Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane,
Ma anigaa mindiyo ley qarshaa leygu qali doono….
Tixo ka mid ah gabayadii Gabyaa Faarax Nuur (AHUN).
Cahdigii uu halganka hubeysan ku jirey Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM oo kala hortagey taliskii macangaga ahaa ee uu hogaaminayey marxuumkii Alleystey ee Siyaad Bare, ayaa waxaa ka mid ahaa mahadhooyinka taariikhda urrur halgameedkaas, masrixiyada siyaasada iyo sida loo jilaayey saaxada hogaaminta intan SNM dagaalameysey.
Mida ugu cusleyd uguna wakhti iyo taariikh badneyd waxay aheyd mida lagu naaneysi jirey SHIISH IYO KHAAKH. Waa masraxiyad ka turjumeysey laba garab siyaasadeed oo aragti ahaan fikir kala duwan kala qabey. Aragtida oo ku taxaluqdey dhinaca hogaaminta Urrurka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM. Aragtida fikirka siyaasiga ah oo la kala qabey waxaa uu diirada saarayey dhinac walba oo hogaaminta urrur halgameedka ah; siyaasiyan, ciidan ahaan, dimlamaasi ahaan, iyo dhinacyada qorshayaasha iyo jaan-goynta guud!
Waxaa cajiib aheyd, in labada garab mid walba si isu-dhafan ka koobnaa siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo is garabsadey si ay fikirkooda u meel mariyaan. Waxaa kale oo cajiib aheyd in labada garab kala miisaan badnaayeen marka loo eego raga ku kala jira. Sidoo tahey ayaa waxaa mar walba jirey xanshashaq, xan, nux nux, iyo is juqa juqeyn joogto ahayd. Waxaa kale oo cajiib aheyd in marka kulan ama shir la isugu yimaado loo wada hadli jirey si run ah, qayaxan, arxan aan laheyn, oo aan waxba la isula hadhin balse gebo gabad lagu dhameyn jirey is-faham iyo go’aamo loo mideysan yahey oo shirarka ama kulanada ka soo baxa!
Intaa waxaa dheeraa, in garabyadaas is haya mar walba aaney isaga masuugin jirin in ay isu qiraan sida iyo milgaha ay kala mudan yihiin dhinac walba; aqoon, khibrad, karti, iyo kala horeynta jaranjarada hogaaminta oo ku kala horeeyeen; xubin ahaan iyo koox intaba!
Qofka cusub oo saaxada ku soo biira waxaa bilowga uu waajahayey anfariir iyo yaab balse muddo ka dib marka si degan u derso, xiiso ayey ugu filneyd. Labada garab magacyada caanka ee kala lahaayeen waxay ahaayeen; Calan cas (khaakh) iyo Qun-yar socod (Shiish). Qun-yar socodka ayaa xoog badnaa oo miisaan weynaa halka calan castu ahaayeen socod barad. Waa sida aan u bowsadey aniga qoraaga ah inta cimrigu ii saamaxey oo yareyd da’deyda oo aad u yareyd darteed!
Waxay xiiso ku soo dhameysateyba hayaankii xilli halgameedka inta debada halganku ka socdey oo taariith badan ay ku duugan tahey. Waa midh waajib ah in inta nool raga oo saameynta ku lahaa ay qoraan taariikhdaas dahabiga ah. Arrintu waxay in la dhagareeyo isu rogtey markii gobanimada dib loo soo dhiciyey waa 1992kii. “ Garabkani waa garabkii mucaaridka la odhan jirey oo SNM ka mid ahaa” sidaa waxaa tiraabey mid ka ah raxan halgamayaal ahaa oo shir jaraa’id ku qabtey Baar Hargeysa bilowgii 1992kii. Waa markii ugu horeysey oo SNM si kooxeysan ugu dhawaaqdo in ay garabo yihiin. Arrintan waxay horseedey dheeshii dhabta aheyd ee siyaasada oo garabyada is hayey isula badheedhaan! Qalalaasihii magaalo marseedka Berbera ayaa dhoolatuskii ugu cuslaa ka dhacey waana meesha lagu kala MACAASHEY siyaasiyan!
Garabka dheesha odorasey oo inta badan wadey gulufka waxaa uu ahaa midkan damaaciga ahaa waa KHAAKHDA. Garabka kale waa SHIISHTA ah, waa midka hogaanka hayey oo madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali ka tirsanaa (AHUN)! Muj. Axmed Max’ed Max’uud-Siilaanyo- oo hadda ah Madaxweynaha dalka ka taliya oo guddoonka ku wareejiyey saxiibkii C/raxmaan Axmed Cali 1990kii iyo shirweynahii 6aad ee SNM iyo xarunta halganka ee Almis (Balli-gubadle) waxaa uu u digo rogtey dhinaca mucaaridka ah markan.
