Samaha uun dhawro (Gabay: waxa curisay Filsan Mooge Cabdi)

 

Gabaygan la magac-baxay “Samaha uun dhawro” waxa curisay Filsan Mooge Cabdi. Waa marti aan faahfaahin u baahnayn oo iskeed isku sharxaysa. Akhris wanaagsan.

Hadal dheeliyood nacdiyo, amase kii dhoohan
Ereygii dhantaal lehee, dhibaya laabtaadaa 
Codna kii dhawaaq xumee, dhaguhu diidaaan
Marna kamaad dheehateen, dhinaca aan joogo

Xigmadi waa dhextaalkiyo, dhuuxa hadalkayga
Maqaal yar baan dhiibiye, dhugo odhaahdayda 
Guushaa dhawaaq badan, dhami ahaanteede
Saaxiibo beenay dhashaa, cadaw kuu dhab ahe
Inkastoy dhib badan tahay, ogow dhinacay joogto

Xikmadi waa dhextaaliyo, dhuuxa hadalkayga
Inkastood dharaaraba, aadmiga dhoodhoobto
Wixii ay dhibsadaan iyo xumaha uun dhawrto
Adigoon dhaqaaqin bay, dhoohani iloobaane
Si kastoy dhanaan tahay, samaha uun dhawro