Nidaamka maanta jiraa aakhirka dadka ayuu wareerinayaa (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Xukuumadda Somaliland ayaa waxay dhawaan shaacisay in ay Saldhig milateri Waddanka Imaaraadka ka siinayso magaaladda Berbera, taasoo sida aynu warbaahinta maxaliga ah ka arkayno ay diidmo iyo sawaxan badani kasoo yeedhayo, waxaase, isweydiintu tahay sharciyad inee la eg ayay u leedahay inay heshiis noocan ah gasho xukuumad waqtigii ay xilka haynaysay uu gabaabsi ku dhow yahay marka loo eego sharciga aynu dhiganay?

Ma la hayaa nooca heshiis ee lagu bixinayo saldhigan miletari faahfaahintiisa oo kaamil ah oo ay ku qeexan yihiin danta dad ahaan iyo dal ahaanba inoogu jirtaa waxay tahay? Intee inleeg ayaase lagu aamini karaa in xukuumad ku caan baxday dilaalnimo iyo musuqmaasuq ay heshiis noocan la gasho wadan kale iyadoo metelaysa shacabka Somaliland?

Xukummadda Somaliland waxay horey u wareejisay Dekeddii Berbera, Haamihii Shidaalka, Maantana,  waxay bixinaysaa saldhig militeri oo saamayntiisa mustaqbal iyo werwerka cidhib danbeedkiisa danbeba uu weyn yahay, iyadoo ay gebi ahaanba wareejimahaasi ay ahaayeen kuwo dilaalnimo iyo masaaliix dhaqaalo urursi ahi hagayeen, ee ma ahayn kuwa laga eegayay danta caamka ah,  Nidaamka maanta jiraana marka la eego sida uu wax ku wado, waxaa laga yaabaa inuu aakhirka dadka wareejiyo, marka uu dhameeyo wixii inkaaniyaad ahaa ee  kale oo dhan.

Gunaanadkii, dadka waxaa la gudboon in si xeeldheeri iyo wadaniyadi ku jirto ula xisaabtamaan kuwa metelaya masiirkooda, tan oo kalena ma ahan tii siyaasad laga dhex deyi jiray, ee waa tii dhanka wadaniyadda iyo mustaqbalka jiilalka soo socda laga eegi jiray, waana, ma huraan inaan dalka lagu eegin kooxdan magaca xukuumaddeed sidata ee adduunyo jacaylka iyo hanti urursigu madax maray, ee xaalkoodu yahay KEEN MAAFISHKABA.

 

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamoud

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com