Noloshii Dhimtay Iyo Rejadii iftiinka

Dheemantii Boorama ee la dayacay Qaybta 1aad.

Qore Abwaan Siciid Gahayr Qaybtii 1aad iyo Qaybtii 2aad.
” 30 Daqiiqo Ayuu Ku Beddelay Noloshii Xabagta, Is-kiraynta iyo Dawarsiga Ahayd Ee Ay Ku Jirtay: Duruufaha Waxa Baday Rajannimo iyo Agoonnimo!

“Shalay Ayaa Uu Afartan-baxay wiilkeedii curad, waxa se werwer ku haya hablaha ku jira mugdigii ay ka baxday”
.
Waxaan kula wadagayaa, xog aan qarinyay mudo badan oo ku saabsan noloshayda waa qiso xambaarsan, murugo, ciil, iyo niyad jab, waa qiso aan aaminsanahay in wali ay ka jirto dhulka soomaalida, qisadani waaa sirta noloshayda, Hawga faa,idaysan si khaldan.

15 sano ayaan ku jiray nolol bilaa iftiin ah oo mugdi ah, waxaan ahaa qof dhintay oo hadana nool, magaca kaliya ee aan lahaa waxa uu ahaa, Daribi jiif, mararka qaarna waxaaba laygu yeedhi jiray kirayso, waxaan ahaa qof ka quustay nolosha, waxaan isu dhiibay nolosha cidlada iyo kalinimada, ah, wax kasta oo aan ku noolaan karana waan sameeyay, waxaan isticmaalay noocyada maan dooriyayaasha, sida, xabagta, jaadka iyo sigaarka, intaas oo kaliya kuma eekayn waxaan noqday qof jidhkeeda kiraysa, oo sidii la doono laga yeelo, mararka qaar waxaan naftayda ku kirayn jiray 25 kun oo shilin, si aan u helo cunto, aniga oo kaliya kuma jirin noloshan waxa jiray hablo kale oo iyaguna hawshan igu weheliyay,
Noloshani may ahyn mid aan anigu doortay balse waxay igu soo bilaabantay aniga oo jira 11 sano, kadib markii ay hooyaday dhimatay, noloshaydiina ay ku dhacday meel cidlo ah.

Hooyady iyo aabahay waxay kala tageen aniga oo 3 jir ah, balse nasiib daro aabo xili horeba waa geeriyooday, kumana garaadsan anigu, hooyady ayaa ahayd qofka tiirka u dhigtay noloshayda waxan soo dhigtay malcaamad quraan, dugsigana waxaan ka gaadhay ilaa fasalka 6aad.

Kadib geeridii hooyady anigo jira 11 sano waxan noqday qof aan meel ku tiirsanayn, xaafadaha u shaqaysa, hudhelada masaxda oo nolosheedana iyadu dabarta.

Balse atintaasi may noqon mid waarta maadaama aan ahaa qof yar cawro ah, oo waliba aan meelna ku tiirsanayn.

Waxaan saxiib la noqday hablo, aan cid ku tiir sanayn, bal wad leh, suuqyda mara, dawarsada, markay doonaana wax xada, wakhti badan iguma qaadan inaan iyaga ka mid noqdo, waxaan samayn jiray wax wal oo ay saaxiibaday sameeyaan, maadaama cida kaliya ee aan leeyahay ay iyaga ahaayeen.

Waligay niyadayda ma galin waxad ka baxaysaa noloshan, iimana muuqan rajo aan kalahaa inaan mustaqbal gabadhnimo yeesho.
Balse ka wax walba ogi waa Alle.

Noloshaydii waxa bedelay 30 daqiiqo, oo kliya.

2020/9/26 xili ay saacadu ahayd abaara 11 iyo 30 kii aniga oo hor fadhiya meherada nasiiba, ee basaska idaacada Haragysa xiligaasna isu diyaarinayay inaan tago goob ay raga iigu iman jireen,mar qudha waxan maqlay cod ahaa, hoo wll lacagtan, markiiba beerka intaan ka farxay ayaan si aad yar ah u qaatay aniga oo waliba ducaynaya, masii eegin wajigiisa, qofka lacagta isiiyay markiiba waxan u jeestay xaga lacagta, niyadayda wax ku jirtay ma kun shilibaa ma shanboqolbaa?

