Ma madaxda ayaan falcelinta bulshada danba ka lahayn oo waxay doonaan iska sameeya ama ku hadla? Mise waanay ka warqabin dareenka dhabta ah ee bulshda oo waa la kala baryay?
Waxay u muuqataa inay maqan tahay kaalintii hay’adaha madaxda la shaqeeya. Tusaale, madaxwaynayaashu waxay leeyihiin khubaro diyaarisa oo sii shiila hadalka ay odhanayaan si laaxinka iyo turxaanta looga reeba; loogana ilaaliyo caadifada iyo gole ka fuulka.
Waxa lasii sahamiyaa dareenka bulshada madaxwaynuhu la hadli doono iyo baahidooda iyo xaalada markaa taagan ee loo baahan yahay in Madaxwaynuhu abaaro. Waxa dib loogu noqdaa balan qaadyadii hore ee Madaxwaynuhu bulshadaa u sameeyay, haddii ay jiraan- si loo eego inta ka qabsoontay, dadkana loogu baraarujiyo in la fuliyay, si kuwa cusubna ay fulintooda kalsooni ugu qabaan. Diyaar garowgaas waxa laga rabaa in lagu yareeyo isfahan darada, lagana hor tago in hadalka Madaxwaynaha loo adeegsado rasaas siyaasadeed oo lagu weerero.
Madaxweyne yaasha iyo Ra’iisal wasaareyaahsu waxay leeyihiin la taliyeyaal u qaabilsan bislaynta shaqada iyo isku xidhka doorka laamaha dowlada. Sanadkii 2022, dowlada Ingiriisku waxay lahayd 126 la taliye ( special advisors) oo ugu yaraan 47 ay ka shaqeeyaan xafiiska Ra’iisal wasaaraha. U fiirso, ma aha shaqaale joogto ah ama mas’uuliyiih xilal gaar ah haya, balse waa dad howlo gaar ah qabto oo shaqada dhinac kasta bisleeya. Looma shaqaalaysiiyo naas-nuujin iyo sheeko macaani, waxa lagu doortaa khibrad, aqoon, karti iyo daacadnimo.
Madaxtooyadu waa hay’ad qaran oo u baahan in la koriyo la aqooneeyo, isla markaana ay u shaqayso si nidaamsan (institutional). Haddii la qofeeyo waxay awoodi kari waayi inay maamusho hay’adaha kale ee dowlada iyo wadankaba. Madaxwaynaha ka dhega adayga inuu Madaxtooyada ula dhaqmo hay’ada ay tahay, waxa uu gabood fal ka galayaa, ugu horeyn, naftiisa, kadibna hay’adaas halbowlaha ah iyo wadanka oo dhan.
Xigasho :Dr-Abdikarim D Hassan
Bandhige@gmail.com