Xoolaha nool iyo wax soo saarka beeruhu waa illaha dakhliga ee ugu mudan dalka, sida aynu ka war qabnona labadoodaba gabaabsi aad ah ayay ku jiraan, ka dib markii abaaro baahsan oo soo noqnoqdey ku habsadeen shantii sanno ee u danbaysay. Abaaruhu waa ay kala saamayn badnaayeen. se, tan imika taagan iyo tii sannadkii hore ayaa ugu saameyn badnaa oo dad iyo xoolaba galaaftay.
Inagoon awalba dalag badan beeran jirin, sannadkan dalaggii la filayay lama helin, waayo xili roobaadkii labaad ee sannadkan roobku sidii loo filayay uma uu da’in, dayr dabayaaqadeed oo jilaal bilow yahay baa uu da’ay, aad baanu u yaraa, calaf waxtar lehna ma soo bixin. Sidaa darted dadkii beeralyda ahaa xaalad adag ayay ku sugan yihiin.
Dhinaca kale, xoolihii waa ay ka aabaaraaysan yihiin. xoolo-dhaqatadii, tira badan abaarta ayaa ka galaafatay, waxa u dheer dalka Sucuudi Carabiya oo ahaa suuqa ugu wayn ee ay xooluhu u iib tagi jireen in uu xayiray xoolaha Soomalida, iyagana halkaa xaalad adag ayaa kala soo gudboonaatay. dhacdadani waxa aysameeyn ku yeelatay sarrifka lacagaha, ka dib markii iibsiga xooluhu joogsaday, taasi oo keentay in doollarkii suuqa dhex socday yaraado, wareegii lacagtuna si xoog ah isku dhimo.
Haddaba, Soomaaliland iyada oo leh lacag u gooni ah hadana lacagta adag ee keeydka inoo ah dawlad iyo dadba waa doollarka Maraykanka, isku badalka labada lacagoodna waxa uu culaysku hayaa qaybo badan oo bulshadeena ka mid ah. Marwalba baahida ganacsi ee loo qabo iibsiga ama iibinta midkood (Dollar/Shillin) ayaa keenta kor u kaca midkood iyo hoos u dhaca midkooda kale, haddaba suuqa xoolaha oo hakaday awgeed dalka waxa ku yaraaday lacagta doollarka ah ee dhex wareegaysay. Sababtoo ah, waxa joogsaday il ay lacagtaas adagi inaga soo gali jirtay, ganacsato badan oo u baahan in ay doollar adeegsato awgeedna suuqa sarrifka waxa laga dareemayaa koboc laxaad leh oo ku yimid dalabka doolarka taas oo hoos u dhigtay qiimaha shillinka, oo hadda waxa uu sii cagacagaynayaa $1=8300SH.
Sidaas darteed, waxa bulshada badankeeda (dabaqada hoose iyo in ka mid ah dabaqada dhexe) ku qaaliyoobay maciishadii ama bagaashkii sababta oo ah waxa ay wax ku iibsadaan Shillinka Soomalilaan, shillinkiina waxa ku yimid qiimo dhac. waayo, baahidiisaa yar, ganacsatdiina waxeey raadinaaysaa doollar, waa sababta qiimaha doollarka lagu iibsanayaa qaali u noqdey, Shillinka Soomaaliland-na u qiimo dhacay.
Dhinaca kale, dhacdadani waxay dhib ku keentay ganacsatada yaryar iyo wadhatada suuqa, oo iyagu shillinka soomaaliland wax ku iibsha, dabadeedna doollar u badhasha si aay wax ugu iibsadaan, 10ka dollar oo kasta waxa koray 1 dollar, 100 dollar oo kastana waxa koray 10 dollar marka loo eego qiimihii shillinka ee labo bilood ka hor, Sixir bararka iyo sarifka aan sal dhiganina iyaga ayuu saamayn toos ah ku leeyahay. Tusaale ahaa
n,100 doollar laba bilood ka hor waxa uu u dhigmaayay 750,000 maanta waxa uu marayaa 820,000, weliba gacanta danbe waa 830,000, dadkaasina gacantaa danbe ayay wax ku iibsadaan, taas oo macnaheedu tahay 80,000 ayaa ku kordhay oo u dhiganta 10 doollar, markaa qof kasta oo wadhata ah oo markii horeba dirqi wax kula soo baxayay dhibtaas ayaa haaysta hadda.
