Sida aan ku caddeeyay maqaalo hore oo badan in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland uu gaadhay marxaladii burburka amaba uu gabi ahaamba burbursan yahay, balse uu kaliya sugaayo aaskiisa, iyadoo aan ku mataalo geeridii Nabi Sulaymaan (CS) oo dhintay isagoo tukubihiisii cuskanaya, oo lama ogaan geeridiisii ilaa markii uu aboorku cunay tukubkiisii oo uu dhulka ku dhacay ayaa la aqoonsaday inuu geeriyooday, iyadoo intii hore aanay cidi awoodin inay hubiso xaalada Nabi Sulaymaan (CS) cabsi awgeed.
Maadaama aan in badan sharaxay in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland uu gabi ahaamba gudhay oo uu u bandhigan yahay wakhti kasta inuu gabi ahaan meesha ka baxo, iyadoo aanay jirin cid saadaalin karta xilliga uu burburka nidaamkeena siyaasadeed ku beegan yahay, oo waxay noqon kartaa maalmo gudohood ama bilo amaba sannado.
Marka aad dib u milicsatid taariikhdii dawladii hore ee Siyaad Barre, waxaad arkaysaa in ifafaalaha burburku uu sannado badan hortood uu muuqday, laakiin burburkii guud uu ku soo beegmay xilli aanay cidi saadaalin karin.
Waxaan doonayaa halkan in aan u iftiimiyo akhristayaasha xaaladaha ina hor iman karta ka dib marka uu nidaamkan siyaasadeed ee maanta jira uu xijaabto, si taxadir iyo feejignaan gaar ah aynu u yeelano, taasoo uu hadafkaygu uu yahay in aan muujiyo fool-xumada ka dambaynaysa haddii aynaan ilaashin nimcada uu Ilaahay maanta ina siiyay, sidaa awgeed maqaalkani waa inuu akhristaha ku beeraa digtooni, oo marnaba lama doonaayo inuu ku beero akhristaha niyad jab.
Xaaladahan waxaan u qaybinaaya afar xaaladood:
- Fara-galin shisheeye:
Xaaladani waa xaalada ugu filashada badan, iyadoo ay ifafaaleheedu in badan inoo muuqatay, taasoo ay ugu xoog badnayd heshiiskii lixda qodob ee ay ka dambeeyeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee bishii September 2009, waxaana arrintan sii xoojinaya wakhtigan awooda dheeraadka ah ee ay heshay dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo dawlada Itoobiya oo aan u dul qaadan karin xasilooni darro baahsan oo dalkeena ka dhacda, kuwaasoo faragalin toos ah oo ciidamo ah ku yeelanaya dalkeena, mana aaminsani inay taasi xasilooni dalkeena ka abuuri karto.
- Ururada Diiniga ah ee Xagjirka ah
Saadaasha 2aad ee la filaayo waxay tahay in ururada xagjirka ah ee diiniga ahi ay dalkeena qabsadaan, iyadoo ay arrintani suuragalnimadeedu ay macquul tahay maadaama ay ilaa waligeed ay hirdamaayeen fikrada dawladnimada diimuqraadiga ah iyo fikirka dawlada Islaamiga ah, oo burburka ku yimaada dawladnimada diimuqraadiga ah waxay qiil iyo xujo u siinaysaa wadaadada inay fikirkoodu xoogaysto.
Laakiin xita haddii ay qabsadaan wadaadadu talada dalka, hadana lama filaayo inay ku guulaystaan inay xasilooni dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ay dhisaan.
- Dawlad-Beeleedyo
Arrinta 3aad ee la filaayo waxay tahay inay dalkeena ka dilaacaan maamulo beelaysan, taasoo la filaayo in iyada lafteedu aany ku guulaysan doonin inay xasilooni weyn abuurto, maadaama ay xuduudo badan reeruhu wada degaan, oo goobahaasi waxay noqonayaan meelo xasilooni darro ka abuuranto.
- Isbahaysiga Haldoorka Bulshada
Qaabkani waa ka ugu fiican ee aan u rajaynayo Somaliland, in kastoo aanuu ifafaaleheedu wali muuqan, wuxuuna yahay in haldoorka bulshada oo isku jira (culimaa’u diin, aqoon yahano, ganacsato..iwm) ay isugu yimaadaan madalo la mid ah shirarkii Somaliland lagu asaasay sagaashameeyadii, kuwaasoo sixi doona khaladaadkii la galay isla markaana tub cusub u jeexi doona horumarka dalka.
Ugu dambayn waxa muhiim ah in aan tilmaamo in Burburka aan halkan uga jeedo uu yahay dhamaadka tijaabadii siyaasadeed ee aynu bilawnay 2001, iyadoo aanay ceeb ahayn in aynu wax qaladno, laakiin ceebtu waxay tahay in aynaan waxba sixin, sidaa daraadeed ayaan maqaalkan u qoray in marka aynu helno natiijada qaladkii aynu bilawnay 2001-dii in aanay taasi inagu dhalin niyad jab, balse ay inoo noqoto cashar aynu wax ka barano.
Sidoo kale waxay fariin qaylo-dhaan u tahay aqoon yahanka dalka inay doorkooda ka qaataan badbaadinta nidaamka siyaasadeed ee dalka iyadoo aan loo baahnaan in qaliin lagu sameeyo nidaamkan oo laga yaabaa in caafimaadka Somaliland aanay qaadi karin.