Maxay isku casileen (W.Q. Maxamed Jaamac Meygaag)

Xilku waa wareegto waa odhaah muujinaysa in qofkasta oo muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu ka mid noqdo hannaanka dawladnimo ee kolba wakhtigaa taagan. Somaliland ahaan waxaynu qaadanay midka mid ah hababka dawliga ah ee adduunka ka jira oo ah habka loo yaqaan MADAXTOOYO oo uu madaxweynuhu leeyahay awoodda ugu saraysa ee fulineed. Awoodda madaxweynaha waxaa ku lammaan saamaynta ay beeluhu ku leeyihiin cidda la magacaabayo oo halkii madaxweynuhu soo xuli lahaa qof leh aqoonta iyo khibradda looga baahan yahay booskaas ayaa waxaa dhacda in reeruhu keenaan ka ugu af-tahansan oo ay u arkayaan inuu danahooda gaarka ah ka shaqaynayo, laakiin aanay fileyn inay horumarkii ubadkooda iyo aayahooda curyaaminayo.

Waxaa maalmahan inagu soo kordhay oo ugub inagu ah in koox wasiiro ah oo is-xulafaystay ay hal-mar iska wada casilaan xilalkii ay ka hayeen dawladda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo. Hadaba maxaa keenay is-casilaaddaa? Is-casilaaddani ma mid ku qotontaa habka maamul ee ay iyaguba ka mid ka ahaayeen? Ma dantoodii shakhsi ayay ka dhex-arki waayeen dawladda? Ma waxay kala garan waayeen Xisbiga Kulmiye iyo Shaqada Dawladnimo?

Masuulkasta oo nasiib u yeesha inuu ka mid noqdo hadba jaran-jarada maamul ee dawladnimo, waxyaabaha ugu horeyn ba laga fishaa waxa weeye inuu ka shaqeeyo arimaha ugu muhiimsan ee loo magacaabay oo ah baylah muuqata oo loo gartay inuu isagu qeyb ka gaysan karo hagaajinteeda ee maaha inuu nolol maalmeedkiisa iyo heerkiisa dhaqaale uun kor-ugu-qaado oo sidii uu hanti u urursan lahaa ku mashquulo oo Dhismayaal dhaadheer u dhisan lahaa.

Masuulku isagoo wasiir ah ama mansab kale oo dawladeed haya ayuu xisbi ku jiri karaa, taageeri karaa, shirar la gali karaa, talooyin ka dhiiban karaa, wixii aanu ka reebin xeer ama sharci mooyee. Laakiin inaga waxaa iskaga keen dhex-qasan xisbinimo iyo dawladnimo. Xisbigu waa meesha lagu soo koriyo oo lagu soo gardaadiyo siyaasiga oo lagu tabo-baraa siyaasad ku dhisan, ilaalinta diinta, dhaqanka wadaniyadda, akhlaaqda wanaagsan, ilaalinta shariciga iyo kala-dambaynta, iyo dhiirinaan ah inuu horumar gaadhsiin karo bulshadiisa u baahan. Laakiin waa marka uu xisbigu leeyahay aragti iyo ujeedo cayiman arkayana baylah uu isleeyahay waad dabooli kartaa, kadib na, uu u tafa-xayto sidii uu olole ugu gali lahaa uu hankaas ku gaadho isagoo bulshada tusaya habka iyo xeeladda uu xisbigiisu dheeryahay axsaabta kale kuna gaadhi karo yoolkaas mudada caynkaas ah.

Xisbiyadeena Qaranku waa meesha lagu aasaaso Qabyaaladda ee u ah sallaanka ay ku gaadhaan inay ku fadhataystaan dhiiga masaakiinta. Siyaasigeenu isagoon mabaadiโ€™ la iman, qorshana aan diyaarsan ayaa la magacaabayaa markuu shaqada bilaabana, wuu ku haftaa oo meel uu kaga hagaago ma garto, waa ta dhalisa in shaqadiis la mahadin waayo.

Sunnaha dawladnimo ayaa ah in qofkasta oo waajibaadkiisa si fiican u guta oo sidii loogu tala-galay uga soo baxa la-dalacsiin karo, loo badali karo meel kale oo hoosaysa lagana filayo inuu kor u soo qaado isagoo laga faaiidaysanayo aqoontiisa, iyo xirfadiisa hogaamineed. Sidoo kale dawladnimada ayay ka mid tahay in masuulka shaqadiisa gabaโ€™ ee ku mashquula waxaan loo dirin iyo danaysta-nimo, iyo ku takri-falid hantida umadda, kuna guul-daraysta waajiibaadkii loo asteeyay inuu is-casilo haddii ba la casili waayo.