Si kasta oo ay ahaataba, haddaan wax laga qaban sarrifka, maciishadda, qorshana laga yeelan abaarta, waxa la fillan karaa in ganacsiga dabaqada hoose badankiisu istaago, taasi oo xanibaaysa wareegii lacagta ee dadka dhexdeeda, sababina doonto in uu qof kaste wuxuu haaysto ilaashado, rabitaankiisa oo dhana ka tanaasulo baahidiisana wax badan ka jaro, taasina waxa ay galaafan doontaa ganacsiga dabaqada dhexe oo isna kala badh albaabada loo laabi doono.
YAA KA MASUUL AH?
Xukuumadda qorshe cad kama laha dejinta iyo xasilinta qiimaha sarrifka lacagta qaranka, waa run oo siyaasadda dawlada ayaa ah in suuqu xor ahaado, taasi se’ lama macno ah xukuumaddu lama xisaabtami karto ganacsatada. Sababta oo ah, dawladda ayaa ka masuul ah lacagta wadanka, (nabad-galyadeeda iyo adeegsigeedaba)
Xukuumadda waxa ku waajib ah, in aay ku shaqayso lacagta Shillinka, adeegyadeeda qaranka oo dhanna ku fulaan, gunnooyinka iyo mushaharaadka ku bixiyaan, wixii alaab ah ama adeeg ah ee ay u baahanyihiina ku iibsadaan, qiimaaynta maaliyadeed (Miisaaniyad, Tacriifad) lagu jaangooyo.
- Marka laga reebo shaqaalaha dawlada, Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka, Golayaasha Wasiirada, Wakiilada iyo Guurtida, Madaxda haayadaha Dawliga ah, Mareeyayaasha iyo badi shaqaalaha haayadahu waxa ay mushaharkooda ku qaataan Doollar, lama dafiri karo oo lacagtoodu iyadoo Shillin ah bay ansixiyeen Golaha Wakiiladu. Se, waxa ay bangiga kaga qaataan Doollar ahaan.
- Tacriifada maaliyadda waxa lagu dajiyaa, kuna jaan go’an tahay Doollar. Laakiinse, waxa lagu qaadaa laguna soo xareeyaa Shilinka Somalilaan, iyadoo laga baqo-qabo isbadbaddalka Shillinka. Lacagaha qaar baa jira lagu qabto Doollar, sida lacagta dalbashada dal-ku-galka (Visa fee), lacagaha dacasadda (Landing fee) ee dayuuradaha laga qaado, lacagta dadka soo dagga laga qaado (Immigration fee) oo aay ka siman yihiin dhamaan gegooyinka diyaaradaha, marsooyinka iyo kastamadda dalka laga soo galo.
- Xukuumaddu waxa ay iibsataa alaabo iyo shidaal, waxa ay isticmaashaa adeegyo, dhamaantood biilasha lagu soo dalaco waxa loogu keenaa Doollar, Shillin ama Doollar ha ku baxshaan, se’ waxa canaan mudan in marka horeba loogu keeno lacag qalaad.
Dhammaan dhacdooyinkaa kor ku xusani, waxa ay ina tusayaan sida xukuumada, oo aay weliba madaxdeedu u horeeyaan u dhayalsatay una yastay isticmaalka Shilinka iyagoo ka doorbidaya lacag qalaad, taasina waxa ay keentay in liidasho loo arko isticmaalka Shillinka, madaama mudankii dalkuba adeegsanayaan Doollar.
