Qubanaha nolosha Q.2aad (WQ: Axmed Iid Aadan)

Qoraalladan qaybtoodii hore dhowaan ayaa la faafiyey, tanina waa qayb hadhsanayd waana tii u dambaysay. Waxa ay ku saabsan yihiin mawduucyo ama arrimo kala duduwan. Mawduuc kastaaba waa uu ka duwan yahay ka horreeya. Sidaa darteed kala-duwanaanshahaa in la xusuusnaado oo aan loo arag sida maqaal arrin keli ah ku saabsan ayaa muhiim ah.

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada

Waxa la yidhi: “Nimaan dhididin ma dhergo”. Waxa malaha murtidaas la xasuusan karaa mar kasta oo la ogaado fikradaha ay in badan oo dadkeenna ka mid ahi ka haystaan arrimaha horumarka iyo waxqabsashada. Dadkeenna qaybo ka mid ahi meelahaas ayey iska joog-joogaan oo waxqabsasho iskuma dayaan, waxaanad mooddaa in ay sugayaan dheef diyaar ah oo cirka ka soo dhici doonta oo loo sii ballan-qaaday.

Bulsho kasta oo adduunka ku dhaqani waxay baahi kaga bixi kartaa oo keliya wixii ay iyadu la soo baxdo ama shaqaysato, waxna uma tarayaan, in kasta oo aynaan ka dayrinayn, waxyaalaha meelahaas magaca “deeq” lagaga soo qaadaa. Taa ummaddo badan baa og, hase yeesho ee waxaan malaha aad u dhuuxin dad badan oo reer Afrika ah, innaguna aynu ka mid nahay; kuwaas oo iyadoo qaarkood dhulkooda uu khayraad badani ku jiro ay haddana sannad kasta gaajo layso. Waxa aan dhuuxin reer Afrika oo iyadoo adduunku maanta horumar iyo wax-soo-saar ku tartamayo qaarkood loogu taag la’yahay, aayar is daaya ama waxa yar ee aad haysataan ha iska daadinina.

Dadku waxay wax-soo-saar ama horusocod yeelan karaan marka laga helo saddex arrimood:

  1. In ay gartaan in uu dalkoodu ku filan yahay
  2. In ay awooddooda waxqabsi ku kalsoonaadaan
  3. In ay samaysan karaan qorshe-hawleed.

Arrimahaasi waxay keeni karaan in halka markaa la joogo hore looga sii tallaabsan karo ama ugu yaraan aan la khasaarin.

Aqoonyahannada ama siyaasiyiinta reer galbeedku waxay marar badan ka hadlaan waxa loo yaqaan “Isbeddelka Cimilada” (Climate change), Caalamiyeynta (Globalization) oo iyada dhib iyo dheefba lagu sheego, dikhowga hawada (Air Pollution), iwm. Qolo kastaaba marka ay hadlayso halka u daran bay carrabka ku dhufataa. Laakiin bulshooyinka haldoorkoodu arrimahaa ka hadlaan isku xaalad ma nihin, oo waxa laga yaabaa in ay qaarkood muddo laba qarni gaadhi karta xornimo haysteen ama aanay taladooda weligeed cid kale saamayn ku yeelanin. Innaga weli hawlaheennu waa uun bilow, hadda ayaanay jirriddeennu adkaanaysaa. Markaa waxa inoo darani waa in aynu isweydiino: Maxaynu doonaynaa? Waddadee ayeynu doonisteenna u mari karnaa? Muddo intee le’eg ayeynuse waxa aynu higsanayno ku gaadhi karnaa?

