Trump waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u magacaabay nin ay saaxiib ahaayeen Madaxwyeynaha Ruushka

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa madaxa shirkadda ExxonMobil, Rex Tillerson u magacaabay xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibedda Maraykanka.

Tillerson oo saaxiib la ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa 41 sano ka shaqeynayey shirkadda saliida ee ExxonMobil.

Trump ayaa sheegay in aqoonta Tillerson uu u leeyahay in uu maamulo shirkad caalami ah ay muhiim u tahay in uu si guul leh u hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Trump, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sida tan:

“Hal adeeggiisa, khibraddiisa ballaaran iyo fahamkiisa qotada dheer ee siyaasadda caalamiga ah ayaa ka dhigeysa inuu noqdo qofka ugu habboon Xoghayaha Arrimaha dibedda”

Qoraalka oo sii socda waxa ku qornaa sidan:

“Waxa uu sare u qaadi doonaa xasiloonida gobolka, waxaana uu diiradda saari doonaa danaha qaran ee Mareykanka”.

Tillerson ayaa ay adkaan doontaa in Aqalka Senate-ka Maraykana uu ansixiyo, iyada oo xubno badan oo xisbiga Jamhuuriga ay shaki ka muujiyeen magacaabistiisa.

Xidhiidhka Tillerson uu la leeyahay madaxweynaha Russia Valdimir Putin “ayaa ah arrin walaac leh” sida uu sheegay senator John McCain oo jamhuuri ah.

Doorashada la doortay Trump oo ahayd mid dad badani aanay filayn, ayaa waxay noqonaysaa magacaabista uu Tillerson oo saaxiib la ahaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka leh ee Trump kusoo kordhiyey Maraykanka oo la hadlay waddamo Maraykanka xidhiidhkoodu xumaad, isla markaana ka cadhaysiiyey waddamo ay Maraykanka xulafo ahaayeen.

bandhige@gmail.com