Faysal Cali Waraabe waxa uu ka qayb galay xaflada caleemo saarka Suldaanka Guud ee Beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq “San-Buur”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii u danbeeyay safar shaqo ku joogay Gobolka Togdheer ayaa shalay Deegaanka Beer ee duleedka Burco kaga qeyb galay xaflad lagu caleemo saarayay Suldaanka Guud Ee Beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq “San-Buur”.

Munaasibadda caleemo saarka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay labeenta Somaliland sida Madax Dhaqameedka, Culimada, Siyaasiyiinta, ugu caansan Somaliland.

Waxaana halkaasi laga jeediyay Khudbado kala duwan oo ku qottoma duco iyo dardaaran loo jeediyay Suldaanka cusub ee la caleemo saaray.

Sidoo kale waxa si isku mid ah la isaga daba maray Shakhsiyadda Suldaanka oo lagu tilmaamay  nin culimo ah oo ummaddiisa wax badan soo taray, isla markaana ku haboon masuuliyaddaasi loo igmaday ee Suldaannimo.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buur-Madaw) oo halkaasi ka jeediyay khudbad si wayn loola dhacay, isla markaana taabanaysay dhinacyo badan ayaa Xisbiga UCID iyo Gudoomiyaheeda ku amaanay sida ay u soo sharfeen munaasibaddan, maadaama buu yidhi uu Gudoomiyihii Xisbiga UCID uu ku sugan yahay xafladda halka xisbiyada Kale ay qaarkoodna soo direen ku-xigeenno qaarna aanay kaba soo xaadirin.

Sidoo Kale Boqor Buur Madaw ayaa cod dheer ku sheegay in Beeshoodu ixtiraam wayn u hayaan Gudoomiyaha UCID.

Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku caano shubay isla markaana caleemo saaray Suldaanka Guud Ee Beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq “San-Buur”.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo khudbad halkaasi ka jeediyay ayaa bogaadiyay Suldaanka cusub, isagoo sheegay in Suldaankani yahay mid la soo xulay oo aanu ahayn mid isagu is caleemo saaray.

Sidoo kale Guddoomiye Faysal waxaa uu sheegay in Beeshani  ka mid tahay taageerayaasha UCID.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha ayaa ku dardaaray Suldaanka in uu noqdo Suldaan dadkiisa waxtara oo horumarka kala shaqeeyaa.

bandhige@gmail.com