wanaagsan oo la sameeya, waxa uu badbaadin karaa kuwa kal danbe iyo sannadada danbe tahriibi lahaa.

Waxa iyana loo baahan yahay in waxa iminka socda wax laga qabto. In dawladda iyo warbaahintu iskaashato oo wacyigelin mugleh laga galo. Wacyigelintu maaha oo keliya tahriibku wuu xun yahay ee ka jooga, balse ha noqoto wax ka mugweyn. Waxa laga barankaraa dalalka masiibooyinkan oo kale qabsadeen ee ka badbaadey. Dhallinta waa in la rajo geliya oo wax badan oo wanaagsan oo dalka yaala wax looga sheega oo aan aheyn intan iminka lagu soo celceliyo ee idaacadda iyo telefishanada laga sheego.

Waxa iyana muhiim ah, in la diiwan-geliyo dadka dhinta oo loo sameeyo meel lagu qoro, taariikhda, da’da, haddii la helayo sawirkooda, goobta uu qofkaasi ku dhintey iyo sababta uu u dhintey.

Aad ayay muhiim u tahay oo taariikhda ayay geleysaa, jiilasha danbena waxbey ka baranayaan. Waa lagama maarmaan dhallinyarta dhimata tacsi loo dhigo oo baroordiiq loo sameeyo oo la magacaabo maalin la isu soo baxo oo loogu duceeyo. Ka sakow baroordiiqda, taasi wacyigelin ayay u noqoneysaa dhallinyaradda dalka jooga ee aan fikirba ka heysan dhibaatada tahriibku leeyahay.

Waa muhiim in arrinta dhallinyaradda hoos loo eego oo wax laga qabto shaqo la’aanta heysata iyo dareenkan raja la’aanta ah ee sida fudud u baahey. Dhallinyaradda tahriibtaa maaha reer miyi, mana aha dibjirka, maaha xamaaliinta suuqa ka shaqeysta. Waxay u badanyihiin ciyaala iskuul iyo qaar tacliintii dhameystey. Waa dhallinyartii ay ku soo tabceen waalidiintii 24 sanadood ee la soo dhaafey dalka wax ka soo dhistey.

Waa midhiihii xoriyadda, waa jiilkii u kacay kuwii dagaalada ku naafoobey, waa jiilkii ay dhaleen askarta dalka difaacdaa, waa carruurtii macalimiintu dhashay. Waa carruurtii ku dhalatey xaafadahan jaarkeena, waa kuwaaga iyo kuweyga oo kale. Maaha carruur kibirsan oo la ceshan waayey oo ay ciyaar ka tahay, balse waa dhallinyaro intooda badan uu damiirku shidey, oo waxa ay niyeysteen iney naftooda meel gaadhsiiyaan waalidkoodna wax soo taraan. Dabcan khatar badan ayay qaateen, waxaana isweydiin leh khatarta intaa leeg maxaa kalifi kara.

 

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com