HORDHAC
Nafaqo-daradu waa xaalad caafimaad daro oo ay qofka ka maqanyihiin amase ku badanyiihiin nafaqooyinka ay ka midyihiin booratinka, kaarbohaydaraytka, macdanaha, fiitaminada, duxda iyo biyaha.
QAYBAHA NAFAQO-DARADA?
Waxa loo qaybiya laba nooc :
- Nafaqada ilmuhu qaato oo yar tasoo ilamaha u horseeda xanuunada caabuqa ee caruurta ku dhaca (infections).
- Nafaqada ilmuhu qaatay oon isku dheeli tirayn oo ay u badan tahay mid ka mida nafaqooyinka sida duxda oo keenta xanuunada wadnaha,macaanka iyo beer-subagawga.
MAXA KEENA NAFAQO-DARADA?
- In ubadku ayna helin nafaqo ku filan haday noqoto booratiinka, karboohaydarayt, macdanaha iyo fiitaminadaba.
- Xanuunada infekshanada ah sida oofta oo kale, dheefshiidka ilmaha oo yarada, shuban soo jiitamay oon waxba laga qaban iyo jadeecada.
WAXYAABAHA INTA BADAN CAWIYA NAFAQO-DARADA WAXA KA MIDA:
- Fiqiirnimo iyo jahli
- Xanuunada sida qaaxada,Oofta,Shuban soo jiitamay, iyo Jadeecada
- Nadaafad darada iyo Fayodhawrka qofka oo xumaada
- Colaadaha iyo bulshooyinka oo barakaca
- Cunto yaraan soo wajahda bulshada
DHALLAANKA HALISTA UGU JIRA NAFAQO-DARADA
- Qoysaska saboolka ah iyo ubadka walidkood dayacay
- Dadka Difaaca jidhkoodu hooseeyo
- Caruurta jedeecadu ku dhacdo
- Caruurta la ildaran xanuunada infekshanka
- Caruurta ku nool deeganada abaaruhu ka dhacaan
CALAAMADAHA NAFAQO-DARADA
- Miisaanka oo hoos u dhaca
- Korniinka oo ka yar da’da uu yahay ilmuhu
- Timo qalalan,duuduban oo midabkooduna isbedelay,si fududna u go.aya.
- Ilmaha oo muqaalka daanyeerka yeesha ( baruurta dhabanku markay dhamato)
- Ilmaha oo daciif noqda
- Caloosha oo bararta
- Baruurta dabada oo dhamata( baggy pants)
- Ilmaha oo dabeecadu ka xumaato
- Oohin aan kala joogsan
- Maqaarka oo nabaro yeesha
- Abateetka oo ka xidhma iyo shuban
- Calamadaha jadeecada
- Bararka lugaha
DHIBATOOYINKA CAAFIMAD EE NAFAQO-DARADA
- Nafaqo-daradu waxay saameysaa korniinka jidhka iyo maskaxda ilmahaaga.
- Ilmaha nafaqo-darada la ildaran wuu hagaasa amaba ma koro (Dwarfism).
- Ilmaha nafaqo-daro qaba waxa dhib ku ah inay la socdaan waxbarashada dugsiga (poor IQ).
- Waxa kale oo ay u badan tahay inay xanuun ka bixi wayan sababta oo ah nafaqo-darada oo yareysa awoodda jidhku kula dagaalamo cudurada.
- Waxa ku badan xanuunada infekshanka ah had iyo goorale (recurrent infections)
- Waxa ku dhaca fuuqbax baahsan oo keeni kara dhimasho (Dehydration)
- Caruurta nafaqo-daradu hayso waxa badanaa ku dhaca dhiigyaraan (Anaemia)
SIDEE LOOGA HOR TAGI KARA NAFAQO-DARADA.
- In bulshada loo sameeyo wacyi galin baladhan iyadoo loo marinayo warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa calamiga ah.
- In bulshada halista u ah nafaqo-darada lagu booqdo guryahooda lana siiyo cuntooyinka nafaqada kor u qaada.
- In la talaalo caruurta aan talaalayn si looga hortago jadeecada oo aad ula xidhiidha nafaqo-darada.
- In waalidku la socdo xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ama dhakhtarka caruurta si looga war hayo xalada cafimaad ee ilmaha.
TALADA DHAKHTARKA EE WAALIDKA KU SOCOTA:
- Ha ka joojin naasnuujinta ilmahaaga ila uu ugu yaran inta uu dhaafayo lix bilood
- Naasnuuji ilmahaga ugu yaran 8 jeer 24ka saacadood
- Ha siinin cunto kale ilmaha ila uu 6 bilood gaadho
- Ilmuhu haduu shubmo sii cabitaanka ORS iyo kiniinka zinc ( shuban daweeye)
- Hooyo ka fogow inaad biyo-dhiciso ama aad biyaha ka badiso cunada ama cabitaanka ilamahaga aad siinayid.
- Waxad ubadkaga ku nafaqayn karta waxaad helaysid sida khudrada ( liin macaanta, muuska, saytuunka) , beedka iyo cuntooyinka wadaniga ah sida galleyda iyo digirta iwm.
- Hadii aad aragto calamadaha kor ku xusan fadlan booqo goobta caafimaad ee kugu dhaw.
WQ: Dr. Saed Mohamed Osman (MBBS, B.Pharm)
Hayat Hospital, Addis Ababa Ethiopia
Address: 00251929004655