Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo oo gaadhay Ingiriiska

Madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo weftigii uu hoggaaminaayey ayaa gaadhay Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maalmihii u danbeeyay booqasho rasmiya ku joogay Ayrland ayaa waxay kulamo kala duwan la qaatay muddadii ay dalkaasi ku sugnayeen madaxda ugu saraysay Ayrland.

Weftiga Madaxweynaha waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Jaaliyada ku dhaqan magaalada London.

Wasiirka Arrimaha Debadda Maxamed Biixi Yoonis oo kamid ah weftiga Madaxweynaha oo hadal u jeediyay dadkii soo dhaweyay wuxuu uga waramay socdaalka weftiga iyo kulamadii ay la soo yeesheen Madaxda waddanka Ayrland, kuwaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay in ay ka soo baxeen midha dhal wax weyn ka tari doona qadiyada iyo himilada shacbiga Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa isna u mahad naqay dadkii sida weyn ee xamaasada leh u soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in uu guul ugu soo dhammaaday socdaalkii weftigu hoggaaminaya ku tageen Ayrland, dhinaca kalena wuxuu Madaxweynuhu qurba jooga ugu bushaareeyay in dalkii lagu nabad qabo wax dhibaato ahnina aanay ka jirin.

 

bandhige@gmail.com