Qabyaaladeynta Baraha Bulshada (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Tan iyo markii ay adduunka soo gashay farsamada casriga ah ee Tiknoolojiyadu, waxa ina soo gaadhay isticmaalka Internet-ka oo wata astaanta af-garad ee WWW. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa marba marka ka dambeeya sida daadk inoogu soo butaacayey farsamooyinka cusub oo la jaanqadaya waayaha nolosha casriga. Intii ka dambaysay 2000 waxa adduunka halmar gees illaa gees gaadhay warbaahinta casriga ah ee xawaaraha dheer ku socota ee wakhtigan qarka u saaran inay suuqa ka saarto warbaahintii rasmiga ahayd (Idaacadaha, Tilifiishannada, Wargaysyada iyo wakaaladaha wararka).

Waxa ooda soo jabsaday oo aan weli dhinacooda dhulka la dhigin warbaahinta baraha bulshada (Social Media), oo aynu ka xusu karno; Messenger, Facebook, Twitter, Instagram, Skype, WhatsApp, Snapchat, Linkedin, Tumblr, Fickr, Reddit, Quora, Vine, Bizsugar, Imo IWM. Warbaahintan baraha bulshadu bilowgii hore waxa ay ku bilaabmeen qoraal, waxa xigay cod, waxa ku sii xigay muuqaal, hasayeeshee haatan intuba hal meel ayey ku wada jiraa. Adduunka dadka ku nooli siyaabo kala duwan ayey u adeegsadaan warbaahinta baraha bulshada, oo bulsho kastaa waxa ay waafajisaa duruufahooda nololeed. Waana xidhiidh fiican oo weliba ka jaban Tilifoonnadii hore loo adeegsan jiray. Adeegsigaasi wuxuu noqon karaa mid taban iyo mid toggan.

 Soomaalida iyo Baraha Bulshada

Dhaqanka Soomaalida oo ku salaysan reernnimo, ayaa keenay in farsamo kasta oo soo baxda la waafajiyo qaabka ay dadku u dhaqmaan. Aalada WHATSAPP-ka ayaa noqotay tan ugu isticmaalka badan ee reeruhu ay ka samaystaan Bar-kulan ay isugu yimaadaan kuna kulmaan oo lagu doodo, la isku barto, lagu kala war qaato. Dhawr ujeeddo ayey beeluhu u adeesadaan Bar-kulanka WHATSAPP-ka, waxa aynu ka xusi karnaa;

= Waxa xiddigo ka ah qurbo joogta oo isticmaalkiisu u fududeeyey xidhiidhka ay la leeyihiin xubnaha beeshooda ee dalka gudihiisa ku sugan

= Kala war-qaadasho beeshu isku weydiiso wixii reerka ku soo kordhay ama ka dhiman. WHASTAPP-ka reeruhu wuxuu huwan yahay magaca beesha, sida, Reer Magaroogi, Reer Cumar weyne, IWM.

= Taakuleynta  danyarta reerka, waana qoddobka ugu faa’iidada badan marka la eego ujeedooyinka loo samaysay WHATSAPP-ka

= Caaqilada casrigan koofiyada qaatay waxa ay magta iyo qaadhaanka ku ururiyaan WHATSAPP GROUP, iyaga oo bogga beeshiisa soo dhiga liiska dadka qaadhaanka bixiyey, raaciyana kuwa aan bixin. Wuxuu sidoo kale boggan ugu diraa baaqa uu beeshiisa ugu talogalay iyo wixii kaga soo kordhay arrimaha ka dhexeeya beelaha kale.  Tusaale ahaan, wuxuu nin caaqil ah oo aanu saaxiibo nahay ii sheegay in dhawaan nin beeshiisa ka tirsani uu si kedis ah nin kale qudha uga jiray. Wuxuu Markiiba WHATSAPP-ka reerkiisa soo dhigay in ninkii Hebel uu nin beeshaasi ah diley ciddii aragtaa ay la soo xidhiidho. Sidoo kalena xubnaha beesha ee haldoorka ahi ay taxadir iyo feejignaan muujiyaan inta la helayo ninka wax diley si aan iyaga loogu aargudin.

= Qofkii loo arko inuu reerkooda weerar ku yahay ama qoraal ka qoray ayaa lagu weeraraa WHATSAPP-ka reeraha. Markaasaad arkaysaa waxa meeshaa caadifad, cay, cunsurinnimo iyo cannaan ka socota.

Haddii aynu intaasi ku dhaafno adeegsiga WHATSAPP-ka waxa aynu eegi doonaa FACBOOK iyo WEBSITES. Reernnimada Soomaalidu waxa ay sidoo kale ka muuqataa FACBOOK, waxa dhexdiisa ka samaysan kooxo reeraysan  oo qaab beelnnimo u abaabulan, kuwaasi oo hab-dhaqankoodu ku arooro kelmada tolnnimada wadato ee INAADEER. Waxa dhexmara is-barasho ay weheliso faan iyo inay beeshoodu tahay tan ugu haldoorka badan. Shabkadaha wararka ama Websites-ku waxa jira qaar badan oo huwan magaca deegaan oo beeshaasi ay degto. Shabakadaasi waxa qoraallada lagu soo qoro culays lagu saaraa aqoonyahanka beeshaasi oo lagu yidhaa waa inaad shabakada reerka kor u qaadan oo aad qoraalladiina u soo dirtaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan, Calicoomay@gmail.com