Waxa muhiim ah in aynu ogaanno in aynu wax kasta qabsan karno innagu, oo aynaan mar kasta iska dhaadhicin in ay cid kale wax inoo qaban doonto. Run haddii loo hadlo bulshooyinka adduunku maanta wax isuma qabtaan ee waa ay iskaashadaan kalana danaystaan. Marka ay ugu yar tahay arrintu waa in niyadda la isu wanaajiyo. Mar kalena waa wax bixi si aad adiguna taa beddelkeeda wax u hesho (Give and take) marka sidaa wanaag loo arko. Laakiin wixii wanaagsan ee ummad meel ku dhaqan dan u ahi ummaddaha kalena waa u dan. Samuhu waa in wax la qabsado xidhiidh iyo iskaashi fiicanna lala yeesho ummaddaha kale.

Markaa haddii aynu dadaalno oo aynu maskaxda aad uga shaqaysiino, dabadeedna taladii lagu meelmari lahaa ka soo saarno waa arrin fiican oo dan ah. In aynu arrimo waaweyn oo heer qaran ka sheekayno oo intaa ka dib haddana aynu reero, qabyaalad, iwm., ka hadalno oo aynu si hoose u fikirno macnahedu maxaa uu noqonayaa? Isbeddelka danta ahi waa in wax la wada qabsado ee ma aha in wax la kala qabsado. Waa in wax la wada ilaashado, ee ma aha in wax la kala ilaashado.

Midigteennu waxa ay shaqayso ayaa waxtar weyn inoo noqon kara. Marka uu shacabkeennu waxqabsado isaga oo hayntiisa iyo kartidiisa ku qanacsan ayuu ugu wanaagsan yahay. Markaas ayaa dalkana la sii wanaajin karaa, isku fillaanshana la gaadhi karaa. Waxa jiray gabay uu tiriyey maansayahankii weynaa, Alle ha u naxariisto ee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) oo ay beydadkiisa ka mid ahaayeen:

“Macaluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye
Midigtaadu waxay xoogsataa, maydha gaajada’e”

Juxa iyo Marwadiisii

Juxa waxa uu ahaa nin marwadiisa aad iyo aad u jecel. Marwadaa uu aadka u jeclaa ayaa beri isaga oo meel ku maqan geeriyootay. Markii uu soo noqday ayaa loo sheegay iyada oo la is leeyahay wuu nixi oo aad buu u murugoon doonaa. Waxa lagu yidhi:

“Juxow marwadaadii way dhimatay”.

Juxa ayaa yidhi:

“Haddii ay in yar sii noolaan lahayd waan furi lahaa!”

Daacadnimadu waa lagama maarmaan

Waa nin oday ah. Waxa uu ku nool yahay mid ka mid ah dalalka Aasiya. Waxa uu muddo dheer oo gaadhaysa 30 sannadood u shaqaynayey xafiis booseed oo ku yaalla magaalada uu deggan yahay. Imika waa hawlgab, hase yeesho ee waxa caado u ahayd, imikana u ah, in uu maqaallo qoro oo uu mid ka mid ah tifaftirayaasha wargeys uu akhristo u gudbiyo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ninkan odayga ahi u baahday qalimaan uu wax ku qoro. Dabadeed inan (wiil) uu dhalay oo maalmahaa shaqo helay ayuu u sheegay in uu laba qalin u soo iibiyo marka uu shaqada ka soo baxo ee uu guriga ku soo socdo. Inankii ayaa aabbihii u keenay qalimaan ka badan intii loo diray, waxana dhex maray hadalladan:

Odaygii oo faraxsan ayaa inankii weydiiyey:

“Maxaad waxan oo qalimaan ah u soo iibisay, laba keliya ayaan u baahnaaye?”

Inankii oo degganaani ka muuqato isla markaasna dhoolla-caddaynaya ayaa yidhi,:

“Maan soo iibin ee waxay ka mid ahaayeen alaab-xafiiseed badan oo la ii keenay. Alaabtaas oo haddii aan si walba u adeegsado sannadka oo dhan aanan badhkeedna dhammayn karayn.”

