Guddoomiyaha Kulmiye iyo wefti uu hoggaaminayo waxay booqasho ku tageen magaalada Jigjiga

 

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo u joogay magaalada Addis Ababa, ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya maanta.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo ka tirsan golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa ku tagay Jigjiga marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar.
Weftiga Guddoomiyaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga duhurkii maanta, waxa ku qaabilay gegida diyaaradaha madax ka tirsan Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ka mid yihiin; Afhayeenka Baarlamanka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxmed Rashiid Isaaq, Madaxweyne-ku-xigeenka dawladda Ismaamulka Soomaalida, ahna madaxa Beeraha Marwo Sucaad Axmed Faarax, Ku-xigeenka Xafiiska Maamulka dawlad-degaanka Deeq Cabdillaahi Buraale iyo Wasiirka Ganacsiga Khadar Cabdi Ismaaciil.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga wehelinaya, ayaa lagu wadaa inay ku sugnaan doonaan magaalada Jigjiga maalmaha soo socda, isla markaana kulamo dhexmari doonaan Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weftiga Guddoomiyaha oo ay hore xubno uga ahaayeen wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland waxay hore magaalada Addis Ababa kulamo shaqo ugula soo yeesheen masuuliyiinta Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha danaha labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo si buuxda la isugu afgartay.

bandhige@gmail.com