Salmaan samir badnaayee Qaybtii 2 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Qaybtii labaad ee sheekadii Salmaan Al Faarisi

Xigasho:Musnad Imaamu Axmed

Darajada Xadiiska: Xasan

Dheegasho: Saxiix al Musnad ee uu qoray Sh Muqbil al Waadicii

Dhammaan dadkii Nasaarada ahaa ayaa isu yimid si ay u aasaan. Kolkii hawsha lagu jiray ayaan idhi, “Ninkani nin xun ayuu ahaa. In wax la bixiyo aduu dadka fari jiray, wuuna jeclaysiin jiray, kolkaad u keentaan ayuu aasan jiray.” Sideed ku ogaatay ayaa la weydiiyay. “Waxaan idin tusayaa keydkiisiiba”, ayaan ku idhi. Inuu tuso ayaa laga codsaday, wuxuuna geeyay meeshii keydku ku jiray.

Intaas ka dib, waxa uu Salmaan soo saaray toddoba kiish oo dahab iyo maari ka buuxdo. Waxayna ku dhaarteen in aanay aasayn weligiiba. Ka dib loox ayay ku daldaleen, waxay na ku ganeen dhagaxaan. Salmaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “ Nin kale ayay Nasaaradii ku soo beddeleen kii hore booskiisii. Waxa uu ahaa nin salaadda ka adag; habeen iyo dharaarba salaad u taagan, adduunyada ka saahiday, aakhirana jecel. Waan jeclaaday; jaceyl aanan qof la mid ah jeclaanin. Gu’yaal ayaan la joogay, illaa ay u timid geeridii. Kolkaas ayaan ku idhi, “ Waan kula joogay muddo, aad ayaanan kuu jeclaaday, waanad aragtaa inay maanta kuu timid tii Alle, markaa maxaad igula dardaarmaysaa? Maxaad se i faraysaa? Sheekhii wuxuu ku warceliyay:

“Inankaygiiyaw, wallaahi maanta ma garanayo cid ku sugan dhabbada togan ee aan ku taaganahay, dadkii diintii way beddeleen wayna ka tageen. Keliya waxaan xusuustaa nin jooga magaalada Moosil. Ninkaasi wuxuu haystaa diintii xaqa ahayd ee u tag isaga. Salmaan wuxuu yidhi. Markii uu dhintay waxaan u tagay ninkii Moosil joogay ee uu ii tilmaamay.

Waxaan ku idhi:

“Hebel ayaa ii kaa soo tilmaamay, iina sheegay inaad diintii xaqa ahayd haysato, wuxuuna ii sheegay inaan kula joogo.”

Wuxuu iigu warceliyay, “Ila joog.” Ninkani wuxuu noqday nin dariiqii haya oo wanaagsan, waxyar kaddibna wuu dhintay. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay, ayaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo dardaarmay ina faray inaan kuu imaaddo, haddana waad aragtaa inay geeridii kugu soo xaadirtay, maxaad igula talinaysaa? Wadaadkii wuxuu ku warceliyay, “Inankaygiiyaw, wallaahi ma garanayo cid ku sugan diintii aanu haysannay marka laga reebo nin jooga Nasiibiin. Waxaan u imid ninkii Nasiibiin joogay. Muddo kolkii aan la joogay wuu dhintay. Waxaan ku idhi, “Hebel baa ii kaa soo tilmaamay waanan kuu imid, de waa taan oo geeridiina kugu soo xaadirtay, de ii dardaaran, ina tilmaan.” Wadaadkii waxa uu iigu warceliyay, “Inankaygiiyaw, maanta cid sii nool oo diintan haysata waxaan garananayaa oo keliya nin jooga Camuuriya.”

Waan tagay waxaanan u anbabaxay Camuuriya, anigoo la kulmay ninkii. Waanan u warramay. “Ila joog,” ayuu igu yidhi. Muddadii aan la joogay ninkaas waxaan shaqaystay waxoogaa xoolo ah oo isugu jira adhi iyo lo’. Kolkii ay geeridii ku soo xaadirtay ayaan isna intii in le’eg ku idhi. Markaa bal ila dardaaran. Wadaadkii wuxuu iigu warceliyay, “Inankaygiiyaw, cid aan kuu tilmaamo ma garanayo; anigaa ugu danbeeya qof haysta diintii saxda ahayd. Laakiin waxa soo dhaw waagii uu soo bixi lahaa Nebi laga soo saarayo dhulka Carabta oo ku abtirsada diintii Nebi Ibraahiim. Nebigaasi wuxuu u soo haajiri doonaa dhul ku yaalla laba dhagax-shiil dhexdooda; laba taag oo leh dhagaxaan madmadow oo timirtu ka baxdo. Sidoo kale, Nebigaasi wuxuu leeyahay summado aanad hilmaami karin.

Tilmaamaha aanad gafaynin waxa ka mid ah: hadyadda wuu qaataa, sadaqada ma qaato; labadiisa garab dhexdoodana waxa ku taalla shaanbaddii nebinnimada.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 1 aad

Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797