Kiinasidu waa goob cibaado ahaan u kulmisa, bulshada kiristaaanka ah, ee ku midaysan mabda’ooda dimeed ee ay hastaan. Mabaadidaasi sax iyo khalad midkuu doona ha ahaado.
Hadba inteenan kaba hadlinba samaynta ay kuu yeelanayso bulshadeena kiinisadaa laga dhisay Hargaysa, waxa ka horaysa in dhamaanteen is waydiino, maxaa sababay in Hargaysa laga dhiso kaniisad?! Ma dad soomaali ah, oo inaga mid ah, oo gaalo ah, ayaa jira, oo xuquuq ay leeyihiin awgood ayaa loogu dhisay kaniisadan?! Mise dad ajaaniba oo sifo sharciya wadanka ku jooga ayaa xaquuqdoodii diimeed meel looga dhacay, oo sidaa daraadeed ayaa loo dhisay kaniisadan, si wada-noolanshiyo diimeed uga hana,qaado Hargaysa?!.
Iswaydiinta Su,aalahaasi waxay inoo noqonaysaa halbeega ugu muhiimsan ee aynu ku ogaan karno, saamayanta ay inagu yeelan karto ka bulsha ahaan.
Hadii hadba ay jiraan amaba la helo dad soomaali ah, oo gaalo ah, oo u doodayey in kaniisadan la furo lana sameeyo, waxay inagu yeelanaysaa mustaqbalka saamayan bulsha oo wayan, oo ay ka mid tahay. Dhaqan xumo,bulsho lumis, iyo xasilooni daro siyaasadeed.
Qaacido siyaasadeed oo caan ah ayaa tidhaa ( dhacdo kuma dhacdo si kadiso ah, ilaa Hadii ay ku dhacdana waxa dhab ah in loo qorsheeyey in ay u muuqtao si kadiso ah.)
Hadaba dhisida kiinisaddani kumay iman si yaroo kadis ah oo fudud. iyadoo la ogyahay in dhamaan shacbaku ay wada muslimiin yihiin, waliba la ogyahay in aan amaankeeda cidi damaanad qaadi karin, hadana wax lagu dhiiraday in la dhiso kiinisadan, waana mid qorshe badan qaadatay oo imbadan la qorshaynayey. Waxayna inagu yeelanaysaa saamayn dhaqan, diimeed, iyo siyaasadeedba.
Aynu qodob qodob isku dul taagno saddexdaa aynu soo sheeganayan.:
1: Saamayn diimeed.
Bulshada soomaalidu waa bulsho boqolkiiba boqol Muslim aha, waana bulsho wada suunniya oo waliba hal madahab wada wadaaga. Kiinisadana waxy faafinaysa oo loo aasasay waa diin mabaadi ahan ay iska soo horjeedan diinteena suuban. Saamanta ugu wayen ay ina saamaysana waa in dadkii islaamka aha laga kaxeeyo islaanimo kiristaana laga dhigo, iyadoo loo maraayo mashaariic samafala. Tusale ahaan in la tirakoobo qoysaska Dan yarta ah ee dagan Hargaysa ka dibna la siiyo kaalmo dhaqaalee oo ay u baahanyihiin, sidaana looga faaidaysto dacwada. Kadib waxa soo baxaya jiil yar yar oo ku soo ababay diinta kiristaaanka. Saamayan diimeed oo wayan ayey inagu yeelanaysaa.
2: Saamayn dhaqan.
Dhaqankeena suuban ee aynu kaga soocanahay bulshooyinka kale ee aynu ku caano maalanay, waa mid xidhiidh toos ah laleh diintana suuban. Hadaba dhisida kiinisaddani waxay sababaysa in bulshadeena ay soo galaan dhaqamo inagu cusub oo aynan hore u arag, sida in khamiriga la banayasto oo si sharci ah uu soo galo wadanka lana furo meherado u gaar ah iibintiisa iyo samayantiisaba, iyo in la arako meelo baarar ah oo lagu tunto oo fusuq iyo xumaan leh, hadii layis idhaa wax ka qabtana ku odhanyaan diintayada ayaa noo banayasay.
Isku soo wada duubo ka soomali ahaan waxaynu leenahay dhaqan aad u qurux badan oo aynu kaga duwanahay umadaha kale, waana midka loo socodo in la dhalan rogo aragti ahaan, hadii ayanan ka hor tagin.
3: Saamayn siyaasadeed.
Siyaasadu waa habaka lagu maamulo bulshada laguna hogaamiyo, waxaana xaq u leh inay galaan dhaman bulshada noocyadeeda kala duwan iyo dimaheeda kala duwanba. Hadaba hadii bulshada ay ku soo biiraan bulsho diin gaar ah wadata waxa dhacaysa inay siyaasada ku yeeshaan samayan balaadhan iyo gacan wayan, iyagoo ka helaaya cawimaad iyo grab dawladaha kale ay midayso mabaadi,da diimeed. Isku soo wada duubo saamayanta siyaasad ahaan ee kinisadu inagu yeelan kartaa ma yara, wallow imikaba ayana samayantoodu inaga maqanayan.
Ugu dambayan Kala duwanaashaha diimeed iyo kala duwanaashaha dhaqan, waa mid waligiiba soo jiray oo bulsho kuwada nool halmeel inay kala duwanaanto wax fog ma ah, balse ka soomaali ahaan xiligan xili aynu qaabili karno amaba aynu u bisilnahay ma ah in aynu aragno qof inaga duwan. Inaga dhexdeeni oo isku dhaqana, isku midab ah, isku diin ah, ayaa is qaabili wayanay oo is cunsuriyeynaynee, maxaad u malayan mid diin ahaan iyo midab ahaan inaga duwan hadii uu ina dhex yimaado. Saamayenteedu ma yara.
WQ: Mahad Xasan Haybe “Fadhi-yare”
Khartuum. Suudaan.