Ma og tahay?
Reer Galbeedku (Yurub, Woqooyiga Ameerika) uma joogaan Afrika iyo Dunida Koonfureed (Global South) inay horumariyaan ee waxa ay u joogaan inay ka gurtaan khayraadka ku jira iyo ka jooga (dadka). Dhamaadkii gumaysiga kadib, tabta cusub ee ay Galbeedku la yimaadeen ayaa ah inay weji cusub adeegsadaan si ay u helaan intii ay helli jireen waagii gumaysiga.
Si taas la mid ah ayuu u joogay Midawga Soofiyeet. Si la mid ah ayuu Shiinuhu hada Afrika u dhex qaadayaa. Cid u tudhaysa ama u timi inay u tudho ma jirto.
Hadaba, dadka ku nool Dunida Koonfureed maxaa la gudboon? Ugu horayn, inay fahmaan sida dunidu u qaabaysan tahay. Kadib inay saxdaan dawladaha dalalkooda ka jira. Waxa u saamaxay Dunida Woqooyiga (Global North) inay si fudud u boobaan hantida Dunida Koonfureed waa madaxdooda u badan tuug iyo maangaab.
Hadii aynu doonayno inaynu xor u noqonno nolosheenna oo aynu maaro u helno dhibaatooyinka dunida kale laga soo waariday, waa inaynu dalalkeenna hagaajisanno oo maamul wanaag ka dhisno iyo madax u adeegta shacabka ee aan ka adeegan.
Hubka la isku dilo ee Afrika ka buuxa (ku dar ka Soomaalidu isku gumaaddo) wershado Dunida Woqooyi ku yaal ayaa lagu sameeyaa ee maaha mid aynu inagu samaysanay. Aragtiyaha aynnu isku dilno maaha kuwo inaga inaga yimi ee waa kuwo la inoo keenay oo qaar inaga mid ahi sidaan.
Dagaalku waxa uu u saamaxaa dalalka Woqooyi inay sii xoogaysato saamayntooda siyaasadeed iyo inay si fudud u qaataan khayraadka. Koongo dagaalku kama istaaggo, hadana dheemanta iyo macdanaha kale ee ay hodonka ku tahay maallin ma baaqdaan ee suuqyada aduunka ayaa iyaga oo qaali ah lagu kala iibsadaa. Dadkii lahaa ee dhulkooda laga soo gurtay se way ka gaajoonayaan. Liibiya oo dagaalka ka socdaa keenay in xitaa tahriibku socon kari waayo, shidaalkeedu isma taago.
Inaan qoraalkan kooban idinla wadaaggo waxa igu keenay bararug laโaanta ka dhex jirta Soomaalida. Afrika dalal badan ayay ka socotaa dood cilmiyaysan si loogu hello marin baraarug u dan ah Qaaradda. Waxa aan ka baqayaa in dadkaygu taas ka hadhaan.
Soomaalida waxa isku dhex haysta laba kooxood oo labaduba u ah adeege reer Galbeedka. Kooxi way og tahay oo way u badheedhay, koox kale se iyaga oo aan ogayn ayaa loo adeegsadaa kala qaybinta bulshada, dab ku shidista dhulka iyo inay kala firidhiyaan Soomaalida oo aan laba meel isugu iman karin.
Dalalka Muslimiinta ah waxa loo adeegsadaa kala duwanaanshaha fekerka ee xagga diinta si loo kala fogeeyo. Mid ba ka kale ayuu diinta ka saaraa. Kaas ayaa u ah cadawga koowaad. Waqtiga, tamarta iyo hal abuurku waxa uu kaga dhamaadaa sida uu dagaal ugula jiro Muslin.
Mid baa isku qarxinaya masaajid oo dabadeed leh Allahu Akbar. Mid kale dalal shisheeye ayuu u yeedhanayaa si loo duqeeyo dadkiisa oo dabadeed waxa uu leeyahay cadaw ayaan birta ka aslay. Waa isla dadkoodii waxa dhiigga dhegta loo darayo, labada jeer ba.
Afrikaanka waxa aad loogu adeegsadaa kala qaybsanaanta qoomiyadaha oo ah wax fekerkeeda uu iska lahaa gumaystuhu. Soomaalida labaduba way ku kulmeen. Mar waa reero. Mar waa kooxo diimeed. Inay maalin dantooda isku afgartaan way adkaatay.
Cidii xiisaynaysa mawduucan wax ay akhrisan kartaa qoraaladda cilmi ee ay tobanaanka sanadood qorayeen aqoonyahanno ay ka mid yihiin Samir Amin, Edward Said, Walter Rodney, Du Bois.
Afeef: Soomaali marka aan leeyahay kama hadlayo unug siyaasi ah ee waxa aan ujeeddaa qoomiyadda Soomaalida ee sida balaadhan balse itaalka daran u deggan Geeska Afrika.
Xigasho: Barta Facebook ee Guuleed Dafac