- Bangiga Dhexe. Bangiga dhexe dawlada wuxu uga masuul yahay, daabacaadda lacagta iyo kaydinta lacagta dawladda, waxa kale oo uu qaranka uga masuul yahay kaydinta lacagta adag, jaangooynta isku badalka lacagta dalka iyo kuwa qalaad, damaanad (license) siinta, shirkadaha bixiya adeegga lacageed, (intani maaha dhammaan shaqooyinka iyo adeegyada bangiga. Se waa inta mawduucan khusayso)
- Maaddaama lacagta adag ee loo adeegsado kaydku tahay Doollar, waxa ay ahayd in lacagta Doollarka dalka taala badankeedu aay gacanta ugu jirto bangiga dhexe, taasi oo sababi laheeyd in isticmaalka Shillinka ee suuqa dhexdiisu xoogaysto, isku badalka lacagahana uu isagu jaangooyo.
- Maddaama Bangiga dhexe isagu siiyo damaanadda shirkadaha bixiya adeega lacageed, isaga ayeey aheeyd in uu ku waajib kaga dhigo in shirkadahaasi ku shaqeeyaan lacagta dalka, haday tahay kaydin iyo maalgalinba.
- Marka intaas oo dhan laga yimaad, bangiga dhexe saameeyn toos ah kuma laha suuqa gancsiga iyo sarrifkaba, labadaba waxaa maamula ganacsato, iyaga ayuu doollarku gacanta ugu jiraa, waxayna ku jaangooyaan hadba baahidooda macaash iyo baahidooda lacageed, markay kaash u baahanyihiina doollarka banaanka keena, markay doollar rabaana kaashka banaanka keena.
Ganacsigu waa shayga xoojiya ama hoos u dhiga adeegsiga lacagta dalka, waxa aynu adeegsano badankiisana, adeeg iyo alaab-ba waxa aynu ka keensanaa wadanka dibaddiisa, taasi waxa ay keentay in lacagta loogu baahida badanyahay noqoto doollar.
- Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha moobaylka, badankoodu waxa ay adeegsadaan Doollar, marka ay tahay ku shubasho, kaydin iyo iibsashaba, taasina waxa ay qayb ka tahay waxyaabaha keenay in isticmaalkii lacagta dalku yaraado, lacagtii adkaydna sharikadaha gacanta u gashay.
- Xawaaladahu iyagna dhankooda lacagta dadka loo soo diro Doollar ayay ku bixiyaan, iyagoon in ka mid ah ugu badalin lacagta dalka, taasi oo sii liidaysa adeegsiga Shilinka Soomaalilaan.
- Dhamaan adeegyada waxbarasho ee gaarka loo leeyahay, adeega korantada, wax kala iibsiga bagaashka iyo alaabaha kale ee suuqa dabaqada sare iyo ka dhexeba dhamaantood waxa ay ku jaan go’sanyihiin iyugna Doollar.
Habdhaqankaas ganacsi iyo siyaasadaas maaliyadeed waa kuwa liidaya, hoosna u dhigaya adeegsiga lacagta dalka. waxaas oo dhana waxaka masuul ah ganacsatada dalka oo u badan muwaadiniin.
XALKU MUXUU YAHAY?
Xalku waa uu fududyahay hadaan la isku adkeeyn. Saldhiga ugu muhiimsani waxa uu noqonayaa “lahaanshiyo”, waa in aynu is dareensiinaa in aynu inagu lacagtan leenahay, oo marka uu qiime dhac ku yimaad, si isku mid ah aay u dareemaan, ganacsatada, madaxda iyo shacabkuba, taasi waxa ay keenaaysaa in si isku mid ah looga falceliyo oo qof weliba dhankiisa ka difaaco. Waayo, waxa ay saameeynaysaa qof walba nolashiisa, weliba si gaar ah marka ay madaxda iyo ganacsatada u taabato waxa imanaya xal ama wax ka qabasho degdeg ah. Sababta oo ah, iyaga ayaa ah tun-waynta bulshada.
Intaasi waa duuduub, markan su’aasha imanaysa ayaa ah, dhabbadee ayaa loo marayaa in lahaanshiyo la dareemo, habkee ayaa ganacsatada iyo shirkadaha loogu qancinayaa in aay ka tanaasulaan Doollarka una digorogtaan Shillinka Soomaalilaan.
Dawladdu waxa ay leedahay, haayad iyo wasaarado u xilsaaran lacagta iyo ganacsiga. (bangiga dhexe, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga) kuwaas bay tahay in ay iyagu ka hawlgalaan qorshe qaran-na ka yeeshaan, sidii dalka loogu soo rogi lahaa in Shillinka Soomaalilaan loo adeegsado iibka alaabaha iyo adeegyada.
