War-murtiyeedkii ka soo baxay: Shirweynihii dib u eegidda nidaamka doorasho ee Somaliland

1. Hordhac

Ka soo qeyb galayaashii shirku waxa ay si weyn u qireen in dib u dhaca doorashooyinku ay waddanka u keentey sumcad xumo weyn oo baahsan. Halka uu shirku uu si weyn u qirey in dib u dhacyadii ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanku ay ahaayeen kuwa keeney cawaaqib xun, iyada oo si weyn uu shirku iskula qaatey in loo baahan yahay talaabooyin siyaasadeed oo lagaga baxaayo mushkiladdaasi in lala yimaaddo, si looga hortago korodhsiimooyin kale oo dhaca.

Shir lagaga arinsanaayey dib e eegidda nidaamka doorasho ee Somaliland ayaa ka dhacey Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa bishan aynu ku jirno ee Diisember 7-8-da 2016-ka. Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland haddii ay tahay, Xisbiyada qaranka, dawladda, golayaasha Baarlamaanka, guddida doorashooyinka, deeqbixiyaasha, ururada bulshada rayidka ah, jaamacaddaha Somaliland. Kuwaas oo dhammaantood kaga doodey kuna soo bandhigey warbixinno waxtar weyn u leh nidaamka doorasho ee Somaliland. Hawsha baaxaddaasi leeg waxa sahley oo habeeyey dallada ururada bulshada rayidka ah ee SONSAF oo gogosh fidisey.

Doorweyn oo baaxad leh ayey ku leedahay dawladda Somaliland hirgalinta nidaamka doorasho ee uu qeexaayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee aftida loo qaadey 31-kii May 2001-kii. Dastuurku waxa uu waajibinayaa cid kastaaba doorka ay ku leedahay, iyo sida hufan ee lagu gaadhi karo mar walba doorasho xor iyo xalaal ah oo waddanka gaadhsiisa horumar.

Warwarka ugu weyn ee daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ay mar walba qabaan waa dib u dhaca foosha xun ee ku yimaadda mar walba doorashooyinkeenna. Tani waa mid u baahan qorshe cad oo lagaga gudbaayo cabaqaddaasi oo Somaliland geedisocodkeeda dimuqraadiyadeed ku keentey ama ku keeni karta waxyeelo weyn.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka shirkaasi waxa uu daarnaa sidii loo dersi lahaa caqabadaha iyo saameynta doorashooyinka Somaliland ay ku leeyihin dib u dhaca doorashooyinku tan iyo bilawgii doorashooyinka Somaliland iyo sidii loo raadin lahaa ama loo qeexi lahaa fursad lagaga bixi karo dhibaatooyinka dib u dhacyadaasi ay keeni karaan.

Dhincaa kale waxa uu shirku amaan u so jeediyey gudida doorashooyinka Qaranka sidii wacneyd ee ay ugu guuleysteen iney hirgaliyaan nidaamkii isdiwaangalinta oo ahaa mid guul weyn ay ka soo hooyeen, iyagoo dhinaca kalena ku dhiirigaliyey in sida ugu dakhsiyaha badan loo dhammeeyo hawsha inta dhiman ee kaadh bixinta iyo kaadh daabacaaddaba.

 

  1. Saameynta iyo Cawaaqib xumada dib u dhaca Doorashooyinka
    •  
      • Ka soo qeyb galayaashii shirku waxa ay ugu baaqeen cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreyso dawladdu iney ixtiraamaan dastuurka qaranka oo ay ilaaliyaan wakhtiga doorasho, iyo xaqa qofka mawadinka Somaliland ee siyaasadeed si uu u helo wakhti uu wax doorto lana doorto.
      • Shirku waxa uu ku taliyey in meesha laga saaro dib u dhac kale oo yimaadda, iyo in la tixgaliyo nimaadka doorasho ee Somaliland, iyada oo la ilaalinaayo xaqa dastuurka iyo shirciyada waddanku damaanad-qaadeen.
      1. Horumarinta Nidaamka Asxaabta Qaranka
      • Shirweynuhu wuxuu soo dhaweeyey in saddexda xisbi qaran ay doorteen dhammaan musharaxiintoodii doorashooyinka soo socda. Hayeeshee waxa shirku uu si weyn u soo jeediyey in la horumariyo nidaamka doorasho ee xisbiyada guddahooda oo galdaloolooyin badani ka jiraan, iyo in la tayeeyo dhismaha guddaha xisbiyada si ay u noqdaan madal furan oo lagu soo bandhigi karo hanaan doorasho oo hufan.
      • Shirku waxa uu si weyn uga doodey in saddexda xisbi ay la yimaaddaan qorshayaal cad cad oo wax ka tari kara horumarka waddanka, ee aaney ku mashquulin uun siyaaasadda maalmaha ololaha doorashada uun. Waxa kale oo shirku si weyn u faaaqidey in la horumariyo xisbiyada dhinaca xubinnimadiisa, qaadhaanka xubnahiisa laga qaado iyo iney noqdaan madal furan oo muwaadinku xor u yahay inuu ku soo bandhigo damaciisa siyaasi, ee aaney noqon madal cid u xidhan.
      • Shirku waxa uu qirey in saddexda xisbi qaran ay ka mid yihiin asbaabaha keena dib u dhaca doorashooyinka, taasi oo ay sabab u tahay diyaar garaw la’aan ka muuqata u diyaar garawga doorasho xor iyo xalaal ah.
      1. Shirku waxa uu soo jeediyey in shuruucda iyo xeeararka xisbiyada, doorashooyinka waddanka dib u eegis weyn lagu sameeyo, si ay xisbiyadu u noqdaan asxaab horumarsan.