Halkaa markii uu hadalku marayey odaygii wejigiisii waa uu isbeddelay oo waa uu xanaaqay, farxaddiina waa ay ka tagtay, waxanu isaga oo magaciisii ku dhawaaqaya inankii si toos ah ugu sheegay:

  • Ma qaadanayo alaabtan maaddaama ay tahay qayb ka mid ah hantidii xafiiskaaga. Waxa loogu tala-galay in aad hawlaha xafiiska u adeegsato oo keliya. Fadlan ku celi halkii aad ka soo qaadday!
  • Ma waxa ay kula tahay in aan khalad sameeyey?
  • Haa khalad ayaad samaysay. Sida aanay arrintaa hore sax u ahayn ayaanay weydiintaadan dambena sax u ahayn!

Inankii waxa uu si dhab ah u gartay wixii uu aabbihii u sheegayey. Markii uu alaabtii xafiiskii ku celiyey isaga oo doonaya isla maalmahaas in uu fuliyo dalabkii aabbihii ee soo-iibinta ahaa ayuu aabbihii dhintay. Farriinta ay sheekadani gudbinayso waxa aan u dhaafayaa akhristaha.

Waxyeello jaad

Jaadka ama qaadka imika ay dadku cunaan waa uu ka duwan yahay kii beri hore la cuni jiray. Ka xilligan waxyeellooyinkiisa waxa ka mid ah in uu ilkaha waxyeello oo uu madoobeeyo haddii aanu qofka kaba daadinba.

Waxaa laga yaabaa in aad aragto dad ilko cadcad oo qurux badan lahaan jiray oo uu jaadku ka madoobeeyey. Dadkii beri ilko cadcaddaan jiray ee ilkahooda uu jaadku madoobeeyey marka ay afka kala qaadaan ama ay qoslayaan haddaad eegto runtii waa aad ka naxaysaa. Waxa kuu muuqanaya ilko madmadoobaaday oo aad dhuxul rasaysan mooddo. Waxyeellooyinka jaadka ee badan mid ka mid ah weeyi.

Lacag iyo qalab casri ah
Maanta waxa aad loo jecel yahay lacagta (Cash) oo qof kastaaba waxa uu doonaa in uu lacag haysto, lacag kalena ay meel u taallo. Lacagtu waa waxa kala wada arrimaha nolosha.

Waqti baa jiray halka maanta lacagtu inoogu jirto ay Soomaalidii hore farduhu ugu jireen; waqtigaasi ma uu sii fogeyn ee waxa uu ahaa 1900 wixii ka horreeyey. Waqtigii kaa xigay fardihii inta laga baxay ayuu xiisihii loo qabay hoos u dhacay, waxana halkoodii beddelay geela oo ay Soomaalidu xoolaha ugu jeclayd, aadna u ammaani jirtay. Abwaan Cumar-Usteeliye, AHN, waa kii inta uu adhiga iyo lo’da tamardarradooda sheegay gabaygii caanka ahaa ee aadka u quruxda badnaa geela ku ammaanay.

Laakiin berigaa uu Cumar geela ammaanayey waxa uu ahaa beri uu isbeddel xawli ahi socday oo geela qudhiisa qiimihiisu hoos u soo dhacayey. Taa waxa aynu ka garan karnaa in markii uu yidhi:

“Ragga laxaha sii dhowrayow dhaqasho waa geel.”

loogu jawaabay sida la sheegay:

Ragga geela sii dhowrayow dhaqasho waa mood.”

Mood waxa laga waday hantida ama ganacsiga, daaraha iyo lacagta oo berigaa magaalooyinku samaysmayeen qiimayntii loo hayey ay kor u soo kacaysay.

Maanta iyo dan: Arrintu waa lacag (Dollar) iyo qalab casri ah – technology. Labadaa gurigii laga waayo waxa loo arkaa guri ay waxyaalo muhiim ahi ka maqan yihiin.