Aan soo kooba eh, qalalaasihii Berbera, dulqaad ay SHIISHTU sameysey waxaa kaga macaashey garabkii damaaciga ahaa. Tani khasaaraha ma ay yareyn balse waxaa ka dhashey dagaalkii sokeeye ee 1994-1996kii. “SNM aynu u xisaabtano oo mid walba qaladka uu galey qaadano balse talada si fudud yeynaan u wareejin” sidaa waxaa tiraabey garabka SHIISHTa oo laga guuleystey.
“SNM waa in ay talada wareejiso oo shacabka ku celiso sida dastuurku dhigaayo kuna balan qaadey” sidaa waxaa ugu jawaab celiyey garabka KHAAKHDA oo ay is hayeen misna guusha siyaasadeed gaadhey. Goobta la isugu hal celinayaa waa madashii shirweynaha Boorama ee 1993kii.
Imaanshaha hogaamiye M. I. Cigaal (AHUN) oo madax-weyne loo doortey madashii Boorama 1993kii taladana hayey illaa dhimashadiisa 2002da, waxay miisan u noqotey saaxada siyaasada oo la dhagareeyey isaga oo xal, dhakhtar, iyo daaweynba u ahaa! Waa sida dhabta ah haddiiba aynaan is diidsiineyn xaqiiqda diiwaanka taariikhda!
Inta M/weyne M. I. Cigaal (AHUN) dabiibayey dhibtaada tafaraaruqa siyaasadeed ee hogaamiyayaashii SNM, QIIMO adag ayey ku qaadatey oo inagu joogtaa UMMAD AHAAN; dhagar sokeeye,,baro-kac, qaxootinimo cusub, iyo amniga oo faraha ka baxey illaa in loo soo celiyo ka fursan weydey waa mushkiladaha uu ka soo gudbey hogaamiye Cigaal (AHUN).
Haddaba, waxaa yaab ah in rag talo xumadaas ku suntan, ay maanta daal dheer oo la deris ah, ay si axmaqnimo ah u soo hadal qaadan taariikhdaas madow oo canbaarta ku ah iyaga. Macno darada waxaa weeye, in maseyr ay u qabaan kuwa talada uga mudnaayeen halka kaga jireen, guddoonka ka heysteen, khibrad iyo aqoon dheeraayeen, oo sida sal ba-bakha ah saaxada ugu cidleeyeen uu kala weyn yahey halka iyo meesha maanta taladu mareyso?
Waxaa la gudboon ragas in ay is gaabiyaan oo haddiiba laga dhaafey WACAD-FURKA CIDA AY BAH-WADAAGTA AHAAYEEN saamaxdey, ay si dhuuban uga mid noqdaan dadka! Waxaa amaan iyo hambalyo mudan inta badan ee samir iyo dulqaad kaga jawaabtey hagar daamooyinkaas saaxiibadood keeneen wakhtigaas oo ka mid ahaa inta da’da yar oo la dhacsaneyd qun-yar socodka siyaasada ay ku jilayeen iyaga oo tixgelinaya danta guud isla markaa dadkooda dhibaatada ka dhowrayey. Alle ha u naxariisto inta dhimatey kuwa noolna cimriga iyo caafimaadkaba ha u saa’idiyo-Amiin…..Amiin….!
Gunaanad, waxaan ummada u soo jeedinayaa in laga feejignaado dhagaraha siyaasadeed oo khasaarahoodu hore inoo soo marey! Waan in si dhow iyo si fog, labadaba aynu ula socono tabaha dhagareysan ee raga qaarkii yaqaan oo dhaqan ka dhigteen! Yaan shaadh qabiil la inoo sudhin si aynu ugu ganacno dibin-daabyada siyaasada ooh or leh misnai biseyl inooga baahan cimri ahaan!
Aan ku soo afmeero, tixo ka mid ah gabayadii Abwaan C/llaahi Suldaan (Tima-cade)
Qabiil iyo Jeeroo la Naco Qaadka lagu waashey,
Qasdi Keliya Jeeroo Yeelato oo Qowlka ku Heshiiso,
Qabyo Weeye Soomaalidaay Qiiradaadaniye….
ALLOW SOMALILAND DHOWR……AMIIN….AMIIN…
ALLAA MAHAD LEH,
Hoos ka akhri maqaallo hore oo uu qoray Mustafe Suleymaan Cilmi
Dooda Kala-Reebka Doorashada 2017: Musawir Muujinaya Nugeylka Siyaasaddeena!
Maxaa Caqabad ku Noqon Kara Doorashada Is-barkan ee Kal-dambe?
Shan iyo labaatan-guurada 18-ka May
Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah: Maalin kale oo loo hiiliyey dowladnimada!
Hargeysa iyo Xuskii 26ka Juun ee 23 Sanno Ka hor, 1991
Murugga ku lammaan nidaamkeena dawladnimo!
Saaxadda siyaasadda dalkeena iyo raad-raaca taariikheed!
Hargeysa, Somaliland.
Tel: 00 252 (0)63 4137470
Email: mustafe72@gmail.com