Labada Gole waxay duuduub ku ansixiyeen heshiiska saldhiga milatari ee Imaraadka Carabta ee Berbera

 

Labada gole ( Guurtida iyo Wakiilada) ayaa cod aqlibiyad ku ansixiyeen heshiiskii Saldhiga Milatari ee xukuumadda Somaliland lagashay dawlada Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan ayaa maanta baarlamaanka Somaliland ku ansixiyay fadhi wads jira oo ay yeesheen labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada oo uu hoggaaminaey Guddoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Aadan Nuur .

Waxaa ogolaaday heshiishanka 144 (boqol iyo afar iyo afartan) xildhibaan, waxa diiday hal xildhibaan, shan-na waxay ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn.

Heshiiskan ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay doodiisu ka taagnayd Somaliland kaasi oo bulshada qaybo ka mid ahi , diidanaayeen halka qaarna soo dhaweeyeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha wakiiladdu wuxu shicibka ugu baaqay in ay u soo gurmadaan baarlamaanka Somaliland oo mudaharaad dhigaan balse wali wax mudaraad ahi muu dhicin.

Sidoo kale wuxuu xalay Guddoomiyaha Cirro saluug ka muujiyey baarlamaanka ayaa waxa in badan saluug ka muujiyey dadweynaha Somaliland oo ku dhalliila in ay fadhiid yihiin.

bandhige@gmail.com