Madaxweyne Obama oo la kulmay Boqorka Sacuudiga

Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan oo booqaso ku jooga Waashitoon ayaa la kulmay Madaxweyne Obrama. Booqashada Boqor Salmaan ayaa noqoysa booshadii ugu horeysay ee uu ku tago Maraykanka tan iyo intii uu xukunka ka dhaxlay walaalkii bishii Janaweri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sucuudiya Adel Al-jubeir oo la hadlay warbaahinta kulankaas ka dib ayaa sheegay in ay Sucuudiga iyo Maraykanku ku heshiiyeen in laga hortago khataraha togan ee Iiraan ka wado Gobolka iyo in laga hortago samaysiga Nugliyeerka Iiraan. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Boqortooyada Sucuudigu way ku qanacday xakamaynta iyo heshiiska Maraykanka iyo waddamada Galbeedka in la galeen Iiraan si loo xakameeyo samaysiga hubka Nugliyeerka Iiraan ka dib markii wada-tashi dheer ay la samays waddamadaas iyo kuwo kale.”

Mar uu ka hadlayey heshiiska Maraykanka iyo Iiraana waxa uu yidhi:

“Waxaanu aaminsan nahay in heshiiskani keeni doono deganaasho iyo xasilooni Gobolka, isagoo ka hortagaya in Iiraan hesho Nugliyeer. Sidoo kale waxay laba dal ka wada hadleen oo ay heshiis ka gaadheen xoojinta wada shaqaynta milatariga iyo xoojinta teknoolajiyada arrimaha milatariga. ”

Xidhiidhka u dhexeeya Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa xumaaday, kaddib markii uu madaxweyne Obama ka gaabsaday duulaan ka dhan ah xukuumadda Suuriya, iyo weliba taageerada uu Mareykanka u fidiyay heshiiska nukliyeerka Iiraan, oo uu Sacuudiga ka cabsi qabo in uu dalkaasi u sahlayo sameysashada hubka wax gumaada.

Bishii Mey ee sanadkan, boqor Salmaan ayaanan ka qaybgelin shir madaxeed ay hoggaamiyayaasha Khaliijka madaxweyne Obama kula qaateen Mareykanka.

Heshiisykan ay wada galeen Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa waxa ka mid in Sucuudiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-15 loo yaqaano, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka ag dhow AqalkaCad.

bandhige@gmail.com