Noocyada Hagar-daamooyinka Tahriibka (W.Q. Cali Cabdi Coomay)

Hadimo Nafeed:

  • Qofka biniโ€™aadamka ahi, waa shayga ugu qaalisan adduunka guudkiisa, haddii uu ka dhinto qoyskiisa, marna suurtogal maaha inay soo ceshadaan qofkii dhintay, waxa kasta oo ay sameeyaan. Ha noqoto hanti ama awood kale oo ay leeyihiin. Dhimashadu waa xaq qof kasta oo dunida guudkeeda jooga saaran, goortay doonto ha ahaatee. Waa arrin murugo weyn leh in uu qofka tahriibayaa naftiisa ku biimeeyo in uu irsiq ku helayo haddii uu sidaasi yeelo. Risiqa Alle kuu qoray meelna kuguma seegayo, adduunka ka tegimeysid ilaa aad cuntid risiqii Alle (SWC) kuu qoray.
  • Dadka waxa lagu rarayaa baabuur sida xoolaha loo raseeyey, oo dusha sare ay ka ilaalinayaan niman naxariis darini (Xaraasiin), qofkii madaxa dhaqaajiya garaac ku bilaaba
  • Dad fara badan oo lagu guro koontiinaro oo laga ilaaliyo meel ay ka qaataan neefta, laguna dhaafiyo xuduudaha ay askartu joogto. Qaarkood koontiinarka dhexdiisa ayey ku dhintaan.
  • Gaadhi xamuul ah oo sida raashin oo dad laga saaro xaga sare laguna raseeyo, ka dibna shiraaq lagu xidho, oo qofku aanu meelna u ruqaansan karin. Qaarkood naqaska ayaa ku dhiga ama way curyaamaan. In badan baabuurka ayaa la qalibma oo raashin iyo alaabooyinka kale ayaa laaya.
  • Gaadhigii siday raashinka ee la soo raseeyey ayaa saxaha ku banjara amma mashiinku ka xumaado. Ka dib ay isku dayaan inay saxaraha lugeeyaan halkaasina kolba mid ugu dhintaan harraad iyo gaajo. Marka dambena meydadkooda waxa aasasa dabaylaha saxaraha ee siigada wata. qaarkood kaadidooda ayey cabbaan, halka qaarkoodna kaadidooda ku qooyaan ciida oo raashin ahaan u cunaan.
  • Dadka qaarkii waxa lagu xidhaa xabsiyada dalalka ay sii dhexmarayaan, halkaasina waa lagu iloobaa. Haddii ay ku dhex dhintaan si yar oo fudud ayaa meydadkooda loo soo saaraa, waxaana si hoose looga iibiyaa dhakhtarada si loogala baxo xubnaha mihiimka ah ee jidhkooda.
  • Dhibta u gaarka ah dumarku way badan tahay. Hablaha Soomaalida ahi way ka qurux badan yihiin dumarka dalalka timo-adagtu ku dhaqan tahay, taasina waxay soo jiidataa ragga madow ee ma-gafayaasha ah ama askarta ilaalisa xuduudaha dalalkoooda. Mar kasta oo ay qabsadaan hablaha Soomaalida markaba waxay ku bilaabaan kufsi iyo faraxumayn joogto ah. Weliba way sii kala daran yihiin waxa ugu sii daran kuwa cawaanka ah ee ku nool meelaha ka baxasan magaalooyinka, kuwaasi oo hablaha ku xidha xero, markaasay lugaha ka xidhaan, markay u galmoonayaan bay ka furan, ka dibna way xidhaan. Halkaasina waxay kaga dhalaan carruur qurux badan oo aanay weligood dhalin.
  • Ragga Soomaalida ah ee la socda hablaha Soomaalida, iyaga laftooda kama madhna in ay hablaha kula kacaan fara xumayn. Inta badan waxay ka faaโ€™iidaystaan baahiyaha gabadha haysta, taasi bedelkeedana waxay ka fushaan galmo dani keentay.
  • Markay Liibiya gaadhaan waxa muddo yar ka dib la raacaa doon ka samaysan bac ama loox, waxaana lagu raraa dad tiro dhaafay oo dusha sare ay ka ilaalinayaan kooxihii doonta soo raray oo qofkii dhinac u durka madaxa ka garaacaya. Markay doonta marayso baddweynta ayuu culaysku ka bataa markaa bacdii ama looxii ayaa qarxaya ama kala daata, halkaasina intooda badani way ku qudh-baxaan
