Japan waxay Maraykanka ka tacsiyeeyeen 2,400 qof oo ku dhintay weerar ay ku qaadeen 75 sanno ka hor

 

Raysal-wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay “tacsi laabta ka soo go’day” oo ku aadan dadkii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii uu Japan qaaday muddo laga joogo 75 sanno.

Wuxuu sheegay in dadkiisu ay wacad ku mareen in aan dib loogu noqonin masiibadii dagaalka.

Raysal-wasaare Abe waxaa ku weheliyay booqashadaas madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama taas oo ka dhigan in markii u horaysay ay booqdaan labada masuul ee dalalkaas.

Japan ayaa waxyeelo baaxad wayn gaadhsiisay saldhigaas iyaga oo dilay in ka badan 2,400 oo ruux oo Maraykan ah.

Raysal-wasaaraha Japan ayaa Maraykanka ku ammaanay dadaalka uu galiyay sidii uu u hagaajin lahaa cilaaqaadka uu Japan la leeyahay ka dib dagaalkii ay labada dal galeen oo dhammaaday waxyar uun ka dib markii uu Maraykanku ku riday Japan qunbulado nukliyeer ah bishii sideedaad ee sannadkii 1945-tii.

Isbahaysiga ay labada dal yeesheenna waxa uu ku tilmaamay “isbahaysiga rajada”.

bandhige@gmail.com