Sheeko: Cashuurta caano ku bixi (WQ: Xamse Khayre)

 

Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee 2012-kii ayaanu tababar ka wada qayb-galnay in ka badan 105 dhallinyaro ah oo isu diyaarinaysay ololaha doorashadaas oo dhamaantood Musharrixiin ahaa. Kulamadii tababarka mid ka mid ah ayaa la waydiiyay Musharrax kasta sababta uu isku soo sharaxay.

Qaar garan waayay, qaar xaraabaysanayay, qaar sababo kala duwan sheegay intaba waan dhagaystay. Laakiin, Nin dhallinyaro ah oo degmada Boprama ka socday oo Musharrax ahaa, shaqadiisuna Saxaafadda ahayd ayaa dadkii oo dhan ku qanceen sababta uu isku soo sharaxay, waxaanu yidhi

โ€œWaxay ahayd subax abaara 10: 00 am, anigoo ku jira shaqo maalmeedkaygii Suxufinimo ayaan la kulmay Hooyo miskiin ah iyo Nin ka tirsan kuwa cashuurta ururriya ee Dawladda hoose. Wuxuu Hooyada ku leeyahay keen cashuurtii, iyaduna (intay weelkii caanaha daboolka ka qaaday) ayay leedahay waxba maan iibin hooyo, ma hayo shilin aan cashuur ku bixiyo. Muran iyo tacadi dheer kadib wuxuu cashuur ururiyuhu hooyadii ku yidhi โ€œCaano ku bixi cashuurtaโ€ iyo โ€œHaye, hooyo macaane.โ€

Halkaa markay marayso ayaan is waydiiyay buu yidhi Musharruxu โ€œTolow caanaha, ma dawladdii hoose ayuu u gaynayaa oo meel ku shubanaysaโ€ iyo tolow โ€œmise Maayarkuu u gaynayaa oo cabba.โ€ Waaryaa, intaan tallamayay ayaabuu Islaanta horteedii โ€œFarasle muggii oo caano ah ku laacay, cashuur ururiyihiiโ€. Maalintaas ayaan goโ€™aansaday buu yidhi inaan isa soo sharraxo.

Halkaa markay maraysay ayuu Musharrax kale waydiiyay Saxafigii:

โ€œMiyaanu juwan u jarin islaanta?.โ€

Isna wuxuu ugu Jawaabay:

โ€œCalooshu Juwan ma leh.โ€

Nasiib daro, Saxafagaasi muu kusoo bixin Doorashadii Golaha Deegaanka, waxaana soo baxay ka dambe ee suโ€™aasha juwanka keenay (oo aan xumaynba mar haddii uu juwan jarayo).

Waxaan ku xasuustay Saxafiyiinta iyagoo waajibaad qaran gudanaya Berbera lagu xidhay. Maalgeshiga Berbera waa caanaha-naga shacabkayan masaakiinta ah, Saxafiguna waa noo ilaaliyaa, haddii la la naga cabbayo iyo haddii la na cabsiinayo. waxaan leeyahay Degdeg faraha ha looga qaado Wariyeyaashaa waanuba soo sharraxaynaaye.

Waxa Qoray: Xamse Khayre