Balse midna ma noqon, waxay noqotay lacag dollar ah, oo aan waligay gacatayda soo galin, mar waan naxay marna waan farxay, waxa niyadayda markiiba kuso dhacday wiilku lacagta wuu kugu khalday, waxaan go,aan saday inaan kadaba tago, xagiisa ayaan uga soo daba dhaqaaqay waxyar kadib wan gadhay waxaanaan u sheegay lacagtiii uu isiiyay aniga oo u shegaya inay ka qaldantay.
Wiilkii aad ayuu ii eegay, waliba si naxariis leh ayuu iigu dhahay, wll kugumaan kaldin waa 10 dolar anaa ku siiyay qaado, cabaar ayaan aamusay, hadalna igama soo bixin aniga oo waliba lacagta aad u eegaya marna wiilka eegaya, wiilkii ayaa markale igu yidhi, wll ma sarifan kartaa mise waan kuso sarifaa laan ayaan kugu soo bedelaa, haa ayaan ku dhahay, wuu iga dhaqaaqay aniga oo halkii taagan inta uu lacagtiina iga qaatay.
Anigu halkii kama dhaqaaqin oo waan taaganahay waxaanse sii eegayaa bal xaga uu tago wiilku, aniga oo arkaya ayuu dukaan galay, wax yar kadibna wuxuu iiso noqday isag oo lacagtii oo sarifan gacanta ku sida, caano, xalwad iyo keegna bac ku sida, marku isoo gadhay ayuu ii dhiibay intii, waxan markiiba ku celiyay maxad cuntada wll usoo iibisay lacagta ayaa igu filane, maya qaado ayuu i dhahay, aniga oo dareemaya, cabsi iyo xishood aanan waligay dareemin ayaan ka qaaatay, wuxuse i waydiiyay su aal ahayd, xaafadiinu waa halkee wll?
Waxaan ugu jawaabay xaafad ma lihi?
Mar kale ayuu i waydiiyay xageed u hoyataa?
Waxaan ugu jawaabay suuqyada iyo kolba meel?
Wiilkii inta uu aad isu bedelay ayuu marba dhinac eegay, misuu hadan i waydiiyay hooyo, iyo aabo ma noolyihiin? waxaan ugu jawaabay maya.
Isii sug ayuu idhay wll, wuu iga tagay.

Qaybtii 2aad.

Isii sug ayuu idhay wll, wuu iga tagay, in yar ka dib hadana waxa uu iiso noqday isaga oo wada casho safaari ah iyo caagad biyo ah, Inamari ayuu i dhahay, waan soo racay, meel aan sidaas uga fogayn halkaanu taagnayn oo kaabad ah ayuu fadhiistay, ana soo fadhiiso ayuu i dhahay, waan iska ag fadhiistay.

Cashadii ayuu furay waaba suqaar iyo roodhi xagayga ayuu usoo riixay, biyihiina inta uu furay ayuu igu dhahay faraxalo, waan faraxashay, waanse ka xishoday inaan cuntada bilaabo, wiilkii intuu faraxashay ayuu gacanta galiyay cuntadii, anigana i dhahay hayga xishion walaalkaa ayaan ahay ee ila cun. Kalmadaasi ilaa manta waxay igu noqtay mahadho aan iga baa,bin
Kalmadaasi ilaa manta waxay igu noqtay mahadho aan iga baa,bin, sidii ayaan cuntadii ku bilaabay oo wada cunay, intii aanu cuntaynaynay waxa uu iga waraystay noloshayda, aniguna waxwalba waxaan ugu sheegay siday ahaaayeen bilaw ilaa dhamaad.

Habeenkaas oo kale ima soo marin noloshayda intaan garaadsady, mana arag qof tixgalin noocaasa isiiya, waxaan xasuusta inta aanu kabada fadhinay dhawr qof ayaa salaamay, wiilka anoon magaciisa waydiin ayuu isagu igu dhahay maxamed ayaa lay dhaa, balse waxaan waydiiyay magaca kale ee loogu yeedhyay markii la salaamayay, Inta uu aad u qoslay ayuu igu dhahay waa naanays kubada ayaa laygu bixiyay, lakin magacaygu waa maxamed.

Habenkaas anoo aad u faraxsan ayaan tagay, waxaan xasuustaa in uu igu dhahay cun keega iyo caanaha oo aan gacanta iyagana ku hayay, waxaanse ugu jawaabay waxaan u gaynayaa saaxiibaday, mar kale ayuuu hadana hudheelkii ku noqday oo casho kale soo qaaday, wuxuuna igu dhahay saaxiibadaana u gee cashadaas, habeen kaas wuxuu ii ahaa habeen aad u farxad badan, waxa uu ahaa 30 daqiiqo oo noloshayda bedelay, habeenka xiga ayaanu isla goobtan ku balanay xiligan oo kale.