Astaamaha waxgaradka

Afar astaamood oo ka mid ah astaamaha lagu garto qofka waxgaradka ah:

  • Waqtigiisa ayuu ilaaliyaa oo uu jadwal u sameeyaa.
  • Dadka waa uu la doodaa ee lama murmo. Dooddu haddii ay muran gasho ma sii wado, waayo muranku kala-dhimasho mooyaane faa’iido ma keeno.
  • Qof aan ila tali odhan lama taliyo.
  • Waxa uu isku miisaamaa dakhliga soo gala iyo kharashka ka baxaya.

Noolaha iyo kaydka

Guud ahaan noolaha badankiisu, marka aadamiga laga bilaabo, wax buu kaydsadaa. Waxa uu meel sii dhigtaa, xilliga ay hayntiisu fiican tahay, wixii uu berri-ka-maalin ku noolaan lahaa marka loo baahdo xaaladduna ay adkaato.

Qudhaanjada ayaa malaha ugu yaroo, iyaduna wax bay kaydsataa, oo tusaale ahaan waxa laga yaabaa haddii aad qudhaanjo badan oo meel socota u fiirsato in aad aragto dhawr iyada ka mid ah oo wax yar oo iyaga ka weyn si wadar ah u jiidaya si ay u gaadhsiiyaan godka ama hoyga ay leeyihiin. Waa mas’uuliyiintii u qaabilsanayd xagga kaydka.

Waxa kale oo laga yaabaa meelaha ay jinacyadaa yar yari galaan haddii aad u fiirsato in aad ku aragto waxyaalo yar yar oo sida sonkorta cadcad, waxaana laga yaabaa in ay waxyaalahaa yar yari yihiin raashin ay ugu talo-galeen mustaqbalka dhow.

Noolaha aan wax kaydsan waxa ka mid ah shimbiraha. Weligaa maqli maysid shimbir baa wax meel dhigata. Hoyga shimbirta ee cufka loo yaqaan ku arki maysid wax aan ahayn cawska uu isla cufkaasi ka samaysan yahay iyo baalal googo’an. Haddana shimbiruhu iyaga ayaa ugu cajiibsan oo intay aroortii iska kallahaan uun bay soo hoydaan iyaga oo dheregsan sida xaddiis la inoogu sheegay. Meel ciid ah oo cad oo aanad wax aan ciid ahayn ku arkayn ayey intaa wax ka cunaysaa, waxaana la arki maayo haddii loo fiirsado. Waa deeq ilaahay siiyey.

Waxa uu xaddiiskaasi sheegayaa haddii uu aadamigu taladiisa Ilaahay sidii loo baahnaa ugu aamini lahaa uguna kalsoonaan lahaa in sida shimbirahaas oo kale loo arsaaqi lahaa.

Muruqa laba suulle nin ba si la ah

Maahmaahdan waxa loo cuskadaa qof aad isu xilqaantay, oo aad wixii awooddu ahayd talo, toogga qumis iyo muquuno, mid kastaba ha ahaatee aanad waxba kala hadhin, hase yeeshee kugu qawaday ama quudhsadayba.

Maahmaahdu waxa ay baxday markii uu nin socoto ahaa waqti adag guri yimid, guriga oo aan waxba oollin awgeed ayaa ninkii socotada ahaa muruq duban oo laga yaabo in reerkuba keligii haystay kana qatanaa la siiyey.

Ninkii ayaa mar la waraystay ama la kaftamay cabasho ahaan sheegtay in la qadiyey oo aan muruq engegan mooyaane wax kale la siin. Muruqa laba suulle waxa uu ku yaal meel halis ah oo haddii la gooyo aanu neefku ka dhaqaaqi karin, hilib ahaanna waa cad lagu adkaysan karo lagana dhergi karo.

Ninkii cadka bixiyey isaga oo arrimahaas tix-geliyey ayuu yidhi:

Muruqa laba suulle ninba si la ahaa.”

(Xigasho: Af-Soomaali iyo Suugaan 1, mid ka mid ah buugaagtii dugsiyadii sare ee hore).

