Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la kulmay laamaha kale duwan ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud “Siilaanyo” ayaa waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyadda kulmay madaxda laamaha kala duwan ee wasaaradda Arrimaha Guddaha oo uu hoggaaminayo Cali Maxamed Waran-cadde.

Kulanka ayaa waxa ka qayb galay dhammaan badhasaabada Gobollada, Maayiradda, Taliyayaasha ciidamada iyo madaxda wasaaradda Arrimaha Guddaha.

Shirkan ayaa ahaa mid ay Wasaaradda Arrimaha Guddaha kaga xog-wareem  wax-qabadka wasaaradda ee ilaa gobol iyo degmo.
Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Warbaahinta La hadlay wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Dayr.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay shirkan jaraa’iid ayaa waxa uu yidhi:

“Ilaahaybaa mahad leh Madaxweynaha Waxaan uga mahad naqaynaa kulanka aan la kulanay ee uu ogaanayey xogta hoose ee waddankan maadaama ay wasaaradda Arrimaha Gudduhu tahay wasaarad aad u ballaadhan waxaa ka soo qayb galay shirka Badhasaabada Gobollada, Maayirada Degmooyinka, Ciidamada Hoos Yimaada Wasaaradda ee kala duwan iyo dhammaanba madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
kulan kani waxaa uu daarnaa runtii dhowaan waxa lagu dhawaaqay in waddanku uu noqon doono waddan ku dhaqma qawaaniinta caalamka oo xoriyadiisii gaar u qaatay Soomaaliyana ka go’ay waxa ugu horeysa in dalkani noqdo dal shaqsiga imanayaa uu sharci kusoo galo sharcina kaga baxo, dadka muwaadiniinta ahina ay leeyihiin sharcigoodii deganaanshaha muwaadinnimada oo dalku u kala baxo muwaadin iyo soo galooti. Taasi waa mid. Ta kale waxa weeyaan doorashooyinka dhawaan iminaya oo ay ugu horeyso sidii ummadda loogu baahinlahaa kaadhka dhalashada.”

Ugu dambeyntii waxa ka hadlay Afhayeenka Madaxtooyadda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Maanta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxa uu halkan ugu yeedhay Qasriga Madaxtooyadda Wasaaradda Arriamaha Guddaha oo ah Wasaaradda ugu ballaadhan Qarankan si uu ula xisaabtamo waxii u qabsoomay sannadkii hore iyo sannadkan cusub ee 2016 waxa u qorshaha ugu jira .
Go’aamaddii ay dhawaan soo saareen golaha wasiirada ee dhanka ajaanibka ah iyo isu socodka dadka ku soo qulqulaya dalka wasaarad ahaan waxa uga qorshaysan”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu hore ula kulmay Taliyayaasha ciidamada iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhowaan ka bilaabi doona waddanka diwaangelinta codbixiyaha.

Halkan hoose ka daawo warka kulanka Madaxweynaha ee wasaaradda Arrimaha Guddaha:

bandhige@gmail.com