  1. Hadimo Qoyseed
  • Dhaqaale burbur ku dhaca qoyska : reerkii aan haysan wax hanti ah waxay dantu ku kaliftaa in ay xarashaan gurigii ay ku jireen, si ay u badbaadiyaan ubadkooda gacanta ugu jira Ma-gafaha aan diin iyo dadnimo toona aqoon, oo lacag keliya yaqaan.
  • Qoys burbur ka dhexqarxa Hooyada iyo Aabaha: sida la wada ogyahay hooyadu way ka naxariis badan tahay aabaha, sidaa darteed ma-gafuhu wuxuu inta badan la soo xidhiidhaa hooyada si ay u soo dirto lacag u dhexaysa saddex kun ilaa shan kun oo Doolar. Ka dib hooyadu markaaba waxay goโ€™aaan ku gaadhaa in ay lacagtaasi la helo meel kasta ha laga keeno, halka aabuhu dood ka keeno. Halkaasina waxa ka abuurma khilaaf weyn oo mararka qaarkood ay ku kala tagaan.
  • Qoyskii haddii ay celcelis ahaan ka tahriibaan todoba wiil ama gabdhood sannadkii ma-gafuhuna mid kasta ka dalbado lacag dhan laba kun oo doolar waxay noqonaysaa 7 meelood oo mid kastaa tahay $2,000= $14,000. Haddii ay dhawr sanno noqoto way ka sii badanaysaa. Halkaasin waxa adhaxda kaga jabay dhaqaalihii qoyska.
  • Mararka qaarkood ama inta badan in ma-gafaha lacagta lagala raago ama la siin waayo, ka dibna uu laayo dhallinyartii. Markay hooyadu maqasho in la dilay inankeedii ama inanteedii inay is-dhaafta maskax ahaan ama toos u waalato. Halkaasina way ku weydo xiskeedii Ilaahay siiyey.
  • Qoysaska qaarkood ayaa soo xaraasha geel, adhi iyo loโ€™ ka dibna u dira ma-gafaha halkaasina ku caydhooba oo magaalada soo gala iyagoo fara madhan.
  1. Hadimo Qaran
  • Dalkii oo dhallinyartii ka dabar goโ€™do, oo ay isku soo hadhaan daโ€™ dhexe iyo waayeel.
  • Dhallinyartii dhamaysay Jaamacaddaha dalka oo ka yaacay ama tahriibay, taasina waxay keenaysaa in uu aqoonyahankii dabar goโ€™o, gaar ahaan dalalka Afirka waxa lagu sheegaa in ay ka haajireen dadkii wax garadka ahaa taa bedelkeedana ay ku soo hadhaan dad wax-ma-garato ahi.
  • Markii ay dalka ka baxaan dadku waxa soo hadhay dad wax ma garto ah, markay dalka madax ka noqdaan waxay shaqadii qaranka ka dhigaan mid habacsan oo aan shaqaynayn. Aakhirkana waxay ku kacaan musuq maasuq, qabyaalad, nin jeclaysi iyo halaag.
  • Bedelkii dadkii ka baxay dalka waxa boosaskoodii soo buuxiyey dad shisheeye oo aan dalka u dhalan. Sida Itoobiyaan iyo kuwa ka soo haajiray dalalka Geeska Afirka.
  • Dabar goโ€™ muwaadin ayaa dhacaya oo dadkii shisheeye markay qabsadaan shaqooyinkii iyo ganacsigii waxa dhacaysa in uu dalku u gacan galo shisheeye oo qoomiyado kale waddanka maamulaan.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cali Cabdi Coomey qorey:

Shirweyneyaashii Golaha Guurtidu dalka ku dhiseen

Xukuumaddi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee 1967-kii

Natiijadii codadkii ay heleen baarlamaankii Somaliland ee 1960-kii

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Ma-Gafeโ€ฆโ€ฆ..Buug-Wadareedโ€ฆA. Diiriye, B. Raadceey, C. Gaas, N. Abubakar, S. Fadal, S. Jamac iyo X. Cali.