Sidii ayan ku kala tagnay, anoo marba dib usii eegaya wiilka, waxaan habenkaas tagay goob aan ani iyo saxiibaday sexan jiray anoo faraxsan oo waliba casho gacanta ku sida, waxan sido kale habeenkaas ka baaqsaday goob aan ku socday oo niman xumaan igu samaynaya ugu tagi lahaa, Al xamdulilah,.

Saxiibaday aad ayay ugu faraxday cashada macaan een u siday maadaama noloshayadu hambo ku tiirsanayd waxaan u sheegay in wiil wanaagsani lacag iyo cashaba isoo siiyay,
Habenkii xigay ayaan isla goobtii tagay xili hore abaaro 7 fiidnimo, aad ayuu wakhtigu iigu dheeraaday, balse ugu danbayn waxa la gaadhay wakhtigii balanta, waaba maxamed salaan ka dib i waraysay, xaaalkayga iyo inaan casheeyay i waydii, waxaanse u sheegay inaan goor hore casheeyay, walaw aanan wadan dhar wacan oo nin raga loogu tago, hadana wiilka mar qudha kama dareemin, isla wayni iyo wax lamida, cabaar ayaanu wada sheekaysanay, habenkaas waxa uu isiiyay tlefoon nooc yaryar ah, wuxuu iso galiyay kaadh uu isagu lahaa, wuxuuna ii sheegay inuu igala soo hadlayo, waxanay ii noqotay markii ugu horaysay een telefoon anigu yeesho, marka laga tago kuwo aan hore u dhacay, oo aan sii iibin jiray,

Maxamed waxaanu noqonay walaalo mar walba wada hadla waxa uu isiiyay dhiiri galin, kalsooni badan wuu igu beeray, ugu danbayn wuxuu igu qanciyay inaan tago, miyiga magalada boorama oo qoyska hooyady deganaayeen, waan tagay, lacagta noolka iyo in kaleba wuu i siiyay, waxa xusid mudan in maxamed uu i baray habka lacagta moobilka looga diro, sido kale waxan xusayaa in kaadhka aan sitay uu isagu lahaa zaadkana magaciisu ku qornaa.
4 bilood ka dib waxaan kuso noqday boorama, iyadoo naftaydii iyo noloshaydiiba waxbadani iska soo bedeleen, waxaan ka bilabay ganacsi yar oo ahaa makhaayad aan ku karin jiray shaaha, lacagta aan ku furtay meherada iyo wixii ku baxayba isaga ayaa isiiyay, mudo ayaan halkaas ku noolaa iskana shaqaysanayay, maxamed intaan meheradaa haystay hal maalin ayaanu kulnay wakhtigaas oo uu boorama hawl shaqo u yimi, taladu igag tagay waxay ahayd, galina shaqayso galina quraanka barro.

Waxan u shegay inaan u abaal gudi doono, wuxu se iigu jawaabay abaalkaygu, waa inaan arko, adiga oo shaqaysana, waxbaranaya, oo naftaada dhisay, runtii waaan sameeyay midaas, waan dedaalay, dhinac makhaayada ayaan karinaayay dhinacna madarisad ayaan quraanka ka baran jiray, mudo kadib waxaanu is baranay wiil kale oo ugu dambayn aanu is guursanay.

Waxa aanaan u wareegay magaakada Jigjiga 15/8/203 ayuu wiilkaygii curad iigu dhashay jigjiga, waxaanaan u baxshay maxamed, darraad oo ay taariikhdu tahay 25/9/2023 ayuu wiilkaygii afrtan baxay, walaw aanan shaqo haynin hada, ninkayguna bilaa camal yahay, hadan waxaan ku faraxsanahay nolosha aan ku noolahay, waxaan alle ugu mahad naqayaa noloshii madoobayd ee aan kasoo baxay, waxaanse wali dareemayaa inay hablo ila midi ku jiraan noloshii xumayd een kasoo baxay,
Ugu danbayn waan faraxsanahay waliba aad, waxan noqday HOOYO, iyo ardayad wax dhigata, Saaka ayaan wllkay Maxamed la hadlay muddo 2 sano iyo badh ah waxaanan la wadaagay in wiil ii dhashay isagana aan ugu magac daray, maantana wiilkaygii afartan baxay, aad ayuu ugu farxay arrintaas.

Hadaba wiilka noloshayda Alle ka sakaw bedelay waa Qofka aduunka ugu fiican, uguna qalbiga wanaagsan.

Magaciisu waa Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar) oo ah weriye Hargaysa ku nool.

Abaalkaaga Eebe Janno Haka Dhigo.