Qaabkee ayuu maraa marka xidhiidh diploomasi la jarayo (WQ: Rashiid odowaa)

 

Xidhiidh diplomasi waxa lagu macneyaa marka ay laba dowladood uu midba midka kale u diro diplomasiyiintiisa,si uu midba halkaas shaqada wadankiisa iyo danaha la kala leeyahay uu uga sii ambaqaado,waxana dal kastaa ka furtaa safaarad dalkaas kale,haddaba haddii ay dhacdo in waddan waddan kale xidhiidhka u jaray maaha arrin howl yar,waa inuu jiraa xumaan iyo cadaawad dhex martay labadaas dal oo leh ama soo marta heerar.

Xukuumadda xidhiidhka jaraysaa Waxa ugu horreeya ee ay ka bilaabaysaa,ama xusaysa xidhiidhkii wanaagsanaa ee ay hore u lahaan jireen(add-memorrie)marka la soo xuso taarikhdii wanaagsanayd ee ay soo wada qaatteen iyo iskaashigii ka dhaxayn jiray ayaa ay odhan kartaa tallaabooyinkaas aad barayahan qaadday xidhiidhkeena waxbay u dhimi karaan,waxanu ka qabnaa wer wer badan iyo walaac,dabcan waxa la adeegsanayaa “diplomatic Terms” macnaha erayo taxadar ka muuqdo.

Waxa ku xigta iyadoo xukuumaddu u yeedha safiirka wadanka ay ka cabanayso,ka dibna u sheegta waxyaabaha ay ka tabanayso xukuumadooda,ka dib Safiirku wuxu ku jawaabaa waan kaaga mahad celinayaa yeedhidda aad ii yeedheen iyo sidaad iigu war geliseen cabashada aad ka qabtaan waddankayga waxan wada tashi kula noqonayaa xukuumaddayda iyo madaxweynahayga,waa erayo caalami ah.

Marka ugu danbaysa haddii ay xaaladdu ka soo rayn waydo waxay u yeedhaa Safiirka ka joogaa waddankaa ay xidhiidhka u jarayso(diplomatic recall),waxayna ku amartaa Safiirka dalkeeda u joogaa waddankaa kale inay ku war geliso inuu waddanka ka baxo muddo cayiman.

Haddii taas waxba ku hagaagi waayaan waxa ku xigta in safaaradaha la kala qaatto

Haddii ay xaaladdu halkan gaadho,waa halis waxana ku xigi kara in waddan kastaaba wadanka kale danihiisa uu kharibo,Cadaawad qotto dheerna isu qaadaan,mucaaridkaa waddankaas ku kacsanna uu taageero ama xataa ay dagaal toosa isku qaadaan labadaa waddan ee xidhiidhka kala goostay.

Haddaba waddan aydaan xidhiidh diplomasi ah idiin  dhaxayn hadaad ku qaad  qaaddo uun oo aad tidhaahdo xidhiidhkii ayaan diin jaray,waxay noqonaysaa aqoondarro diplomasiyaded ama cadho iyo caadifad aan loo meel dayin,waxayna hoos u dhigi doontaa meeqaamka siyasaded ee laga aaminsaanaa Xukuumadda Somalia, waxa ay kor u qaadaysaa sharafta iyo karaamada Somaliland.

Waxa hore u jirta in xukuumadda Somalia ay erayga  “Persona non gratta” oo aan ahayn ama ku haboonayn adduunkuna la yaabay,ugu adeegsatay wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Somalia(Nicholas Haysom) iyadoo arrimaha ay ka cadhoodeen ay ka mid ahayd arrimaha Somaliland in kastoo aan la shaacin,waxa ku xigtay tan maanta ee ay Yidhahdeen waxanu xidhiidhka u jarnay “Guniea Conakry” ka dib martiqaadkii uu madaxweynaha dalkaasi u fidiyay madaxweynaha Somalilnd Muuse Biixi jaha wareer siyaasaded ayaa ku dhacay ayaan odhan karnaa qolada Farmaajo iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda oo isaga aad mooddo marka uu hadlayo inuu yahay Dowlad Super power ah,oo aan ahayn tan shisheeyuhu gacmaha ku sidaan.

 

Rashiid Odowaa  M.A diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213