Mihiimadda Marin-biyoodka Baabul Mandab iyo Khatarta Xuutiyiinta ka soo Higleh. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Marin-biyoodka Baabul Mandab (Bab el-mandeb Strait): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Jabuuti iyo Yaman. Waxa maalintii mara ku dhawaad 6 Miylan oo foosto oo shidaal ah. Meesha uu ugu dhuuban yahay waa 16 Mayl. Dhinaca waqooyi waxa ka kulaalay dalka Yaman, halka dhinaca koonfur/galbeedna ay ka kulaalayaan dalalka Jabuuti iyo Eratariya.

 

Waana qoorta kala qaybisa biyaha badda cas iyo badweynta Hindiya, taasina waxa ay keentay in dalalka Midowga Yurub, Ruushka, Shiinaha, iyo Maraykanku ay maraakiib dagaal ugu soo direen badda cas iyo badweynta Hindiya ee ay ku sheegeen inay budhcad-badeeda la dagaalamayaan. Mihiimada marin-biyoodkani leeyahay waa ta keentay in dalka Jabuuti ay saldhiyo ay danahooda kaga ilaalashanayaan uga samaysteen dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaanigu.

Marin-biyoodkan waxa 8 sanno ee ugu dambeeyey ku soo kordhay oo sameyn ku yeeshay dagaalladii ka socday dalka Yaman oo ay ku dagaalameen jabhada Xuutiyiinta iyo dawlada taageerada ka haysta xulufada Sucuudigu hoggaaminaayo. Sannadkii tegay ayey jabhada Xuutiyiintu gantaal ku soo rideen laba markab oo marayey marin-biyoodka Baabul Mandab, waxaanay taasi keentay inay ku khasbaan labadii markab oo Sucuudiga laga lahaa inay dib u noqdaan.

 

Labadii bilood ee ugu dambeeyey jabhadda Xuutiyiinta ayaa dhawr markab qaarna qabsaday kuwa kalena weeraray. Shalay laba shirkadood oo ah kuwa Maraakiibta oo laga kala leeyahay Denmark iyo Germany ayaa sheegay inay joojiyeen isticmaalka marin-biyoodka. Soomaalilaan waa dalka ugu dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab marka la yimaado dalalka kulaalaya, taasina waxa ay mihiimad siisay inay wakhtigan xiiseeyaan dalal badani.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

  1. Strait of Malacca – World Oil Transit Chokepoints Archived 2014-11-22 at the Wayback Machine. 3.https://gcaptain.com/explainer-what-is-the-bab-el-mandeb…/ 4.htttps://www.quora.com/What-is-the-Suez-Canal-Why-is-it-important