Qaadhaankii abaaraha yaa lagala xisaabtamayaa? (WQ: Aadan Cabdi Daahir “Aadan-deeq)

 

Waxaa jirta wixii hanti iyo lacag ahaa ee la uruuriyay miyaan halkay ku baxeen iyo sida loo QAYBIYAY aan lagala xisaabtamin dadyooqgii lacagahaas masuulka ka ahaa?

Lacagahan lagu Deeqaayo ee ummadii ABAARUHU saameeyeen in la gaadhsiiyay oo sidii aay ahayd loo qaybiyay iyo in kale aan laga war qabin cid lagala xisaabtamaayo aynaan aragi maxay tahay?

Ilaa doorkii hore abaarihi galbeedka iyo waqooyi xataa wixii ummada laga guray iyo WIXII tijaartu bixisayba wax xisaab celin ah iyo nidaam Kay mareen toona kama war hayno.

Run ahaantiina waa masuuliyad daro in hantidii laga guray umada in aan xafiis maamula iyo cid lagala xisaabtamo in aanay jirin.

WAXAA kaloo iyana jirta in accountyo Tiro beelay oo kala duwan wax lagu shubaayay. WAXAY AHAYD maadaamo dalka xukumadi ka taliso in meel qudha wax ku dhacaan oo xukumadu maamul keeda yeelato. SABABTOO ah lama garan karo cidii umada u gurmanysay ee lilaahi ugu shaqayneysay iyo cidii xeeladaysi aay ka ahayd ee ka faa’iidaysanaysay inaynaan kala garan Karin. Hantida umadu Abaaraha ugu deeqeen ee aay ugu gurmadeen ma yarayn umadii loo gurmanaayayna wax muuqda oo wax ku ool lihi kama muuqdaan. Bal intaynu isku noqono si aanay waxba inooga lumin bal marka aafo timaado wixii hawlo ah iyo Deeqba bal Hal meel oo qudha aynu ku hubsano.

Run ahaantii maynaan dadaal yarayn oo si muwadinimo iyo xilkasnimo mudan ayaynu umadeenii ugu gurmanay, laakiin nidaam xumo badan iyo xisaab xumo badan ayaa jirtay iyo dayac farabadan fiiro li’i xad dhaaf ah oo aynaan kaba warhayn sida wax loo wado, halka lagu wado, sahaminta goobaha marxalada hooda iyo sida aay u kala mudan yihiin iyo habraaca mudnaanta aay u kala yeelanayaan. Waxaa muuqatay in dhan walba loo ordaayay iyadoo aay dadaal inaga ahayd lakiin tabaabusho xumo badan ineey ka muuqatay. Iyadoo aay jirtay in kun qaybood wax loo guraayay siiba iyadoo la isticmaalaayo Zaad Telesom oo tabaruca Abaaraha account yadu aay tiro badnaayeen oo aaynaan garan Karin sida wax loo bixiyay iyo hantidii lagu shubay sidii loo isticmaalay amaba halkay mareen. Wax yaabahaa aan soo xusay oo dhami waxay muujinayaan amaba aynu garan karnaa in wax yaabo badani inagaga baylahoobeen nidaam xumi, ogaansho la’aan maarayn xumo badani ku dheehantahay.

Waxaan ku talinayaa in Xukuumaddu maamul keeda iyada oo keliyii ineey yeelato iyo halka loo marinaayo wixii tabarucaad ah si loo helo xisaab sugan oo cid qudhii maamul keeda ay yeelato iyo tabaabushayntaba si aay u fududaadaan hawlaha habsami socod kooda iyo xisaab celin tooduba.

ADEN-DEEQ