       

      1. Doorashooyinka Baarlamaanka.
      • Intii shirku socdey waxa si weyn looga doodey doorashada Baarlamaanka Somaliland iney tahay muhiim, hadday tahay aqalka wakiilada oo muddo dhaafey wakhtigiisii saddex jeer, iyo aqalka odayaasha “Guurtida”, oo shirkan ka hor aan waligeedba laga doodin doorashadooda oo dastuurku jideynaayo, oo iyaguna muddo dhaaf ku fadhiya aqalka. Shirku waxa uu hoosta ka xariiqey in doorashada labadan golle ay leedahay muhiimadooda.
      • In la dedejiyo qabsoomidda doorashada Wakiilladu waxa ay leedahay ahmiyad gaara oo shirku xusey, iyo in la dejiyo khariirad cad oo qeexaysa qabsoomidda doorashada Wakiilada. Waayo shirku waxa uu isla qirey in labada doorasho saameyn weyn ku leeyihiin waddanka. Waxa kale oo shirku isla qirey in degdeg loo xaliyo caqabad kasta oo ku gadaaman qabsoomidda doorashooyinkaasi oo ay ugu horreyso qoondooyinka kuraasta gobollada, dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay, iyo kala xadeynta gobollada ugu dambeyn.
      • Intii shirku socdey waxa aqoonyahannadii dhinaca sharcigu soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Somaliland oo meelo badan qabyo ka ah si loo helo dastuur xal u noqda dhibaatooyinka doorasho ee waddanka ka jira.
      • Shirku waxa uu dood adag ka yeeshey in la helo nidaamka ugu fiican, ama hufan ee lagu soo doorannaayo gollaha Baarlamaanku inuu noqdo mid laga wada xaajoodo, oo shirweyne kan ka weyn leyskugu yimaaddo.
      1. Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka
      • Shirku waxa uu si weyn ugu hambalyeeyey guddida doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay u soo gabagabeeyeen wareeggii koowaad ee diwaangalinta codbixiyaasha, sidoo kale waxa uu shirku ugu baaqey guddida doorashooyinku iney sida ugu dakhsiyaha badan u dhammeystiraan qeybaha hadhsan ee ay ka midka tahay; daabacaadda iyo qeybinta kaadhadhka, iyo in qof kasta oo isdiwaangaliyey uu helo kaadhkiisa sida ugu mudan.
      • Shirku waxa kale oo uu si weyn ugu taliyey in doorashooyinka soo socda la horumariyo nimaamka wacyigalineed iyo hawleedba. Si dadku u helaan wacaal ku filan oo ay ugu diyaargaroobi karaan doorashooyinka soo socda.
      • Shirku waxa kale oo uu ku taliyey in doorashada Madaxweynaha la qabto wakhtigeedii.
      1. Qabyo-Sharciyeedka Doorashooyinka Guud ahaan.
      • Shirku waxa uu in badan ka doodey, soona bandhigey qabyo sharciyeedka ka jira dhammaan nidaamka dawliga ah ee Somaliland, oo uu ugu horreeyo dastuurka, iyo xeerarka kale ee khuseeya doorashooyinka oo iyaguna u baahan dhammeystir. Inkasta oo sharciyaqaannadii shirku ku xidheen sharcdi ah in la furi karo uun dastuurka haddii waddanku ku jiro xaalad daganaasho oo laga wada qeyb qaadan karo, oo aan aheyn wakhti doorasho.
      • Shirku waxa uu isla qirey in aannu jirin xeerar dhammeystiran oo lagu gali karo dhammaan doorashooyinka soo socda oo dhan, waxaaney u baahan yahiin in dib u eegis iyo kaabis lagu sameeyo xeeararka doorasho ee madaxtooyada iyo golayaashaasha deegaanka, aqalka wakiilada. Shirku waxa uu isla qirey iney muhiim tahay in dhammaan xeerarkaasi la mideeyo.
      • Shirku waxa kale oo uu si weyn ugu taliyey in la sameeyo xeer u gaar ah guddida doorashooyinka Qaranka.

           

      1. Gegagebo

      Gunaanadkii shirku waxa uu ahaa mid noociisu ku yar yahay inuu waddanka ka qabsoomo, waxaana leysku raacey in la joogteeyo shirarkan oo kale, si ay iskaga war hayaan qeybaha ay khuseyso doorashooyinka Somaliland. Maxaayeelay meelaha uu xoogga saarey shirku ka doodiddiisu waxa ay ahayd meelo taabannaaya xaaladda hadda lagu jiro dhinac kasta iyo sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka ku xeeran doorashooyinka, iyo sidii loogu heli lahaa jid ina gaadhsiin kara guusha doorashooyinkeenna.