Fikir baa la isku dhaafaa

“Cabdi waxa uu muddo shan sannadood gaadhaysa u shaqaynayey shirkad, waxa uuna goyn jiray dhirta waaweyn ee looxyada laga sameeyo. Shantaa sannadood ee uu shirkadda u shaqaynayey marna lama dalacsiinin. Shirkaddii ayaa waxa ay qaadatay nin kale oo shaqaale ah oo Bashiir la yidhaahdo kaas oo sannad gudihii lagu dalacsiiyey. Cabdi ayaa xanaaqay oo markiiba u tegey ninkii maamulaha ahaa si uu ugala hadlo in la dalacsiiyo. Ninkii maamulaha ahaa ayaa Cabdi ku yidhi: ‘Weli waxa aad soo goysaa tiro geedo ah oo la mid ah tiradii aad shan sannadood ka hor soo goyn jirtay. Annagu waxa aannu qiimaynaa wax-soo-saarka qofka (Result oriented). Farxad baa ay noo ahaan lahayd in aannu ku dalacsiino haddii uu wax-soo-saarkaagu kordhi lahaa’.

Cabdi waa uu iska tegay. Waxa uu bilaabay shaqo adag oo uu ku bixiyey saacado intii hore ka badan. Laakiin waa uu awoodi waayey in uu dhir badan soo gooyo oo uu wax-soo-saarkiisa kor u qaado. Dabadeed waxa uu ku noqday ninkii maamulaha u ahaa, waxana uu u sheegay arrinta daran ee haysata. Maamulihii waxa uu ku yidhi: ‘Bashiir u tag oo warayso. Waxa laga yaabaa in wax aynaan garanayn uu garanayo e’ ‘.

Ninkii Cabdi ahaa waxa uu u tegay Bashiir, waxana uu weydiiyey sida ay ugu suurtagashay in uu soo gooyo dhir badan. Bashiir baa ku jawaabay: ‘Mar kasta oo aan geed jaro labo daqiiqo ayaa aan nastaa, faashkaygana waa aan afeeyaa (soofeeyaa). Adiga goorma ayaa kuugu dambaysay in aad afayso faashkaaga?!’ “ (Xigasho: dhiganaha “You Can Win” ee uu qoray qoraaga caanka ah, Shiv Khera).

Shanta farood ee dadku ma sinna. Sidaas oo kale ayaa fikirka iyo habka fiican ee wax loo qabto aan looga sinnayn, looguna kala duwan yahay.

~Xasuusin: Magacyada anigaa ayaa beddelay ee ma aha kuwii uu qoraagu sheekada ku soo saaray.

Codkarnimada iyo Af-Soomaaliga

Codkarnimadu waa hibo ama wax la baran karo oo wanaagsan. Waxa ay ka mid tahay sifooyinka wanwanaagsan ee dadka lagu ammaano. Waxa laga yaabaa in aad mararka qaarkood maqasho iyada oo la leeyahay, qofkaasi waa qof codkar ah. Macnuhu waa in uu qofkaasi yahay qof dadka hadalka deeqsiin kara, si cad oo la wada fahmi karana wax u sheegi kara.

Waayadan dambe waxa ay codkarnimadu ka mid noqotay waxyaalaha dadka lagu qiimeeyo. Siyaasiga, macallinka ama mas’uulka sida faseexa ah u hadla iyo ka tusaale ahaan afkiisa soomaaliga ah afaf kale oo uu wax ka bartay ku dhex walaaqaa isku mid ma aha, isku si’ looma xiiseeyo, ujeeddadoodana waa la kala garan og yahay. Guud ahaan dadka bulshada la hadla, magaca ay doonaan ha lahaadaane, aqoonta ay afkooda u leeyihiin inta ay la’eg tahay ayaa hadalladooda lagu xiiseeyaa; ama yarideed ama la’aanteed ayaa lagaga xiisa beelaa.

