Sidee loo horumarin karaa caafimaadka bulshadeena (WQ: Dr Cabdillaahi Maxamed Cabdi)

Bismillahi raxmaani raxiim wasallaatu calaa sayiddinaa Muhamed (SCW ) alfa mara wa ilaa yamu diin . Maqaalkan waxaynu ku lafa guri doonaa siyaabaha loo horumarin karo caafimaadka bulshadeena ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland.
Way fududahay in afka laga sheego ama qoraal kooban lagu lagu soo gudbiyo siyaabaha ugu waaweyn ee gun dhiga u noqon kara sida caafimaadkeena bulshada loo horumarin karo , taasi waxaan uga jeedaa sidee loo fulin karaa qorshayaasha u yaala wasaarada caafimaadka jamhuuriyada Somaliland.
Qoshe waa ka illaahay goortuu rabi qadaro ayuu fulayaa hasayeeshee aniga oo aan aaraarta fogeynaynin aan kusoo koobo maqaalkan kooban.
Qoryaashu sideedaba waxay noqon karaan anwaac ama dhowr nooc oo kala duwan ciddii baratey baa taqaane :
1) long plans ( Qorshayaal wakhti qaata oo ku talo gal leh ) sida qorshayaasha dajisan ee fulinta u baahan kuwaasi oo mashaariic ( projects ) u badan . Dhamaan mashaariicda wakhtiga dheer jiitama waa kuwa inta badan horumarka qaranka iyo bulshada caafimaadkeeda horumar lagu gaadhi karo.
Tusaale ahaan mashruuca ka hortaga iyo la dagaalanka cudurada faafa sida TB (Tuberculos) iyo dhamaan cudurada galmada la isugu gudbiyo oo ka mida cudurada faafa ( Sexually transmitted infections ) , horumarinta hooyada uurka leh iyo dhallaanka , Nafaqeynta caruurta nafaqo daradu ay heyso ama hesho .
Dhamaantood waa tusaalayaal ka mid ah kuwa wakhtiga dheer qaata ee la hir galiyay oo maal ay ku taageeraan dhamaan dawlada iyo haayadaha kala gadisan ee wadanka  ka shaqeeyaa .
Haddaba mashaariicdan waxa lagu bixiyaa aduun faro badan kaas oo miisaaniyada dawlada ku jira iyo haayadaha oo inta badan iyaguna mashaariic ka hir galiya . Dhamaan markaan fiiro gaar ah saaray haddana laba siyaaboodba uma dhamaystirna taasi oo wasaarada caafimaadku ka gaabisay ;
A) Malihin xarun cilmi baadhis oo si dhaba u shaqeysa taasi oo warbiximaha qarsoon soo saarta si mashaariicda horumarineed qiimayn looga gaadho ( The basic research center in the ministry of health not yet developed to return good monitoring and evaluation )
 B.) Dhamaan mashaariicdaasi horumarineed ma arag guidelines ama buugaag qofka daweeyaha ahi ama medical professional ka ahi uu raaco taasi waxay cadaynaysaa cudurku noocu doona ha ahaadee in aan dhakhaatiirta ama medical professionals ka hagayaal loo samayn ( where are guidelines to handle all the above cases and manage as it is )
What is the point of all advisors co-present with the minister and the director general ??
2. Short plans (Qorshayaasha la  hirgaliyo si xaalad caafimaad darro oo kusoo korodhay bulshada ama wadanka loo hir galiyo .
Tusaale ahaan wakhti xaadirkan inkastoo illaahay inooga sahlay cudurka Covid-19  haddana waxaa mesha taalla qorshiisii waa kaa maanta aan dhamaane maxaa inooga yaala . Maxaa qabsoomay labadii sanadkaa iyo todobadaa bilood ee  xanuunkani jiray .  Waxaan uga dan leeyahay maxaa qorshe idiinka yaala maanta intii hore idinla aragnaye .
Waxyaabaha aan ka yaabay waxaa ka mida waddankeena Somaliland may samaysan kari waayin Pathology LAB . Tusaale ahaan dhamaan qalliinada kuwa loogu shakiyo  in ay burooyinka kansarka yihiin cadka qofkaasi laga soo gooyo halkee lagu sameeyaa si loo sameeyo xaqiijin dhab ah .
Si kastaba ha ahaatee waxaa biyo kama dhibcaan ah marka laga hadlayo horumarinta caafimaadka waddankeena in baahiyaha aasaasiga ah la dhamaystiro oo loo qaabeeyo sida ugu haboon . Haddaba waxa iswaydiin leh sidee loo qaabaynayaa ??????
Jawaabtu waxay noqonaysaa in marka hore seeska ama ( Basic steps ) la saxo oo ay ugu horeyso in health policy decentralization la sameeyo .
Waxaa hubaal ah in ka jooga degmooyinka fog aan ee matala wasaarada caafimaadka ay suurto gal noqoto in uu hospital ka degmada uu masuulka ka yahay aanay oolinba wax vital signs ka bukaanka lagu cabiraa , ugu yaraan blood pressure cuff .
Waxaa muhiim ah in hagayaasha caafimaadka ee heerarka kala duwan ee aasaasiga ah lagu dhaqmaa kuwaasi oo  inta aan ogahay wax badani ka dhiman yihiin .
( somaliland standard treatment guideline should be entertained in  the Hospitals again the treatment guidelines should be done reform and refined )
Gebogebo :
Waxaan kusoo gebogebaynayaa qoraalkeyga weedh murti leh waa gabaygii Dal dhameeye oo inooga dhaxal tagey Abwaan Cabdi khaliif Indhoole wuxu yidhi :
* Dad xunka iyo yawgaba
* sidii loogu darajeeyay
* Aniguba wanaag uguma dudo
* Dunida nuuroowe
* Dal dhameeye waan marin jiree
* Maan dadka u sheego .
W/Q : Dr Abdilahi Mohamed Abdi
            MD , Advanced trained of forensic medicine
garraadahmed@gmail.com