Muuse Biixiyow, ma xabaalahaa ku codayn doon, hadduu…. (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

 

Labadii ilaa sadexdii maalmood ee u danbeeyay, waxa magaaladda Burco ku sugnaa wafti uu horkacayo Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye iyo raxan wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyadda, Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo qabanayay xaflado iyo shirar doceedyo siyaasadeed oo lagu xodxodanayo qabaa’ilka dega Gobolka Togdheer, taasoo salka ku haysa dad iyo cod urursi ku aadan doorashada madaxweyne ee soo socoto.

Xafladahan oo lagu kharash garanayo dhaqaale badan oo ah cashuurtii ummadda looga qaaday in wax loogu qabto, iyadoo waqtiga iyo sebenka maanta taagan ee abaarta ahina uu yahay mid daran oo aan u roonayn dadkii ku dhaqnaa gobollada bari.

Labada arrimood ee dad badan isu qaban waayay ayaa ah, abaarta saamaynteedu daran tahay ee dhulka xafladahaas lagu qabanayo ka jirta iyo xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeeda oo ku mashquulsan olole siyaasadeed oo aan waqtigiisii joogin, dhaqaalihii dadka dhibaataysan wax logu qaban lahaana xaflado siyaasadeed ku maamulanaysa, tusaale ahaan, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, mar uu shalay ka qaybgalay munaasibad abaaraha laggaga hadlayay ayaa wuxuu ku yaboohay lacag dhan $ 40.000 oo yidhi abaaraha ayaanu ugu talo galay, halka ay ilo xogogaal ahi ii xaqiijiyeen in saddexdii cisho ee u danbeeyay in lacagta ololaha iyo xafladaha siyaasdeed loo isticmaalay ay gaadhaysay  $ 270.000, taasoo lix jeer ka badan inta ay abaarta ugu yabooheen, tanina, waa arrin muujinaysa in Muuse Biixi iyo Xukuumadda Siilaanyo-ba ay helitaanka kursigu kala qiimo badan tahay le’ashada dadka, iyadoo xaalkoodu u muuqdo lax dhukani Abaar ma oga.

Caqliga wanaagsan iyo damiirka ay damqashadu ku danbaysaa, ma ahan maalin uu ka fekeri karo kursi iyo madaxtinimo, ee waa maalin uu waxkastoo agtiisa qiimo ku lahaa ka horaysiin lahaa gurmadka iyo badbaadada dadka, waxaanan leeyahay, Muuse Biixiyow, Gobolladda Bari xaflado iyo temeshlayn-siyaasadeed  uma baahna maanta,  ee waxay u baahan yihiin badbaado iyo samato-bixin iyo cid si daacad ah ula wadaagta dareen ahaan iyo ficil ahaanba waayaha ay qabaan ee korkooda ka muuqda. Tan kale, ruux noolbaa codeeya’e, mid dhintay ma codeeyo, ee haddii aanad ka nool maanta badbaadin, ma xabaalaha ayaa ku coddeyn doona hadduu dadku madho, yaadse, xukumi doontaa ma qubuuraha?.

Gebagabadii, waxaan leeyahay, haddii aydaan ummadda waxba taraynin, kala taga dhibaatadiina iyo ku digashadiina.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Xuseen-Lucky:

Buubaayow, khariiradda siyaasadeed ee bedelaysaa maxay tahay? 

Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inoo…

Ma gurmad baa mise waa tamashlayn?

Abaartii Dabadheer waxaynu haysanay Dawlad uu Madaxweyne-ku-Xigeenkeedu ahaa General Ismaaciil Cali Abokor, maantana…

Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan is lahayn

Nidaamyada faasidka ahi waxay dadkooda baraan in ay noqdaan kuwo aan runta waajahin, dhibkoodana ay xalkeeda cid kale ka sugaan

Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer gaalkacayo

Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa?

Tolow, goorma ayaynu garan doonaa in aynu waddo khaldan raacayno

Burco

Email, husseinlucky@hotmail.com