Codkarnimada iyo afkeennu waa laba wax oo isku xidhan saamayn weyn na isku leh. Arki maysid qof afka uu u dhashay aan aad u garanayn oo haddana codkar ah. Laakiin in badan baad arki kartaa qof afkiisa aqoon durugsan u leh oo haddana codkar ah oo hadalkiisa aad loo dhuuxayo oo uu haddana hadalkiisu maankuhadh leeyahay.

Waxa jirta aragti gurracan oo ay dadka qaar ka qabaan codkarnimada. Dadka qaar baa qof kasta oo hadal badan u qaba in uu yahay qof jiitay oo halis ah! Qof saacado badan hadli kara oo aan mar keli ah dibnaha isku qabanayn oo aan haddana hadalkiisa aadka u badan maahmaah keli ah ama murti kaleba laga helayn ayey ku odhanayaan mararka qaarkood waa codkarama waa afmaal. Xataa la isma weydiiyo wax kala-duwanaansho ah oo “codkar” iyo “afmaal” u dhexeeyaa bal in uu jiro. Qof kasta oo hadal badan duddubiyaa codkar ma aha! Qofka codkarka ahi waa qofka awoodi kara in uu ujeeddadiisa u sheegi karo sida ugu dhow uguna ereyo culus.

Qof kasta oo aan afsoomaaliga aad u aqooni ma noqon karo qof hadalkiisa aad loo xiiseeyo, hase yeesho ee qof kasta oo afsoomaaliga ku wanaagsani dhegaha dadka dhegaysanaya waa uu hantiyi karaa. Waxa markaa halkaa inooga cad in sii barashada afkeenna iyo murtidiisaba aan marna laga maarmi karin, iyo in ay arrintaasi tahay baahi goor kastaba jirta.

Waxtarka Buugaagta Elektaroonigga ah

Dadka hawlaha waxbarashada ku jira iyo guud ahaan aqoonyahannada wax akhriyaa waxa ay mar walba qabaan baahi joogto ah. Baahidaa joogtada ahi waa mid la xidhiidha guud ahaan dhiganayaasha iyo aqoonta guud ee qoran. Halkii ay awel buugaag fara badan ka soo urursan jireen maanta buugaag aad u badan oo jaadka elektaroonigga ah ayey si yar oo fudud u heli karaan, una kaydsan karaan amaba u daabacan karaan.

Haddii awel buugaag badan la soo iibsan jiray, oo sida kolba qaar kale loogu soo darayo uu aqalkuba wada buug noqon jiray. Haddii ay meelo dhan buuxin jireen oo kolka buug loo baahday laga dhex baadhayo buugaagta faraha badan ee meesha taalla hawl iyo dhib laga la kulmi jiray, maanta arrintu sidaa waa ay ka duwan tahay. Buugaagtii jaadkaas ahayd waxa beddelay buugaag casri ah oo si hawl yar looga faa’iidaysan karo.

Farsamada casriga ah ayaa fududaysay in boqollaal ama kumannaan buug ee elektaroonic ah aad si yar oo fudud kumbuyuutarkaaga ugu qaadan karto, meesha aad doontana aad ku akhrisan karto.

Internet-ku maanta marka dhinaca fiican laga eego waa sida beer midho leh oo kale. Mar kale waa wehel, mar waa saldhig aqooneed.  Marna waa sida tog weyn oo rogmanaya oo ku deeqaya aqoon, murti, sheekooyin iyo guud ahaan suugaan qiima leh oo cilmi ku salaysan.

Saldhiggaa weyn ee cajiibka ah aqoonta ka buuxda ee buugaagta elektaroonigga ah ku qoran qofba waa sida uu uga faa’iidaysto. Qofka iyo doorashadiisa ayey ku xidhan tahay. Waxa aynu joognaa casri ay aqoontii iyo aqoondarradii kala caddaadeen.

Dhammaad

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu qoray Axmed Iid Aadan: 

Qiimayn dumar

 Hibada, aqoon-darrada iyo waxbarashada 

 Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Hargeysa, Soomaalilaan

W/Q: Axmed Iid Aadam

ahmediid@hotmail.com