Is-casilaadda hal wasiir ama dhamaan wasiiradu waxba uma dhinto hannaanka iyo habsami u socodka dawladnimo, waayo waxaa bulshada ka buuxa dad ka aqoon, karti iyo aragti ba dheer oo lagu badalo ciddii is-casisha ama la casilo. Wasiirada is-xulafaystay ee sidii tusbax furmay halmar iswada casilay, waxay shaqaynayeen wakhtiyo kala duwan, wasaarado kala duwan, qaabilsanna dhinacyo kala duwan. Intii ay shaqaynayeen wax way qabteen laakiin wax-qabadkoodu ma yahay mid maanta lagu faani karo oo aynu odhan karno dhinacaas waynu ka dhamaystiranahay haddaynu nahay Somaliland ee dhinacyo kale aynu xoogga saarno. Masuulyiintaas is casilay wax lagu xasuusto oo waara ayay ka tageen. kaliya SIDAY INOOGU YIMAADEEN BAY INAGAGA TAGEEN. Haddaanay hoos inoo ridin oo aanay dib inoogu celin.

Marka taariikhda dib loogu noqdo waxaynu aragnay, in cidda kaliya ee siyaasadda guul ka gaadhay ee ku negaatay waxa weeye shakhsiyaad Samir iyo dulqaad dheeraad ah u yeeshay marxaladaha kala duwan ee soo waajaha intay ay ku abtirsanayaan bahda siyaasadda, la yimi aragti iyo tusmo ay ku jiheeyaan bulshada, rajana ugu abuuraan dhallinta. Waxaa hore siyaasadda uga huleela oo ka baxa haddii aad siyaasadda u soo gashay aad magac yeelatid, aad lacag ku yeelatid, is-xulafaysi afka-baarkiisa ah, ka fiirsasho laโ€™aan iyo kalsooni darro intaas hadaad ku sifowdo siyaasadda waad ka dhaqaaqday.

Masuuliyiintii is-xilqaantay ee is-casishay Maalmo ka hor ayay nidaamka maamul ee Madaxweyne Siilaanyo ku qanac-sanaayeen, ammaan iyo difaac ba la hor-taagnaayeen waxqabadkiisa iyo horumarka ay samaysay mudadii ay xilka haysay. Markii ujeedadoodii u suurta-gali waydayna waxay isku arkeen inay iskaga baxaan hannaankan, kadibna qaarkood ay afkay shalay ku amaanayeen hadana maanta ku caayaan, kuna eedaayaan Madaweynaha mid dhinac maray iyagoon hayn warar xaqiiq ku dhisan. Waxay muujinaysaa bisayl laโ€™aan siyaasadeed. Waxay kale oo ay ku faraxsanyihiin dhaawacaas ay u gaysteen dawladnimadii, Waxaynu dareemaynaa inay ahaayeen koox gaar dantooda uun wata balse aan u adeegayn danta guud ee qaranka. Waxay kale oo ay lumiyeen kalsoonidii shacabku ay ku qabeen. Loollankii ka dhex jiray xisbiga kulmiye ayay ku iloobeen dantii guud ee qaranka

Marka la isku soo xooriyo, masuuliyiintan is-casishay waxay dantii guud ee ay umadda hormoodka uga ahaayeen ka doorbideen dantoodii gaarka ahayd. Wixii aad umadda u hayseenna iska soo wareejiya, midda kale qofkasta oo masuul ahi waa inuu yaqiinsanaadaa inaan adduunka lagu waareyn oo lagula xisaabtamayo, oo xataa haddii inta ifka la joogo lagugu xisaabin waayo, waxaa dambeysa maalin aanad ka baxsan karin xisaabta Ilaahay. Aakhiradiina u tudha oo ilaahay na ka cabsada.

 

Xilku waa wareegtee,

Dadka wada-jirkoodiyo

Qarankaa ka weyn ruux

Danihiisa wadan jiray

Nin wasiir ahaan jiray

Haddii uu wadada xulo

Cirka waaxi may duminย ย ย ย ย  (Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax)

Hoos ka akhri maqaalladii hore eeย Maxamed Jaamac Meygaag

Laba aan is qaban

Masuul, ha ballan-qaadin wax aanad fulinayn!
Action50@gmail.com/
Hargeysa