- Waa in Wasaaradda Maaliyaddu tacriifada cashuuraha ku jaangooysaa Shillinka Soomaalilaan.
- In uu bangiga dhexe noqdo haayad ka madaxbanaan xukuumadda, wada shaqayna la yeesho ganacsatada iyo sarriflayaasha, waana in uu ku dadaalo in uu soo xero-gasho badi lacagta Doollar-ka ah ee waddanka dhex wareegaysa.Taasi waxa ay u fududaynaysaa in bangiga dhexe gooyo qiimaha sarrifka ee suuqa. Waana in uu meel kaste oo dalka laga soo galayo (Dekad, Dhul, iyo Airport) uu ka furtaa sarrifle u badala lacagta dadka soo galaya waddanka, sidoo kale waa in ay jiraan sarriflayaal kale oo uu bangigu ruqsad u siiyo shaqada oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka oo kaliya.
- Waa in Bangiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsigu la kulmaan dhamaan shirkadaha is gaadhsiinta, iyaga oo ku soo rogaya in lacag ku shubashada qaybta hadalka laga dhigo Shilinka Soomaalilaan. Waxa kale oo loo baahanyahay in ay si gaar ah ula kulmaan shirkadaha leh Adeega lacag ku keeydsashada mobilada (zaad iyo eDahab), iyagoo ka dalbanaya in aay kordhiyaan qeeybta keeydka ee Shilinka Soomaalilaan, taas oo imika ah 750,000, gaadhsiiyaana ilaa 10 milyan, meeshana ay ka saaraan lacagta doollarka ah, macaamishoodana ka dalbadaan in lacagohooda kale ay ku kaydsadaan bangiyadooda.
- Masuuliyiinta Bangiga dhexe iyo Wasaaradda ganacsigu waa in aay la kulmaan Bangiyada dalka ka jira iyo xawaaladaha, iyagoo kala hadlaya in dhamaan lacagta kaydka ah iyo adeegyadooda maalgashigaba ka dhigaan lacagta Shillinka. Hadaba, si loo sugo kalsoonida shacabka iyo shirkadahaba. waa in bangiga dhexe ka rahmo bangiyada 30% ilaa 50% lacagta keeydka ah ee aay dadka u hayaan, si hadii bangigu kaco isaga dib loogu kabo, ama dadkii ay lacagtu u taalay in ka mid ah lacagtoodii u helaan, inta u hadhayna loo xaraasho hantida bangigu leeyahay. Xawaaladahuna waa in lacagaha loo soo dirro macaamiishooda aay ku siiyaan Shillinka Soomalilaan.
- Waa in uu bangiga dhexe iyo wasaaradda ganacsiga oo iskaashanaya ay xidhiidh la yeeshaan ganacsatada, iyagoo u soo bandhigaya in ay shillinka Somalilaan wax ku iibiyaan, marka ay safrayaana bangiga dhexe lamihiisa aay ka badashaan lacagta ama sarriflyaasha bangigu siiyay ruqsada sarriflanimo.
- Waa in dhammaan adeega waxbarasho iyo macalimiinta mushaharkooda iyo dhammaan mushaharaadka shaqaalaha dawladda iyo xukuumadaba laga dhigaa lacagta wadanka. Taasi oo qasbi doonta in aay ganacsatadu wax ku iibiso shillinka Soomalilaan, maadaama lacagta ugu badan ee aay macaamishoodu haaystaa ay tahay lacagtii waddanka. Taasi oo bulshada kale ee waddanka ku nool ama u soo safraaysana ku qasbi doonta in ay marka ay soo dagaanba lacagtooda ku badashaan lacagta waddanka.
Isku soo wada duuboo, dariiqani waa ka aan is leeyahay waa lagu xalin karaa in sarifka lacagta iyo iibsiga macaashida saameeyn isku yeeshaan marka dalkeena la joogo. Waana dhabbada ugu haboon ee loo badbaadin karo laguna kobcin karo wadhatada iyo ganacsatada yaryar.