Nidaamka dalkeenu wuxuu qaatay suuqa xorta ah iyo in aan kooto cidi u xidhan adeeg ay bixiso kaligeed, haseyeeshee waxa soo ifbaxaya in la doonayo in shirkadihii laydhka ee tartanku ka dhexeeyey hal shirkad uun laga dhigo, taasina maaha mid shacabka u dan.
Ganacsigu wuxuu ku fiican yahay tartan dhexdood ah, haddiise cidi kooto ku bixiso adeeg ay bixinayso waa in xukuumaddu ka diidaa si danta shacabka u ilaaliso.
Mar wal oo shirkado badan jiraan waxa faaโiido helaya shacabka waxaanay shirkad waliba ku dadaalaysa inay adeegeedda horumariso iyo inay ka jabnaato ta kale si macmiil badan u hesho, haseyeeshe hadii hal shirkad adeeg kaliya bixiso waxa imanaysa inay sida doonto ka yeesho oo xiitaa hadii ay qoraxda ama hawadda laydh ka dhaliso aanay waxba ka jabin dadka madaama dadku ku qasban yihiin kootadooda.
Shirkadaha bixiya adeega laydhka ta ugu balaadhan ee magaalada maamusha waa SOM-Powerย waxa halka WATT ka qaadaaN 0.79 WATT, halka shirkada kale ee xaafado kooban maamulaana ee kootadda diidan ay dadka ka qaado 0.5 dollar per WATT , sidaas darteed guryaha ku yaala koonayaasha labada shirkadood iska soo gaadhaan nasiibku dhigay waxay fursad u helaan kala doorasho hadba ka u jaban, haseyeeshee guryaha aan shirkad kale u dhoweyn waxay ku qasban yihiin in adeegaasi qaaliga ah ku qasbanaadaan ma laha kala doorasho shirkad kale oo u dhow ma jirto.
Sidaas darteed xukuumaddu waa inay shacabka dantoodda u adeegto oo aanay ogolaan inay shirkaduhu u midoobaan shacabka balse dhiirigaliso inuu tartan yimaado, Somaliland waxay ku jirtaa meelaha aduunka ugu laydhka qaalisan, iyadoo dalalka jaarka ah ay boqolkiiiba sagaashan ka qaalisan tahay Somalilland.
Dhowaan waxay shirkadaha diiday midowga waxay ka cabanayeen inay xukuumaddii hore kooto uguย xidhay inay laydhka mariyaan dhulka hoostiisa oo hal shirkad uun loo ogol yahay iyo in xaafadaha qaar aanay laydhka galin Karin, taasina waa eex ay xukuumaddu ogolaatay, waxaanay shirkadaha kale ku doodayaan si suuqu xor u noqdo in shirkadaha ka hor yimid midowga Laydhka loo ogolaado inay wadooyinka marin karaan laydhkoodda si aanay ugu koobnaan xaafado gaar ah.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka waxa u fiican in aanay shirkaduhu u midoobin balse la helo shirkado kala duwan oo Isku adeeg bixinaya, shirkadaha isku mid ahi urur danahooga u dooda way samaysan karaan laakiin adeegoodda hal shirkad kama dhigi karaan haddii ay ka dhigaana waxa culays dhaqaale fuulaya shacabka ka adeegayaanaya oo kala dooran Karin adeegyo kala duwan iyaga mooyee, waxaanay taasi jabinaysa dastuurkiiย xuquuqda shacabka iyo ganacsiga damaanada qaaday inuu suuqu yahay mid xor ah.
Tacadiyadda ay kala kulmaan shirkadaha laydhka dadweynuhu waxa ugu yar adigoo lacag bixiyey oo si khalad ah qof kale loogu qoro, hadii resiidhkii kaa lumay lagaama yeelayo in laga jaro illaa aad risiidhkii keento, hadii aad hesho risiidhkii lumay waxay kugu qaadanaysa muddo in lacagtii aadย bixisay ee khaladka guri kale loogu qoray inaad dib u hesho, isla markaana wax raaligalin ah lagaama siinayo khaladka ay iyagu sameeyeen oo laga yaabo in laydhkaba kaaga jaraan.
Arrintani waxay ku dhacday Maxamuud Maxamed oo sheegay in sanad uu daba socday in lacagtii uu bixiyey ee guri kale la galiyey laga soo cesho oo xisaabtiisa loogu daro, waxaanu sheegay inay ku doodeen in xisaabtaasi la xidhay oo ay adag tahay in la soo celiyo.
โSaddex jeer bay lacag aan bixiyey igu soo dalaceen oo xiitaa laydhka la igaga jaray, nasiib wanaag markii hal risiidh aan helay oo aan u geeyey shirkadii oo illaa xaruntoodda tagay sidiiย ay kolba waax igu soo celcelinayey waxay iigu jawaabeen in xisaabtaasi sanad ka soo wareegtay oo la xidhay, halka tii rasiidhka aan waayeyna aan bixiyey mar kaleโayuu yidhi Mawaadin macmiil u ah shirkadda ugu balaadhan ee laydhka ee SOMPOWR oo tilmaamay dhibaatooyin uu kala kulmay shirkadaha laydhka.